Tag: Dil

Wiil uu adeer u yahay Madaxweynaha Soomaaliya oo saaka lagu dilay Muqdisho

 War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay saaka ku dileen degmada Wadajir Wiil uu adeer u yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Shaqaale u shaqeynaayay hay'adda samafalka Turkiga ee TIKA oo Muqdisho lagu dilay

Laba ka mid ah shaqaalaha samafalka dalka Turkiga ee jooga Muqdisho, ayaa ku dhintey, tiro intaa la egna way dhaawacmeen, kadib markii gaari ay la socdeen shaqaalahasi lagu qarxiyay gaari kale oo walxaha qarxa laga soo buuxshay shalay Axaddii.

Gabar u shaqeyneysay laanta socdaalka oo saaka Xamar lagu dilay

Kooxo hubaysan ayaa saaka  dil toogasho ah u gaystay gabar magaceeda lagu soo koobay Zaynab oo ka tirsanayd shaqaalaha garoonka diyaaaradaha ee Aadan Cabdulle, gaar ahaan Laanta Socdaalka dowladda Soomaaliya.

Garroowe oo 2 Shabaab ah dil toogasho lagu xakumay

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee gobolka Nugaal  ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun dil ah ku ridday laba ruux oo lagu heley inay ka mid yihiin kooxda al-Shabaab islamarkaasina ay maleegeyeen qaraxyo.

Dad xalay lagu dilay Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay fiidkii halkaas lagu dilay labo qof oo rayid ahaa, qof kalena lagu dhaawacay.

Dablay Nabaddoon ku dishay Galgaduud

Kooxo hubeysan, ayaa saaka barkhadii deegaanka Ceel Cali Mire oo 15 KM u jira degmada Dhuusa-Marreeb ee xarrunta gobolka Galgaduud ku dilay nin nabaddoon ahaa, oo deegaankaasi si weyn looga yaqiin, sida ay dad deegaanka ahi ku warameen.

Shabaab oo sheegatay inay dishay la heyste Kenyaan ah, kuwa kalena ku hanjabtay inay dilayaan

Al-shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in xalay saqdii dhexe ay xukun dil ah ku fulisay mid ka mid ah dad Kenyan ah oo ay gacanta ku hayso, kaasoo ay ku sheegeen inuu ahaa askari ka tisranaa ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Dabley ganacsade xalay ku dishay Kismaayo

Kooxo hubeysan, ayaa xalay magaalada Kismaayo ku dishay mid ka mid ahaa ganacsatadii magaalada Kismaayo ku dhaqnaa, iyadoo kooxihii dilka geystayna la sheegay iney baxsadeen.

Wariye Muqdisho lagu dilay

Allaha u naxariistee weriye Cabdi Xareed Cismaan Adan oo ka mid ahaa weriyaasha ka howlgala idaacada Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa saaka kooxo hubeysan waxa ay ku dileen magaalada Muqdisho. 

Sarkaal ka tirsan booliska Garoowe oo xalay la dilay

Nin baastoolad ku hubeysan, ayaa la sheegay in uu xalay gudaha degmada Garoowe ee caasimadda maamul goboleedka Puntland ku dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada booliska Puntland.

Nin loo heystay dilka guddoomiyihii odayaasha dhaqanka Hiiraan oo la sheegay in uu qirtey eedeymaha loo soo jeediyay

Ciidamada booliska ee degmada Balad-weyne, ayaa shaaca ka qaaday in nin loo heystay dilka guddoomiyihii odayaasha dhaqanka ee Hiiraan Marxuum Muxumed Macallin Xuseen (Marya-cadde) uu hadda qirtey eedeymaha loo heystay.

Oday dhaqameed xalay Muqdisho lagu dilay

Rag hubeysan ayaa galabta ku dilay xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir oday dhaqameed lagu magacaabi jiray Maxamed Maxamuud Yuusuf oo ka mid ahaa odayaashii soo xulay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyihii ganacsatada Bakaaraha oo la dilay

ALLAHA u raxmadee waxa saaka magaalada Muqdisho gaar ahaan suuqa Bakaaraha lagu dilay guddoomiyihii ganacsatada Bakaaraha Axmed Nuure Awdiini.

Askar lagu eedeynaayo dilka rayid oo Baladweyne lagu xiray

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Hiiraan, ayaa gacanta ku soo dhigay seddex ruux oo lagu eedeynaayo dil bishii October Baladweyne looga geystay mid ka mid ah dadka degmada Gaalkacyo ku dhaqnaa oo Baladweyne u yimid arrimo dacwo.  

Shaqaale ka mid ahaa kuwa ka xamaasha dekadda Kismaayo oo xalay la dilay

Maamulka dekadda Kismaayo, ayaa ku eedeyay kooxda al-Shabab inay ka dambeyso dil xalay magaalada Kismayo loogu geystay mid ka mid ah shaqaalaha dekadda magaalada Kismaayo.

Matabaan oo 3 ruux lagu dilay

Kooxo dabley ah, ayaa shalay galinkii dambe tuulada Oomane oo ka tirsan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan  ku diley seddex ruux oo ka mid ahaa dadka deegaankaasi ku dhaqan, kuwaas oo la sheegayo in loo dilay sababo aano qabiil.

Warbixin ku aaddan dilkii Dr. Shiikh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan

Guddiga madaxa-banaan ee Baarista dilkii Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan waa guddi ka kooban culimo, aqoonyahano iyo dad khubaro ah, waxaana la aasaasay maalintii la dilay Sheekha Alle ha u naxariistee, oo ahayd 05 December 2011.

Nabaddoon caan ah oo xalay Kismaayo lagu dilay

Kooxo dabley ah ayaa xalay ku toogtay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose nabaddoon si weyn looga yaqaan degmadaas oo lagu magacaabi jiray, Xasan Sheekh kaddib markii ay kooxdu ku weerartay afaafka hore ee gurigiisa.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS