Tag: Fiqi

Axmed Fiqi “Wasaaradda A. Gudaha waxay ku mashquulsan tahay kaarar bixinta odayaal faalso ah”

 Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Madaxda Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay wado qorshayaal ay ku afduubeyso doorashada soo socda ee dalka ka dhaceysa.

Axmed Fiqi “Al-Shabaab wax culeys ah lama saarin labadii sano, waana fursad ay heleen”

Agaasimihii hore ee Hey’adda Nabadsugida Qaranka Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay weeraradii u dambeeyay ee Al-Shabaab ka fuliyeen magaalada Muqdisho, isagoo faah faahin ka bixiyay waxyaabaha sababta u ah inay kordhiyaan weerarada.

Axmed Fiqi “Dalka si kaloo wax looga bedeli karo ma leh, ilaa Villa Somalia wax laga bedelo”

Amb. Axmed Macalin Fiqi oo ahaa musharaxii looga guuleystay doorashadii Madaxweynaha Galmudug ee Sabtidii la soo dhaafay ka dhacday degmada Cadaado ayaa sheegay in is bedel la sameeyo ay ku xiran tahay hogaanka dalka.

C/XAKIIN FIQI: Haddii aan Al-shabaab lagu sii wadin cadaadiska dib ayay isku soo Abaabuli Kartaa

Wasiirkii hore ee difaaca Somalia, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa sheegay in deegaannada ay ka baxayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia ay sababi karaan inay Al-shabaab dib isku soo abaabusho.

Musharax Axmed Macalin Fiqi oo taageero ka helay Beelaha dega Koofurta iyo Waqooyiga Galgaduud

Musharax Axmed Macalin Fiqi ayaa Magaalada Cadaado kula kulmay waxgaradka iyo Siyaasiyiinta beelaha dega Waqooyiga iyo koonfurta Galgaduud, isagoo kala hadlay arrimo badan oo quseeya doorashada Madaxweynaha Galmudug ee dhici doonta 4-ta bisha July

Axmed Macalin Fiqi ” Waa Nasiib darro sagaal bilood oo dib u dhac ah, iyadoo wax badan la qabsan karay”

Musharax Axmed Macalin Fiqi ayaa nasiib darro ku tilmaamay dib u dhaca badan ee ka jira dhismaha Maamul u sameynta Gobolada Dhexe, isagoo tilmaamay inay jirto sagaal bilood oo aan waxba la qaban, iska daba wareeg iyo cadeyn la’aanta barnaamijka sida uu u socdo.

C/xakiin Fiqi oo Sheegay in lala soo daahay Tallaabada lagu ururinayo Hubka

Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Somalia, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa sheegay in dowladda laga doonayay inay mar hore billowdo qorshaha hubka sharci-darrad ah looga qaadayo dadka.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo Suudaan kula kulmay Madaxweyne Al-Bashiir

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa maanta la kulmay madaxweynaha waddanka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir.

Wasiirka gaashaandhigga oo sheegay in dhaqaale daro darteed aysan wax hub ah dowladda soo gadan

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Md. Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa sheegay in dhaqaale dari jirta darted aysan dowladda Soomaaliya soo iibsan wax hub ah tan iyo intii laga qaaday cuna-qabateynta hubka ee saarneyd Soomaaliya, bishii March ee sanadkan 2013.

Fiqi oo ka warbixiyay shir dhismaha ciidamada looga hadlayay oo Turkiga ka dhacay

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Md. C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa ka warbixiyay shir uu kaga qeyb galay waddanka Turkiga, kaas oo looga hadlayay dhisidda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Wasiir Fiqi oo ka war-bixiyay socdaalkiisa Baydhabo

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Md. C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa faahfaahin ka bixiyay socdaalka wafdiga uu isaga hoggaaminaayo ee Baydhabo booqashada ku tagay shalay.

Wasiirrada Gaashaandhigga Jabuuti iyo Soomaaliya oo kulmay

Wasiirka gaashaandhigga dalka Soomaaliya Md. C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti kula kulmay maanta dhiggisa dalkaasi Md. C/qaadir Kaamil Maxamed.

Fiqi "Cuna-qabateynta hubka saameyn wayn bey nagu leedahay"

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Md. C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa sheegay in cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya saameyn weyn ku leedahay howlaha ciidamada.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS