Tag: GAROOWE

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galaya shirka Garowe (Dowladda Federaalka iyo qorshihii ay la tagi laheyd)

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galaya shirka ka furmi doona magaalada Garowe 2-da bisha May oo ku beegan maalinta berri oo Khamiis ah. 

Madaxweynaha Puntland oo ku celiyay inay caddaalad heli doonto gabar 12 jir ah oo Gaalkacyo ku geeryootay

Madaxweynaha Puntland , Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ehelada Caasha Ilyaas Aadan Qarjab oo dhowaan kufsi iyo dilka loogu geystey magaalada Gaalkacyo.

Puntland: Waa inan qayb ka noqona wada-hadallada Soomaaliland

"Sida uu qabo dastuurka federaalka ahi, gorgortan iyo heshiis walba oo saamaynaya dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah waxaa waajib ah in laga qaybgeliyo oo uusan ku koobnaan kaliya dowladda federaalka... Sidaas darteed Puntland waa inay qayb ka tahay wada-hadal walba oo saamayn ku leh deegaannada Puntland gaar ahaan ...

Xafiiskii Xisbiga Wadajir ee magaalada Garowe oo albaabada la isugu dhuftay

Maamulka Puntland ayaa Albaabada isugu dhuftay xarun uu Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ka furtay magaalada Garowe ee Caasimada maamulka Puntland. 

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay dilkii Madaxii DP World ee Dekeda Boosaaso

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa ka hadlay dilkii saaka nin hubeysan uu gudaha Dekeda Boosaaso ugu geystay Madaxii Shirkadda P&O ee DP World oo gacanta ku heysay maamulka Dekeda Boosaaso. 

Madaxweyne Farmaajo oo soo dhoweeyay kulamadii mira dhalka ahaa ee Garowe

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo galabta Muqdisho kusoo laabtay ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo madaxda Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland soo dhaweyntii wanaagsanayd ee ay u fidiyeen isaga iyo wufuudii Soomaaliyeed ee ka qeyb galay caleema-saarka Madaxda cusub ee Puntland. 

Madaxweyne Farmaajo oo balan-qaaday wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qayb-galay munaasabad lagu caleema-saaray Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay adkeynta wadashaqeyn buuxda oo ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka. 

Hogaamiyaal aan Muqdisho isku arki karin oo caawa madal qura ku kulmaya.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ku wajahan magaalada Garoowe, halkaas oo ay uga sii horreeyaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ugu awoodda badan.

Muxuu Madaxweynaha cusub ee Puntland ka yiri Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada

Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyay Telefishinka BBC Somali kaga hadlay arrimo kala duwna oo quseeya Federaalka iyo muranka iyaga iyo Somaliland. 

Wafdi Wasiiro iyo Xildhibaano ka socday dowladda Federaalka oo loo diiday inay tagaan Garowe

Wararka laga helayo garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegaya in wafdi Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka ay ku xayiran yihiin garoonka, iyagoo sugaya ogolaansho ay ugu kicitimaan magaalada Garowe,  kaddib markii Maamulka Puntland uu amar ka soo saaray in aanay deegaanada imaan karin mas’uuliyiinta dowladda Federaalka inta lagu guda jiro doorashada Puntland.

Baarlamaanka Puntland oo maanta dooranaya Guddoomiyaha Baarlmaanka.

Magaalada Garowe ee xarunta Puntland waxaa ka socda diyaar-garowga doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Madaxda Maamul goboleedyada oo sameystay Xisbi siyaasadeed gaar ah

Madaxda afarta maamul goboleed ee Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa isku raacay inay sameystaan Xisbi siyaasadeed gaar ah, kaddib markii uu u soo gabagaboobay shir afartii cisho ee la soo dhaafay uga socday magaalada Garowe. 

Wasiirka Qorsheynta Jamaal oo ku guuleystay Kursi Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

Wasiirka Qorsheynta ee Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa ku guuleystay Kursi Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka. 

Wasiir ka tirsan Maamulka Puntland oo is casilay

Wasiirkii Deegaanka iyo is bedelada Cimilada dowlad goboleedka Puntland Cali C/llaahi Warsame ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisa, isagoo warqad istiqaalad ah u gudbiyay Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas. 

C/weli Gaas oo shuruud ku xiray wada hadal ay ka galaan dagaalka Tukaraq

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa shuruud ku xiray wada hadal ay ka galaan dagaalka Tukaraq, inta Ciidamada Somaliland ay gacanta ku hayaan deegaano ay ka talin jirtay Puntland. 

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku sii jeeda magaalada Garowe

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sii jeeda magaalada Garowe ee caasimada Puntland. 

Shir Amniga looga hadlayo oo maanta ka furmaya magaalada Garoowe

Maamul gobolleedka Puntland ayaa marti-gelinaya  shir ku saabsan Xasilinta Amniga Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo lagu imartiqaaday mas’uuliyiinta wasaaradaha Amniga Xukuumadda Federaalka iyo maamul goboleedyada ka dhisan dalka.

Shir looga hadlayo arrimaha Socdaalka iyo Jinsiyadda oo ka furmay Garoowe.”Sawiro”

Madaxweyne ku-xigeynka Dowlad Goboleedka Puntland C/xakiin Cumar Cameey iyo Agaasimaha Guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda G/Sare Maxamed Adan Koofi ayaa maanta magalada Garoowe si wada jir ah uga furay Shirka Sedax billaha ah ee Hay’adda Socdaalka oo markii ugu horeysay Garowe lagu qabtay.

Farmaajo “Rajadayda ayaa ah in ardayda waxbaratay ay wax u qaban karaan dalka,(Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta khudbad u jeediyey ardayda wax kabarata jaamacadaha Puntland ayaa sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo mustaqbalka dalka maadaama ay kordhayaan xarumaha waxbarasho ee dalka.

Sargaal Xaday Saxiixa Madaxweynaha Puntland oo Garoowe lagu xiray

Ciidamada Amaanka Puntland ayaa waxaa la sheegay in ay Xabsiga dhigeen Taliyaha laanta ilaalada cashuuraadka puntland Axmed Cabdi Sugulle,kaasi oo lagu eedeeyay inuu Isticmaalay Saxiixa Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali gaas.

Faah Faahino kasoo baxaya Dil Magaalada Garawe loogu geestay Eng.Cabdirashiid Bulxan Boqor Cismaan

Habeenimadii xalay Magaalada Garawe ee Caasimada Maamulka Soomaaliyeed ee Puntiland waxaa lagu dilay Eng.Cabdirashiid Bulxan Boqor Cismaan oo kamid ahaa hawlwadeenada hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS