Tag: Galmudug

Galmudug iyo Ahlsuna oo lagu wadal hadalsiinayo magaalada Nairobi

Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna ayaa wada hadal uga furmaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo wada hadalkan ay garwadeen ka tahay urur goboleedka IGAD.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo ka hor-yimid taageeradii Xaaf u muujiyay Sacuudiga iyo Imaaraadka

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey, Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyo Guddoomiye kuxigeenka ayaa war wadajir ah oo ay goor dhow ka soo saareen Cadaado waxay kaga soo horjeesteen go’aankii xalay ka soo baxay Madaxweyne Xaaf, kaasoo lagu taageerayay Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ee xiriirka u jaray dowladda Qatar.

Galmudug iyo Ahlusuna oo wada hadalo uga furmaya Muqdisho

Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna Wal-jameeca ayaa maanta oo Arbaco ah lagu wadaa inuu wada hadal uga furmo magaalada Muqdisho.

Galmudug oo beenisay in musuq maasuq baahsan lagu hayo doorashada xubnaha aqalka hoose ee Cadaado

Dowladda gobolleedka Galmudug ayaa ku gacan-seyray eedeymo la xiriira doorashada xubnaha aqalka hoose ee ka socta Cadaado oo lagu tilmaamay mid musuq-maasuq baahsan uu ka jiro.

Akhriso: War Murtiyeed laga soo saaray heshiis ay gaareen Maamulada Galmudug iyo Puntland

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa heshiis hordhac ku gaaray magaalada Abu Dubai iyadoo heshiiskaasna ay goobjoog ka ahaayeen madaxda maamul goboleedyada kale ee dalka.

Galmudug oo ku eedeysay Puntland in dagaalka Gaalkacyo gaarsiisay meel aan jirin

Maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay Puntland inay indhaha ka qarsatay dadaalada nabadeed ee la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka iyo xiisada ka taagan magaalada Gaalkacyo.

Galmudug oo sheegtay in dagaalo abaabulan oo saddex geesood lagu soo qaaday

 Dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegtay in dagaalo abaabulan oo saddex geesood ah lagu soo qaaday deegaanada ay maamusho ee Mudug iyo Galgaduud.

Galmudug oo beenisay eedeyntii Puntland u jeedisay dowladda Soomaaliya

Maamulka Galmudug ayaa beeniyay eedeyn shalay kasoo yeertay maamulka Puntland oo aheyd in dowlada Soomaaliya ay door ku laheyd dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Maamulka Galmudug oo soo dhoweeyay dhaarinta xildhibaanada Hirshabeele

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxtooyada Maamulka Galmudug ayaa lagu soo dhoweeyay dhaarinta xildhibaanada maamulka cusub ee Hirshabeele.

Maamulka Galmudug oo beeniyay in ay ciidamada Galmudug iyo Alshabaab uu iskaashi ka dhaxeeyo

Maamulka Galmudug ayaa soo saaray war saxaafadeed uu ugaga hadlayo dagaal shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxana uu ku beeniyay in iskaashi u dhexeeyo ciidamada Galmudug iyo kuwa Alshabaab.

Madaxweynaha Galmudug Guuleed oo ka hadlay weerarkii xalay ka dhacay duleedka Gaalkacyo

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay weerar ay ciidamo hubeysan iyo duqeynba ku qaadeen saldhig ay ciidamada Galmudug ku lahaayeen duleedka magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Galmudug oo maanta booqanaya goobihii lagu dagaalamay

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta lagu wadaa inuu booqdo goobihii lagu dagaalamay ee bariga Gobolka Galgaduud, halkaasoo maalmo ka hor ay soo galeen dagaalyahanadii ka tirsanaa Al-Shabaab ee ka soo firxaday dhanka Puntland.

Ciidamada Nabadsugida Galmudug oo soo furtay muwaadin Kenyan afduub loo heystay

Ciidamada Nabadsugida Maamulka Galmudug ayaa maanta xoog ku soo furtay muwaadin Kenyan lagu magacaabayay James Gajumbo, kaasoo muddo 15 bilood afduub loo heystay.

Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Jubbaland oo Cambaareeyay Socdaalka Guddoomiye Jawaari

Madaxweyneyaasha Maamulada Jubbaland iyo Galmudug  C/kariin Xuseen Guuleed iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo maanta Shir Jiraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado ayaa wada jir u Cambaareeyay socdaalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee uu ku tagay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka galgaduud.

Maamulka Galmudug oo Maamul cusub u sameeyay degmada Caabudwaaq (Sawirro)

Maamulka Galmudug ayaa maamul KMG ah u magacaabay degmada Caabudwaaq ee waqooyiga Galgaduud, kaasoo noqonaya maamulkii u horeeyay ee heer degmo oo ay soo magacawdo, tan iyo markii Maamulka Galmudug lagu dhisay Cadaado .

Madaxweynaha Galmudug oo furay Garoonka Diyaaradaha USHAKA ee Koofurta Gaalkacyo

Madaxweynaha Galmudug ee Soomaaliya Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa shalay si rasmi ah u furay Garoonka diyaaradaha Ushaka ee degmeda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, kaasoo noqon doonaa garoon diyaaradeed u gaar ah maamulkiisa.

Guuleed “Haddii aan duruufta nagu qasbin xoog inaan u adeegsano Ahlusuna ma rabno”

 Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in aanay marnaba la aqbali doonin ciida ka madax banaan ciidamada sharciga ah ee dowladda ka tirsan ee ku sugan Gobollada Dhexe.

Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay Golihiisa Wasiirada (Akhriso Magacyada)

 Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo saacadihii u dambeeyay laga dhowrayay inuu soo magacaabo Golihiisa Wasiirada ayaa kama dambeys caawa fiidkii ku dhawaaqay.

Madaxweynaha Galmudug oo lagu wado in saacadaha soo socda uu magacaabo Golaha Wasiirada

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu magacaabo Golaha Wasiirada maamulkiisa, kadib wada tashiyo uu muddooyinkii u dambeeyay ka waday magaalada Cadaado.

Madaxweynaha: ‘’Maamulka cusub ee Galmudug waxaan uga fadhinaa inuu ka shaqeeyo nabadda iyo horumarka shacabka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Cadaado kaga qeybgaley munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku Xigeenka maamulka ku meel gaarka ah ee Galmudug. 

Cabdi Qaybdiid oo shaaciyay inay Xayiraaddii ka qaadeen Garoonka Gaalkacyo

Madaxweynaha Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo maanta shir jiraa’id ku qabtay Gaalkacyo ayaa sheegay inay xayiraaddii ka qaadeen garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ee ay maamusho Puntland.

Puntland oo Beesha Caalamka ka dalbatay in la soo faragaliyo Khilaafka Galmudug iyo Puntland

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed  Ee Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa Warsaxaafadedkaasi Maamulka Puntland uu ugu baaqay Beesha Caalamka in ay soo faragaliso Khilaafka soo kala dhexgalay Maamulada Puntland iyo Galmudug islamarkaana salka ku haya Xirnaashaha Garoomada Magaalada Gaalkacyo.

Dagaal dhex mara Puntland iyo Galmudug oo laga digay si xaalad aan wanaagsaneen laga dareemaayo labada dhinac.

Iyadoo uu sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa soo baxaya digniino laga bixinayo dagaalo labada dhinac dhex mara, kadib markii Puntland ay sheegtay in Gobolka Mudug oo dhan ay xukunto.

Wasiirkii Cadaaladda Galmudug oo shalay magaalada Hargeysa ku geeriyoodey Maantana lagu aasayo Gaalkacyo

Wasiirkii cadaaladda maamulka Galmudug, Sheekh Xijaas Macallin Maxamed ayaa shalay xanuun awgiis ugu feeriyooday magaalada Hargeysa, iyadoo lagu wado in maanta lagu aaso magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS