Tag: Dowlada
Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa Hambalyo u Dirtay Madaxweynaha la doortay ee Waddanka Mareykanka Donald Trump oo noqonaya madaxweynihii 45-aad ee Mareykanka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya C/salaam Hadliye Cumar oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in xukuumadda Federaalka Somalia ay la shaqeynayso Trump oo loo doortay Madaxweynaha cusub ee ...
iyadoo la fulinayo go'aanka ka soo baxay Golaha Wasiirada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ,January 07,2016 , Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay u yeertay Siihayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Islaamiga Iran ee Muqdisho , waxa ayna gudoonsiisay go'aanka , waxaana laga codsaday in isaga iyo diblomaasiyiinta kale ee Iran ay dalka uga baxaan muddo 72 saacadood gudahooda.
Wasiirka Arrimaha Dowladda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar ayaa wax
laga xumaado ku tilmaamay tallaabadii Somaliland ay ugu diiday in
qaxooti Soomaali ah oo ka soo cararay colaada Yemen ka soo degaan Dekeda
Berbera, iyadoo dadkaas oo haween iyo caruur ahaa dib loogu celiyay
doontii ay saarnaayeen.
Muqdisho 26- Feb- 2014 – Maddaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxaa hortiisa lagu saxiixay heshiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey. Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibedda C/Raxman Ducaale Beyle iyo Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Nicolas Kay.
Safaarada Soomaaliya ee Koofurta Sudan ayaa
maanta shaaca ka qaaday inay soo daad-gureyneyso Muwaadiniinta
Soomaalida ee ku go'doonsan gobolada ay ka socdaan dagaalada, kadib
markii cabasho ka soo yeeray Soomaali fara badan oo saameyn ku yeeshay
dagaalada u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Mucaaradka ka soo horjeeda.