Tag: GALMUDUG

Galmudug oo ka hadashay gawaari xamuul looga shakiyay inay hub sidaan oo ku xayiran Cadaado

Maamulka Galmudug garabka Cadaado ayaa faah faahin ka bixiyay illaa lix gaari ah oo xamuul ah, kuwaasoo ciidamada amniga ku qabteen koontaroolka laga soo galo, waxaana gawaaridan looga shakiyay inay sidaan saanad hub ah. 

Wafdi ka socda Golaha Aqalka Sare oo maanta gaaray magaalada Dhuusomareeb

Wafdi ka socda Golaha Aqalka Sare ee uu hogaaminayay Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. 

Galmudug oo shaacisay in dhawaan lasoo gabo gabeynayo khilaafka u dhaxeeya

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa shaaciyay in dhawaan lasoo gabo gabeyn doono xalinta khilaafka u dhaxeeya madaxda maamulka Galmudug, kaasi oo soo laalaabtay marar badan. 

Galmudug oo Sheegtay inay jidgooyooyin ka qaadeen wadada u dhexeysa Cadaado iyo gelinsoor.

Wasaarada Amniga Maamulka Galmudug ayaa sheegtay in ay ku guuleysatay qaadista jid gooyooyin yaalay degmooyinka Cadaado iyo Galinsoor oo kawada tirsan Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS