Tag: GOLAHA

Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo sheegay inuu isku day dil ka badbaaday

Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo ah Guddoomiyaha Kutlada Baarlamaaniga ee Horusocod ayaa sheegay inuu ka badbaaday isku day dil, kaddib markii gaarii uu saarnaa ay rasaas ku fureen Ciidamada Nabadsugida. 

BAAQ URURRADA BULSHADA EE ISKU RA'YIGA AH.

Annaggoo ah Ururrada IIDA, SWDC, SWA, SIDO, SCSC , ururrada Bulshada ee ku ra’yiga ah iyo inta daneeysa wanaagga Soomaalida ,waxay farriin u dirayaan madaxda Qaranka iyagoo dareensiinaya walwalka ay ka qabaan xaaladda siyaasadeed ee murugsan.

Hoolka Golaha Shacabka: Ilaalada Iyo Ciidanka Oo Ka Badan Xildhibaannada

Sida ay Warbaahinta u sheegay Xildhibaanno ku sugan gudaha hoolka golaha shacabka, 27 Xildhibaan ayaa hadda ku sugan hoolka gudahiisa.

Wasaaradda Amniga iyo Taliska Booliska oo war ka soo saaray Ciidamada la wareegay xarunta Golaha Shacabka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliska Booliska ayaa sheegay in Ciidamo Boolis ah ay ku xoojiyeen ammaanka xarunta Golaha Shacabka, iyagoo beeniyay in Ciidamo ka tirsan kuwa Koofi Gaduud iyo Ciidamada Xasilinta ay la wareegeen.

Golaha Wasiirada oo soo saaray go’aano lagu ayidayo Mowqifkii laga qaatay Khilaafka Khaliijka

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saaray go’aano lagu ayidayo mowqifkii dowladda ka qaadatay khilaafkii Khaliijka, kaasoo ahaa mid dhex dhexaadi ah.

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xaqsiinta Ciidamada

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Khayre, qeybiisa hore, halka uu qeybtiisa danbe uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga Qaranka, Hindise sharciyeedyo, doorashooyinka 2020 iyo arrimo kale.

Golaha Wasiirada oo Guddi u saaray baaritaanka xasuuqii ay AMISOM u geysteen dad shacab ah

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga, dib u eegis lagu sameyn doono Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo tacadiyo ay Ciidanka AMISOM dad shacab ah ugu geysteen magaalooyinka Marka iyo Xudur ee Gobollada Shabeellaha Hoose iyo Bakool.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS