Tag: Gaas

Puntland oo taageertay Isbaheysiga Sacuudiga, baaqna u dirtay dowladda Federaalka (Akhriso)

Maamulka Puntland ayaa maanta go’aan ka soo saaray xiisada siyaasadeed ee u dhaxeeya wadamada Khaliijka, iyadoo taageertay Isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudi Carabiya.

Madaxweynaha Puntland oo aqbalay go’aankii Baarlamaanka ku riday Golihiisa Wasiirada

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada Garowe ayaa aqbalay go’aankii Baarlamaanka Puntland uu codka kalsoonida kala laabtay Golihiisa Wasiirada.

Madaxweynaha Puntland oo safar qaadanaya todobaad ugu ambabaxay Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa shalay gelinkii dambe u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uga sii gudbayo dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay shirka Madasha ee ka furmaya Muqdisho

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo shalay gelinkii dambe soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay shirka Madasha ee ka furmaya Muqdisho.

Gaas “Madaxweynaha wuxuu rabay inuu si ula kac u fashiliyo heshiiska Garowe”

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud inuu isku dayay inuu fashiliyo heshiiska Garowe, kadib markii uu shalay soo saaray war saxaafadeed uu ku soo dhoweynayo heshiiska.

C/wali Gaas “Dagaalka Al-Shabaab ma dhamaan, waa yimaadeen waana laga adkaatay”

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo shalay dib ugu laabtay magaalada Garowe, kadib safar uu muddo bil ku dhow uga dibada ugu maqnaa, ayaa ku baaqay in laga feejignaado weerarada Al-Shabaab ku soo qaadayaan deegaanada Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo sheegay in Itoobiya ay iska kaashanayaan dagaalka Al-Shabaab

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa la kulmay Taliyaha Ciidamada Milateriga Itoobiya iyo Madaxa Sirdoonka, isagoo kala hadlay sidii dowladda Itoobiya ay taageero u siin laheyd Ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Madaxweynaha Puntland oo ka baaqsan raba Shirka Istanbul, kuna wajahan Washington

Warar soo baxayay 24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas uu ku sii jeedo magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka, halkaasoo uu 20-kii sano ee u dambeeyay ku noolaa, Macalina ka ahaa Jaamacad ku taal.

Madaxweynaha Puntland oo shacabka Gaalkacyo ugu baaqay inay adkeeyaan heshiiskii Nabadda

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inay muhiim tahay in la ilaaliyo heshiiskii dhowaan lagu gaaray magaalada Gaalkacyo ee dhex maray Maamulada Puntland iyo Galmudug, kadib dagaalo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay magaalada bishii la soo dhaafay.

Madaxweynaha Puntland oo Nairobi kulamo kula leh Safiirada Beesha Caalamka

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo booqasho ku jooga magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa kulamo kula qaatay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo safiirka Sweden ee dalka Soomaaliya.

C/wali Gaas “Puntland uma baahno Ciidamo AMISOM, waxay heysataa….”

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in maamulkiisa aanu u baahneyn Ciidamo ka socda AMISOM oo la geeyo deegaanada maamulkiisa ka arimiyo, isagoo xusay in ciidankiisa awood u leeyihiin la dagaalanka Al-Shabaab.

C/wali Gaas “Xuduuda Puntland waxay noqoneysaa Godinlabe iyo Guriceel”

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in maamulkiisa uusan aqbali doonin wax kasta ee ka soo baxa shirka Cadaado, isagoo xusay in xuduuda aanay noqon doonin Gobolka Nugaal.

C/wali Gaas “Puntland waxay ka digeysaa in lagu xadgudbdo Dastuurka iyo qawaaniinta dalka”

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka digay in lagu xadgudbo Dastuurka KMG iyo qawaaniinta dalka u yaala, isagoo xusay in haddii laga leexdo nidaamkii federaalismka ee lagu heshiiyay ay Puntland tashan doonto.

Madaxweynaha Puntland oo sheegay inuu wali socdo baaritaanka weerarkii Garowe

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inuu wali socdo baaritaanka weerarkii 20-kii bishan lagu qaaday Gaari ay la socdeen shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobey lagula eegtay nawaaxiga Xafiiska Qaramada Midoobey ee magaalada Garowe.

Madaxweynaha Puntland oo maanta ku wajahan magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali (Gaas) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose, iyadoo diyaar garow ballaaran oo lagu soo dhoweynayo wafdiga Puntland ay ka socoto.

Dr. C/wali Gaas oo muujiyay wal walka ay Puntland ka qabto qodobo ka mid ah heshiiskii Jabuuti

Madaxweynaha Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay heshiiskii magaalada Jabuuti ay ku gaareen Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in qaar ka mid ah qodobada lagu heshiiyay ay diidan tahay Puntland.

M/weynaha Puntland oo Digniin u diray Hay’adaha Maamulkaas

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ayaa sheegay in ay jiraan Hay’adaha Dowligaa ee Puntland in ay ku Kacaan Musuq Maasuq Xoogan oo ay Xogtaasi haayaan.

Madaxweynaha Puntland oo ugu baaqay bulshada in nabadgelyada la xoojiyo

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u diray bulshada Puntland baaq ku aadan Maalinta Nabadgelyada Dunida oo sanad kasta maata oo kale [August 21] caalamka oo dhan laga xuso. 

C/Wali Gaas oo sheegay in uu Dowlada kala hadlaayo Khilaafka u dhaxeeyo.

Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shaaciyay inuu diyaar u yahay inuu kala hadlo dowladda dhexe ee Soomaaliya murankii ka dhashay maamul u sameynta gobollada dhexe ee Soomaaliya.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS