Tag: Gaashandhiga

Wasiirka Gaashaandhiga “Ciidanka XDS Waxay u tababaran yihiin dhowrista xuquuqda aadanaha

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini oo kulan la qaatay u qeyb sanaha Xog-hayaha guud ee QM Arrimaha Xuququl insaanka Ivan Simonovic ayaa ka wada hadlay ka hortaga caruurta la askareeyo  iyo u adeegsiga xaaladdaha dagaalka caruurta aan weli qaan gaari.

Wasiirka Difaaca Gen Diini “Waxaan xooga saari doonaa dib-u-dhiska Ciidan Qaran oo isku dheeli tiran”

Wasiirka Difaaca Xukuumadda Federalka Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo ansixinta Xukuumadda kadib saxaafadda la wadaagay dareenkiisa ku aadan waxa u qorshaysan marka uu xilka la wareego, ayaa ugu horeyn waxaa uga mahadceliyey xubnaha golaha baarlamaanka codka kalsoonida ee ay siiyeen xukuumadda, isagoo sheegay in uu muhiimadda koowaad siin doono sidii dalku u yeelan lahaa ciidan xoog leh oo hanan kara amniga dalka, isla markaana ay u dhameystiran yihiin adeegyadii uu ku howlgeli lahaa.  
Valid XHTML 1.0 Valid CSS