Tag: Dibada

Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada ku qaabilay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ku qaabilay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain Boris Johnson oo saaka booqasho aan horay loo sii shaacin ku soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo deg deg Muqdisho u yimid, kaddib bilo uu dibada ku shaqeynayay

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar ayaa deg deg u soo galay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, maalmo kaddib markii la doortay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka hadlay sababta Soomaaliya loogu diiday Suuqa Bariga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye ayaa ka warbixiyay sababaha Soomaaliya loogu diiday xubinimada Suuqa Bariga Afrika ee loo yaqaano EAC oo ay ku bahoobeen illaa lix dal oo ku yaala Bariga Afrika.

War Saxaafaddeed: Siyaasadda Qaran ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay Siyaasadda Qaran ee ku wajahan Arrimaha Dibadda.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda China .

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Khaled Omar Ali ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Ergey gaar ah oo ka socda Madasha Iskaashiga China-Africa ( Focac) H.E. Mr. Liu Guijin oo ay ka wada hadleen arrimaha siyaasadda , ammaanka iyo fulinta mashaariic horumarineed .

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo walaac xoog leh ka muujineysaa Soomaalida ku dhamaneyso tahriibka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Soomaaliya  waxa ay walaac xoog leh ka muujineysaa tahriibka iyo socdaalka sharci darada,ee ay ku kacaan dhalinyarada Soomaaliyeed , kuwaasi oo qaarkood ku waaya naftooda inta ay ku guda jiraan socdaalka , ama loola bareero dhibaatooyin ay ka mid yihiin kufsi , jirdil iyo ku shaqeysi qasab ah. 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iyo Wafdi Ay Hoggaamineyso Oo Maanta u Ambabaxay Dalka Belgium

Ra’isalwazaare ku xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan C/lle Cismaan ee magaaladda Muqdisho iyadoo ku sii jeedda magaaladda  Brussells ee xarunta dalka Biljamka.

FOWZIYO YUUSUF: “Xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanku waxay isku raaceen in la tageero Ciidamada Soomaaliya”

Wasiiradda arrimaha dibadda Somalia, ahna ra’iisul wasaare ku xigeen, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ogolaadeen in in la taageero ciidamada xoogga dalka iyo kordhinta ciidamada AMISOM.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS