Tag: Galgalo

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhig Ciidamada Puntland ku leeyihiin Gobolka Bari

 Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhig Ciidamada Daraawiishta Puntland ku leeyihiin deegaanka Af-urur ee Gobolka Bari.

Qarax Miino oo ciidamo ka tirsan Puntland lagula eegtay duleedka Boosaaso

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan Puntland qarax miino lagula eegtay deegaanka Bali-qadar oo dhaca duleedka Boosaaso.

Diyaarado duqeymo ka geystay Buuraha Galgala ee Gobolka Bari

Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya in diyaarado aan la aqoon dalka laga leeyahay ayaa duqeymo ka geystay Buuraha Galgala, halkaasoo la rumeysan yahay inay saldhig ku leeyihiin Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Askari ka tirsan ciidamada Puntland oo ku geeriyooday qarax ka dhacay Galgala

Wararka ka imaanaya Buuraha Galgala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada Puntland uu ku dhintay qarax miino.

Faah faahin ka soo baxaya dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan Buuraleyda Galgala

Dagaalo qaraar ayaa la soo sheegayaa in labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacayeen deegaano ka tirsan Buuraleyda Galgala, halkaasoo ciidamada Puntland ay weerar ku qaadeen saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen.

Saddex ka Tirsanaa Ciidamada Putland oo lagu dilay Qarax ka dhacay Galgala

Saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada Puntland ee fadhigoodu yahay buuraleyda Golis ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen afar kalena dhaawac ayaa kasoo gaarey qarax duhurnimadii maanta ka dhacay meel u dhow tuulada Galgala.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS