Tag: Gado

Maamulka Gedo oo sheegay in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay duqeyn

Maamulka Gobolka Gedo ayaa sheegay in duqeyn ka dhacday deegaan ku dhow Garbahaarey lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo la socday labo gaadiid dagaal.

Diyaarado dagaal oo duqeyn ka geystay koonfurta Soomaaliya

Diyaarado dagaal ayaa lasoo sheegayaa in ay duqeyn ka fuliyeen Saldhigyo ay lahaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Kenya oo beenisay in Al-Shabaab la wareegeen degmada Ceel Waaq

Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay wararka soo baxayay saacadihii la soo dhaafay oo ku aadanaa in Al-shabaab la wareegeen degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Nabadsugidda Gedo: Xogta kooxihii weeraray Mandheera waan la wadaagnay Kenya

Waaxda nabadsugidda Jubaland ee gobolka Gedo ayaa sheegtay in dowladda Kenya , gaar ahaan maamulka degmada Mandheera ay ku wargeliyeen xog ay heleen oo ku saabsanayd in kooxo ka tirsan Shabaab iska soo abaabuleen deegaano hoostaga degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Kenya oo sheegtay inay dishay Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa sameynta Qaraxyada

 Milateriga Kenya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ayaa sheegay inay dileen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, kadib markii ay weerar ku qaadeen saldhig ay ku lahaayeen deegaan 50-km u jira degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Taliska ciidanka dowladda ee Gobolka Gedo oo Kenya u diiday inay ku wareejiyaan Zakariye Ismaaciil

Saraakiisha Ciidamada dowladda ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ay u diideen inay ku wareejiyaan Zakariye Ismaaciil oo ka mid ahaa saraakiisha Al-Shabaab ee horay madaxooda loo saaray mallaayiin doollar.

Ciidanka Kenya oo Duqeeyay Deegaanno ay ku Sugan yihiin Dad reer Miyi ah

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa la sheegay inay duqeymo xooggan ka geysteen deegaan ka tirsan degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo oo ku dhow soohdinta ay wadaagaan labada dal.

Wafdi ka Socda QM oo Booqday Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo

Wafdi ka socda hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa booqday degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo Isniintii shalay, wafdigan ayaa waxaa Garbahaarey kusoo dhaweeyay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka oo uu horkacayo guddoomiyaha gobolka, Maxamed Cabdi Kaliil.

Gobolka Gedo oo lagu qabtay Qarax iyo Ragii watay

Xoghayaha Difaaca Maamulka Ahlusunna Ee Gobolada Koofureed Soomaaliya Sheikh Isxaaq Mursal  ayaa sheegay in Ciidamada Ahlusunna ay Gacanta ku dhigeen Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa iyo Garii watay oo la doonayay in Dhibaato Gobolka looga geeysto.

Dad biyo la’aan u geeriyooday gobolka Gedo

Kudhawaad labaatan qof ayaa oon dartii ugu geeriyootay degaano hoostaga degmada Luuq ee gobolka Gedo sida ay sheegeen maamulka degaanka.

Saldhig Al-Shabaab ay ku leeyihiin Gobolka Gedo oo la Duqeeyay

Wararka Ka imaanaya Deegaan 17 KM ujira Balad Xaawo oo layiraahdo Godin-Dhabe ayaa Sheegay Diyaarado Dagaal oo Laga Leeyahay Kenya in ay Duqeeyeen Saldhig Alshabaab ay kulahayen Halkaasi.

Saraakiisha Ciidamada Milatariga Gobolka Gedo oo Eedeeyay Ciidanka Kenya..

Saraakiisha Ciidamada Milatariga Soomaaliya  ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM qeybta ka ah ee AMISOM ay Xireen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo Gobolka Ku sugan.

Ciidamada Dowladda oo la wareegay Deegaano ka tirsan Gobolka Gedo

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dagaal ay la galeen Al-shabaab Qeybo ka tirsan Gobolka Gedo kula wareegay Deegaano ka tirsan Gobolka.

Qaraxyo Miino oo lagu weeraray Masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Gedo

Guddoomiyaha gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil iyo guddoomiye ku xigeenka degmada Buur-dhuubo ee isla gobolka Gedo ayaa ka badabaaday isku-dayo di loo la doonayay in lagu qaarjiyo.

Ciidamada Itoobiya oo xabsiga dhigay Sargaal katirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya

Sargaal katirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya ee kusugna Gobolka Gedo ayaa lasoo sheegayaa in ay xabsiga dhigeen Ciidamada Itoobiya ee kusugna Degmada Luuq, kadib markii ay ku eedeeyeen in uu gacan ka geestay rag ka baxsaday xabsi kuyaala Degmada Luuq.

Nabadoon caan ka ahaa Gobolka Gedo oo xalay la dilay xili uu kasoo baxay Masjid uu Salaad kusoo dukaday

Wararka ka imaanaya Degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeesan oon heebtooda wali la garan Degmadaasi ku dileen Nabadoon caan ka ahaa Gobolka Gedo gaar ahaan Degmada Balad Xaawo.

Fariisin Ay Shabaab Ku Lahaayeen Deegaan Ka Mid Ah G/Gedo Oo La Duqeeyay

Fariisimo cusub oo kooxda Alshabaab ay dhawaan  ka sameysteen gobolka Gedo ayaa lagu soo waramayaa in Duqeymo Diyaaradeed lala beegsaday.  
Valid XHTML 1.0 Valid CSS