Tag: Dastuurka

Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh oo ka hor-yimid hadalkii Wasiirka Amniga

Wasiirka Arrimaha Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka hor-yimid amar ka soo baxay Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, kaasoo ahaa in aanay cidna shir qabsan karin, iyadoo aanay fasax ka heysan Hey’addaha ammaanka iyo Gobolka Banaadir.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka oo maanta hor-tagaya Baarlamaanka

 Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta hor-tagaya Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, si su’aalo looga weydiiyo ka hor imaanshihiisa Go’aankii uu Baarlamaanka gaaray.

Wasiir Xoosh “Somaliland oo maqan Afti looma qaadi karo Dastuurka”

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya Avv. C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in Dastuurka KMG aan afti loo qaadi karin, iyadoo nidaamka federaalka ee dalka ka maqan tahay Maamulka Somaliland oo horay uga dhawaaqay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

War murtiyeed laga soo saaray shirkii Wadatashiga ee geedi socodka dib u eegista Dastuurka

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gaba gabeysay kulan wadatashi ah oo ay Muqdisho ku qabatay, kaasoo ay ka qeyb galeen Wasiirada Darstuurka ee dowlad gobaleedyada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir laguna qabtay magaalada Muqdishu 14-16kii Maajo 2017.

Shirka Arrimaha Dastuurka ee dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada oo ka furmay Muqdisho

Shirka Madasha Wasiirada Arrimaha Dastuurka ee dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada oo socon doona 3 maalin ayaa maanta ka furmay Muqdisho,  shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka oo ay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ay horkaceyso.

Kulan looga hadlayay dib u eegista Dastuurka oo maanta lagu qabtay Muqdisho (Sawirro)

 Kulan howleed ku aadanaa dib u eegista Dastuurka, kaasoo ay soo agaasintay Wasaaradda Dastuurka ayaa maanta lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa, waxaana kulankan goob joog ka ahaa  Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna kusimaha madaxweynaha Mudane Maxamed Sh. Cismaan “Jawaari”, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, Guddoomiyaha Maxkamadda sare Avv. Ceydiid Ilka-xanaf, Wasiirka Dastuurka Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen, xildhibaano, Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Q/midoobay Amb. Nickolas Kay iyo weliba khubaro caalami ah oo ku xeel dheer arrimaha Dastuurka.

Guddiga madaxa banaan ee dib u Dastuurka oo lagu wareejiyay Nuqulo ka mid ah Dastuurka qabyada ah

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa ka qeyb galay kulan Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka loogu wareejinayay nuqulo ka mid ah dastuurka qabyada ah, si ay dib u eegis ugu sameeyaan.

Dastuurka: Awooda Madaxweynaya & Ra’iisul wasaaraha?

Kadib markii ay soo shaac baxday khilaafkii qarsoonaa ee u dhaxeeyey madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumada dalka Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo ku qotoma dhanka isku shaandheenta golaha wasiirada,Mustaqbal waxa ay aqristayaasheeda usoo gudbinaysa awooda madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha marka ay arimo dastuuri ah timaad:
Valid XHTML 1.0 Valid CSS