Tag: Dalka

Doorashada guddoonka aqalka sare oo maanta ka dhaceysa magaalada Muqdisho

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xarunta Aqalka Sare, ay ka dhacdo Doorashada Guddoonka.

Afti laga qaaday shacabka Switzerland oo lagu diiday in dadka la siiyo lacag aan loo dhididin

Afti laga qaaday shacabka Swisska ayaa si xoog leh loogu diiday qorshe qof walba oo ku nool dalka Switzerland lagu siin lahaa mushaar uusan shaqeyn bil walba.

Munaasabad lagu xusayo maalinta Ciidanka xoogga dalka oo maanta Muqdisho ka dhacaya

Munaasabado lagu xusayo maalinta ciidanka xoogga dalka ee 12-ka April ayaa maanta laga xusayaa magaalada Muqdisho, iyadoo tan iyo shalay magaalada laga dareemayay diyaar garowga loogu jiro xuska.

Dhul gariir xoogan oo ku dhuftay Koofurta dalka Taiwan (Sawirro)

Dhul gariir xoogan oo cabirkiisu ahaa 6.5 magnitude ayaa ku dhuftay dalka Taiwan, kaasoo bur buriyay dhismayaal fara badan.

Kulan looga hadlayay dib u eegista Dastuurka oo maanta lagu qabtay Muqdisho (Sawirro)

 Kulan howleed ku aadanaa dib u eegista Dastuurka, kaasoo ay soo agaasintay Wasaaradda Dastuurka ayaa maanta lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa, waxaana kulankan goob joog ka ahaa  Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna kusimaha madaxweynaha Mudane Maxamed Sh. Cismaan “Jawaari”, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, Guddoomiyaha Maxkamadda sare Avv. Ceydiid Ilka-xanaf, Wasiirka Dastuurka Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen, xildhibaano, Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Q/midoobay Amb. Nickolas Kay iyo weliba khubaro caalami ah oo ku xeel dheer arrimaha Dastuurka.

Dowladda Somalia iyo Maamullada dalka oo kala saxiixday heshiis lagu wadaagayo kheyraadka

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta heshiis ku kala saxiixday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada kala ah; Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur-galbeed, kaasoo ahaa is-faham siyaasadeed ku wajahan in laga wada faa’iideysto kheyraadka dalka.

Meydka Wariye Soomaaliyeed oo laga helay Xeebta Alaskandariya ee Dalka Masar+ Sawirkiisa

Wararka laga helaayo Dalka Masar ayaa sheegaya in Meydka Wariye Soomaaliyeed laga helay Xeebta Alaskandariya ee Dalka Masar , waxaana Wariyahan iyo dad kale oo la socday la sheegay in ay ka dhaceen Dooni yar ay saarnaayeen.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo Xalay la Kulmay Wafuud Caalami ah

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda C/wali Sheikh Axmed ayaa Xalay Kulamo Gooni gooni ah Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kula qaatay Wafuud ka socoda Mareykanka,Midowga Yurub iyo QM.

Daawo Sawirada: Madaxda dowladda oo ka qeyb galay Aaska Taliyihii Booliska Soomaaliya

Madaxda ugu sareysa dalka ayaa ka qeyb galay Aas Qaran oo gelinkii danbe ee shalay loogu sameeyay Dugsiga tababarada Ciidanka Booliska ee General Kaahiye, Taliyihii Ciidamada Booliska Soomaaliyeed S/G Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo oo maalintii khamiista ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS