Tag: Dagaal

Ciidamada huwanta oo la wareegay deegaanka Bariire ee Gobolka Sh/Hoose

Wararka ka imaanaya deegaanka Bariire ayaa sheegaya in Ciidamada xoogga dalka oo taageero ka helaya ciidamada AMISOM iyo Ciidamo Mareykan ah ayaa la wareegay deegaankaas, kaddib dagaal xooggan.

Dagaal Culus oo Ciidanka Puntland iyo Xoogagga Al-shabaab ku Dhexmaraya Gobolka Nugaal

Dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab oo dhawaanahan ku sugnaa deegaanno ku yaalla xeebaha-bari ee Puntland ayaa goor-dhow ka qarxay deegaanka Garmaal oo ka tirsan degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Faah faahin ka soo baxaya dagaal culus oo ka dhacay degmada Qoryooley

Faah faahin ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo shalay gelinkii dambe ka dhacay degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Iska hor imaad u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug oo saaka dib uga qarxay Gaalkacyo

Dagaal u dhaxeeya ciidamada kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa saaka dib uga qarxay magaaladaas, kadib markii odayaashii ku howlanaa waan waantii maalmahan socotay ay ku dhawaaqeen inay bur bureen wada hadaladaas socday ee xalka looga gaarayay.

Ciidamada NewBolis ee dalka Ethiopia oo la sheegay in ay dileen dad rayid ah

Duqeyda dhaqanka iyo waxgarad ka soo jeeda gobolada Galbeedka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay ciidamada ismaamulka Soomaalida Ethiopia ee New Boolis inay laayeen dad rayid ah oo xoolo dhaqato.

Faahfaahin ka soobaxaysa dagaal ka dhacay deegaanka Waanbati ee degmada Wanalaweyn

Wararka ka imanaya deegaanka Waanbati ee degmada Wanalaweyn ayaa sheegaya in ay ka jirto xiisad colaadeed iyadoo halkaas ay isku horfadhiyaan ciidamada dowlada iyo kuwa Alshabaab.

Dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhacay duleedka Degmada Marko ee Gobolka Shabeellada Hoose

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen iska-horimaad ka dhacay duleedka degmada Marko ee xarunta Gobolka Shabeellada Hoose.

Aqriso Qodobo dhowr ah oo looga heshiiyay dagaalkii ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya

Iyadoo baryahaani dambe uu sii kordhaayay Khasaaraha ka dhalanaayay dagaladii ka socday xadka gobolka Galgaduud uu lawadaago ismaamulka dowlad degaanka Ethiopia, ayaa waxaa arrinta dagaalkaasi laga gaaray Heshiis dhowr qodob ka kooban.

Dagaal culus ayaa mar kale dib uga soo cusboonaaday deegaanka Deefow ee Gobolka Hiiraan

Dagaal xoogan ayaa mar kale dib uga soo cusboonaaday deegaanka Deefow ee Gobolka Hiiraan, iyadoo dagaalkan cusub ay ku geeriyooday ilaa tobaneeyo ruux, halka tiro intaa ka badanna ku dhaawacmeen.

Dagaalo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo ka dhacay Awdheegle iyo Mubaarak

Dagaalo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe ilaa saaka waabarigii hore waxaa uu ka socday degmada Awdheegle iyo deegaanka Mubaarak, halkaasoo todobaadkii hore Al-Shabaab ay muddo kooban la wareegeen.

Dagaal beeleed saaka dib uga qarxay deegaanka Deefow ee Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya deegaanka Deefow ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka uu dib uga soo cusboonaaday dagaal u dhaxeeya labo beelood oo horay deegaankaas ku dagaalamay.

Dagaal dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Gobolka Galgaduud

Dagaal dad badan ay ku dhinteen ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo War-Shuba oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, kadib markii halkaas isku fara saareen dadka deegaanka iyo ciidamo ka tirsan Maamulka Ximin iyo Xeeb.

Dagaalo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo ka dhacay duleedyada magaalada Baydhabo

Dagaalo xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ayaa shalay ilaa xalay ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo, iyadoo dagaaladan la soo sheegayo inay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac.

Faah-faahin:Al-shabaab iyo Shacab ku dagaalamay mahaddaay

Faah-faahin dheereed ah ayaa ka soo baxaysa Dagaal ka dhacay Duleedka Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabellaha dhexe,kaas oo dhexmaray Al-shabaab iyo Dadka Deegaanka.

War Deg Deg ah:Dagaalo xoogan oo u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Ciidamada AMISOM oo ka dhacay deegaanka Wabxo

Dagaalo xoogan oo saacado badan socday ayaa ka dhacay deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud, halkaasoo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ee Itoobiya ka socda.

Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay Marko iyo warar kala duwan oo kasoo baxaayo Dagaalka.

Warka laga helaayo Duleedka Degmada Marka ee G/Sh/hoose, ayaa sheegaya in Ciidamo kawada tirsan Dowlada Federaalka Somalia ay ku dagaalameen halkaasi.

Dagaallo xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan Muqdisho iyo baaritaano socda

Iskahorimaadyo ayaa xalay ka dhacay xaafado ka tirsan degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, kuwaas oo u dhexeeyay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda iyo Al-shabaab.

Dagaallo Dhex-maray Ciidammada Maamulka Jubba iyo Xoogagga Al-shabaab

 Dagaallo xooggan ayaa gelinkii dmbe ee shalay ilaa xalay fiidkii siyaabo kala duwan uga dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose, iyadoo dagaalladani ay u dhexeeyeen ciidamada maamulka Jubba oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab.

Dagaalo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa waxa ay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhex mareen qeeba ka mid ah gobolka Baay

Dagaalada ayaa waxa ay ahaayeen kuwa u dhaxeeyo ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab waxa ayna ahaayeen kuwa aad u xoogan waxana lasheegayaa in ay dagaalka marka hore qadeen ciidanka dowlada soomaaliya sida uu sheegay mas,uul u hadlay maamulka Dagmada Bardaale.

Shebaab iyo ciidamada Kenya oo ku dagaallamay Xadka Kenya iyo Soomaaliya

Dagaal culus ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Dhamaajaaleey oo ku yaal gudaha xadka ay Kenya ay la wadaagto Soomaaliya, waxaana dagaalkaasi uu u dhexeeya xoogagga Al-shabaab iyo cutubyo katirsan ciidamada Kenya oo ku sugnaa halkaasi.

Dagaal beeleed ka dhacay Mandheera oo tiro dad ah ay ku dhinteen

Ugu yaraan 10-qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal u dhexeeya laba beelood oo shalay ka dhacay deegaanka Raamo oo ku dhow degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari dalka Kenya.

Dagaal ka dhacay Bakool oo ciidanka dowladda goobo kula wareegeen

Dagaal muddo kooban socdey ayay shalay galinkii dambe Ciidamada dowladu waxaa ay kala wareegeen Deeganka Kulan-jareer oo Gobalka Bakool ka tirsan una dhaxeeya Degmooyinka Xudur iyo Waajid ee Gobalkaasi sida ay xaqiijinayaan dadka Deegankaasi.

Dagaal Dhimasho Keenay oo ka Dhacay Sh/Hoose

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dagaal uu duleedka magaalada Marka ku dhexmarey ciidamada milatariga iyo maliishiyo degaanka ah oo dhowaan dowladdu balanqaadey in lagu daro ciidanka booliska.

7 ku dhimatay dagaal xooggan oo xalay ka dhacay duleedka Baydhabo

Ugu yaraan toddoba ka mid ah dhinacyadii adgaalamay ayaa ku dhintay in ka badan toban kalena way ku dhaawcmeen dagaallo culus oo xalay ciidamada dowladda Soomnaaliya iyo kuwa Itoobiya oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray duleedka degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Maleeshiyo beeleedyo ku dagaallamay Galgaduud

Afar ruux, ayaa la sheegay inay dhinteen shan kalena ay dhaawacmeen, kadib markii kooxo reer miyi ah ay galinkii dambe ee shalay ay ku dagaallameen tuulada Ismadhaqo, oo lixdan KM u jirta magaalada Ballanballe ee gobolka Galgaduud, sida ay sheegeen dad ka mid ah kuwa deegaanka

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Kismaayo oo dagaallamay

Dagaal u dhaxeeya ciidamada maamulka KMG ah ee Kismayo qabsaday, ayaa saaka ka dhacay magaaladaasi, iyadoo xaaladda magaaladuna ay isku badashay mid jahwareer leh.

Dagaal xalay ka dhacay Jannaale oo laba ruux ay ku dhinteen

Ugu yaraan laba ka mid ah dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay, tiro kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray dagaal xalay ku dhexmaray deegaanka Janaale ciidmada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab.  

Dagaal xalay ka dhacay Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa xalay waxaa ka dhacay dagaal geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, kaasi oo dhexmaray Xoogagga Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda iyo kuwa kale ee gacanta siinaya.

Saraakiisha ciidamada Jubbooyinka oo dagaal ku hanjabay

Janaraal Ismaaciil Saxardiid oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa faah faahin kabixiyay ciidamo tababar kujiray sedax sano oo Agab iyo Mushaar la'aan kacabanayo

Dagaal dhimasho sababay oo Khaatumo iyo Somaliland ku dhex maray Sool

Iska hor imaad u dhaxeeya ciidamadda Somaliland iyo kuwa maamulka Khaatumo ayaa shalay galinkii dambe ka dhacay bariga degmada Xudun ee gobolka Sool.

Dagaal ka dhacay Gedo oo in ka badan 20 ruux ay ku dhinteen

In kabadan 20 Qof ayaa ku dhimatay tiro inta ka badana wa ay ku dhaawacmeen kadib markii  Wadada isku Xirta Garbahaarey iyo Luuq shalay galinkii dambe uu dagaal Xoogan ku dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Ahlu-Suna oo Garabsanaya kuwa Ethopia iyo dhinka kale oo ah Maleeshiyada Shabaab.

Dagaal ka dhacay duleedka Xuddur ee gobolka Bakool oo khasaare geystay

Dagaal culus oo sababay khasaarooyin kala duwan ayaa ka dhacay nawaaxiga degmada Xudur ee gobolka Bakool, iyadoos dagaalku uu u dhexeeyay xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Balad-xaawo oo xalay lagu dagaallamay

Ugu yaraan inta la xaqiijiyay shan ruux, ayaa ku dhimatay tiro kale oo badanna way ku dhaawacmeen, ka dib markii ay shalay degmada Buula-xaawo ee gobolka Gedo ku dagaallameen xoogagga al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolkaasi.

Dagaal ka dhacay Shabellaha Hoose oo dad badan ay ku dhinteen

Ugu yaraan toban ka mid ah dhinacyadii dagaalku u dhexeeyay ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada hoose, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.  

Warkii ugu dambeeyay ee Kismayo

Wararkii ugu dambeeyay ee caawa Kismaayo laga helaayo, ayaa sheegaya in dhinacyadii ku dagaallamay deegaanno u dhow dhow magaalada ay wali isku hor fadhiyaan, halkii ay ku dagaallameen, iyadoo ciidamadii Kenyanka iyo kuwii dowladda Soomaaliya ahaana ay heystaan oo qabsadeen deegaanka Ceel-dhiig oo ay saaka aroortii soo gaareen.

Dagaal ay ku dhinteen in ka badan 20 ruux oo ka dhacay Jubada Hoose

Dagaal qiyaastii socday shan saacadood oo xiriir ah, ayaa maanta deegaanka Qalaawila oo 65 KM u jirta xarrunta gobalka Jubada Hoose ee Kismaayo ku dhex maray ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Kenya iyo ururka Raaskaambooni oo is garabsanaya iyo kooxda al-Shabaab oo dhinac kale ah.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS