Tag: Erdogan

Erdogan”Maraykanka wuu ka shalaayi doonaa daan-daansiga uu Turkiga ku hayo”

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa sheegay inaysan waxba u dhimi doonin wax uu ku tilmaamy isku dayga uu Maraykanku ku doonayo inuu ku curyaamiyo dhaqaalaha dalka Turkiga kadib maalin markii xukuumada Washington ay ku soo rogtay canshuur xad dhaaf ah biraha ay ka soo iibsan jirtey dalka Turkiga. 

Madaxweynaha Turkiga oo ku xiray soo celinta xiriirkii Masar in la sii daayo Maxamed Mursi

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ugu baaqay Masar inay sii deyso Madaxweynihii islaamiga ahaa ee la afgambiyay Maxamed Mursi, ka hor inta aysan Xukuumadda Ankara dib u eegin soo celinta xiriirkii ay la laheyd Masar

Madaxweynaha Turkiga oo maalinta Jimcaha booqasho rasmi ah ku imaanaya magaalada Muqdisho

Wafdi horu-dhac u ah Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ku soo qul qulaya magaalada Muqdisho, iyadoo qeybtii u dambeysay ay maanta soo gaareen, kuwaasoo u gogol xaaraya booqashada la filayo inuu si rasmi ah maalinta jimcaha ugu yimaado Soomaaliya muddo afar sano kadib.

Sanadguuradıı Sadaxaad Ee Ka Soo Wareegtay Booqashadıı Erdogan Ku Yımıd Soomaalıya

Sadax sano ka hor guud ahaan xaalada Soomaalıya waxay aheyd mıd aad halıs u ah, waxaa wadanka ku dhiftay abaar tii ugu ba’neyd taas oo ay wehliyeen dagaalo qaraar oo ka socday magaalooyin badan oo wadanka ka mid ah, nabadgelyo daro guud iyo cuduro kuwaas oo nolosha dadka Soomaalıyeed geliyay ciriiri sababay rejo beel, dowlada Soomaaliya iyo shacabka ayaa qeylo dhaan u diray caalamka si looga soo gaaro nolosha malaayiintaas  Soomaaliyeed, nasııb daro lama helin jawaab suurto gelisa in la badbaadıyo nolosha dadkaas, taasina waxay sababtay quusatiin ıyo nıyad jab.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS