Tag: Difaaca

Xoghayaha Difaaca UK oo booqasho aan la shaacin ku yimid magaalada Muqdisho

Xoghayaha Difaaca UK Gavin Williamson ayaa booqasho aan la shaacin ku yimid magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, waxaana soo dhoweeyay Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya Amb. David Concar. 

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliyihii Ciidanka XDS oo is casilay

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya C.rashiid C/llaahi Maxamed ayaa goor dhow iska casilay xilkiisa, isagoo istiqaaladiisa u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Gaashaandhiga oo la kulmay Saraakiil ka socotay Wasaaradda Difaaca Ingiriiska

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyey Saraakiil sare oo ka socota Wasaaradda Difaaca Boqortooyada Ingiriiska oo hoggaaminayo Gen John Lorimer.

Wasiir Diinii “Ciidanka Xoogga dalka qeyb kama ahan dagaalka Gaalkacyo”

 Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa beeniyay in ciidamada xoogga dalka ay ku lug leeyihiin dagaalka Gaalkacyo ku dhex maraya Maamulada Puntland iyo Galmudug, kadib markii Puntland ay sheegtay in dagaalada ay ka qeyb qaadanayaan Ciidamo ka tirsan xoogga dalka.

Wasiirka Gaashaandhiga oo la kulmay Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga oo Tababar uga socda Masar

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini oo socdaal shaqo ku jooga dalka Masar ayaa booqday Saraakiil katirsan ciidamada xoogga dalka oo Tababar uga socda dalkaas. 

Sawirro: Guddiga Difaaca Baarlamaanka oo su’aallo ka weydiiyay Taliska AMISOM tacadiyadii ay geysteen

Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan su’aallo lagu weydiinayay Taliska AMISOM kula yeeshay Xarunta Villa Hargeysa, iyadoo Guddigu u yeeray Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maman Sidikou, Kuxigeenkiisa iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM Jeneraal Jonathan Ronu, kuxigeenkiisa iyo saraakiil kale.

Wasiir Diini “Weerarada Argagixisada kama weecinayaan Soomaaliya iyo saaxibadeeda horumarka iyo dib u dhiska

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa si adag u canbaareeyey weerarkii argagaxisanimo ee maanta lagu qaaday kolonyo baabuur ah oo ay la socdeen saraakiil Imaaraadka Carabta ka tirsan ah oo tababara Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo ka digay in la siyaasadeeyo isku dhafka Ciidamada

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa ka digay in la siyaasadeeyo isku dhafka Ciidamada ee ka socda gobolada dalka.

Wasiirka Difaaca oo ka warbixiyay kulamo ku saabsan dhismaha ciidamada uu Turkiga u aaday

Wasiirka Difaaca Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi uu hoggaaminayo oo socdaal shaqo ugu maqnaa dalka Turkiga, ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, waxaana soo dhoweeyay Saraakiil iyo Mas’uuliyiin.

Wasiirka Difaaca oo kormeer howlleed ku tagey Xarunta Ciidamadda Badda Soomaaliya.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, oo weheliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Difaaca Mudane Cabdalla Xuseen Cali, ayaa maanta kormeer howlleed ku tagey xarunta Ciidamadda Badda Soomaaliya,

Wasiirka Difaaca Somalia oo ka Warbixiyay Shirkii Imaaradka

Wasiirka Gaashandhigga  Xukuumadda Soomaaliya  mudane Maxamad Sheekh Xasan Xaamuud oo maanta dalka dib ugu soo laaabtay ayaa sheegay shirar dhowr ah oo uu kaga qeyb galay magaalada Abu Dhabi uu ku soo idlaaday guul.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS