Tag: G

Gaadiidleyda Xamuulka ee Gobolka Banaadir oo cabasho ka keenay cadaalad darro lagu sameeyay

Milkiilayaasha Gaadiidka xamuulka qaada ee gobolka Banaadir ayaa cabasho ka keenay cadaalad daro lagu sameeyay, iyagoo ku eedeeyay shirkado ay leeyihiin shaqsiyaad gaar ah la siiyay maamulida gaadiidka ka shaqeeya Dekeda Muqdisho. 

Wasaaradda Gaashaandhigga oo ka hadashay sida laga yeelayo Ciidamada ay tababareen Imaaraadka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa shaaca ka qaaday in Cidiamada uu tababaray Imaaraadka Carabta oo ku jira Dugsiga Tababarka ee Jen. Gordon ay la wareegi doonto dowladda Soomaaliya.

Ganacsatada Gobolka Banaadir oo cabasho u gudbiyay Guddoonka Labada Aqal (Akhriso)

Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa cabasho ka dhan ah Wasaaradda Maaliyadda oo ku aadan canshuur kordhintii u gudbiyay Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka. 

Guddoomiyaha G/Banaadir oo casho sharaf u sameeyay Madaxda dowlad goboleedyada (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho  Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa casho sharaf u sameeyey madaxda dawlad gobolleedyada dalka. Waxana sidoo kale ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo marti sharaf kale. 

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kormeer ku tagay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kormeer ku tagay xarunta Aqalka dowladda Hoose, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow). 

Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay inuu la dagaalamayo kooxaha dhaca ka geysta magaalada

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray digniin ka dhan ah kooxaha burcada ah ee dhaca ka geysta magaalada, waxaana Maamulka ku hanjabay inuu ula dagaalamayo sida Al-Shabaab oo kale.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS