Tag: DOWLADA

Dowladda Soomaaliya oo digniin ka soo saartay suurta galnimada fatahaado iyo daadad hor leh

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay halista ay ku dhici karaan fatahaadaha iyo daadadka deegaano ka tirsan Koofurta dalka. 

Dowladda Federaalka oo mamnuucday duulimaadyada tooska uga imaanaya Kenya ee ku sii jeeda Kismaayo

Maamulka Duulista Hawada ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saaray amar cusub oo ku wajahan duulimaadyada aadaya Kismaayo. 

Dowlada Soomaaliya oo markale diiday in dib loo dhigo dhagaysiga dacwada badda

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in ay diidan tahay in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska dacwadda badda ee horyaala maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

Dowladda Federaalka oo ku guuleysatay in la joojiyo dhismaha saldhigii Militari ee Imaaraadka ka dhisayay Berbera

Imaaraadka Carabta ayaa muddo ku howlaneyddhismaha saldhig Ciidan oo ay ka dhiseyso Magaalada Xeebta ah ee Berbera, iyadoo cuskaneysa heshiis ay la gashay maamulka Somaliland. 

Dowladda Federaalka oo go’aansatay in shirarkii Hey’adaha ku qaban jireen Nairobi laga raro

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aansatay in dhamaan shirarka, Kulamada iyo Siminaaradii ka dhici jiray Nairobi laga raro, kaddib markii dhowaan dowladda Kenya ay dal ku galka u diiday Wasiiro iyo Xildhibaano ka qeyb geli lahaa Shir uu soo qaban qaabiyay Midowga Yurub oo ka dhacayay Nairobi. 

Dowlada oo ku dhowaaqday Guddi ka shaqeeya aaska Wasiirkii Dastuurka Cabdi Xoosh

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday guddi heer wasiiro ah oo ka shaqeeya aas qaran oo la sameynayo Wasiirkii hore ee dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo maanta ku geeriyooday magaalada Dubai. 

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jubbaland oo heshiis qarsoodi ah gaaray {RW Kheyre oo ku sii jeeda Kismaayo}

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa heshiis hoose la gaartay Maamulka Jubbaland taasoo lagu soo afjarayo xiisadda siyaasadeed ee muddo u dhaxeysa Madaxda dowladda Federaalka iyo Maamulka Axmed Madoobe. 

Wasiir Cawad : Wakiilka Qaramada Midoobey wuxuu dhaqmay si ka baxsan nidaamka iyo dhaqanka diblomaasiyadda

Wasiirka Wasaarradda arrimaha dibedda xukuuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa, kaa oo dalka looga mamnuucay wakiilka gaarka ah ee Qaramada u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom

Dowladda Soomaaliya oo dalka ka mamnuucday hey’ad Cilmi baaris uu leeyahay nin Ajnabi ah

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa dalka ka mamnuucay Hey’add cilmi baaris oo lagu magacaabo Sahan Research. 

Warbixin Ku Saabsan Howlihii Ay Imaaraadka Ka Wadeen Soomaaliya

Muddo todobaad gudahiisa ah, waxaa isbadallo degdeg ah ay ka dhaceen xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka, go’aanno rasmi ah, qoraallo isburinaya, hadallo kicin ah iyo qaar dejin ah intaba waan aragney, taasi oo keentay in aan la xiriirno saraakiisha ay Imaaraadku tababareen, maamulka Isbitaalka Sheekh Za’id iyo wasiirka gashaandhigga ee dowladda federaalka ah.

Dagaal culus oo ciidamo ka tirsan dowladda, AMISOM iyo Al-Shabaab ku dhex maray duleedka Baraawe

Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo AMISOM oo dhinac ah iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa ka dhacay duleedka degmadaas.

Xeer Ilaaliyaha Guud oo ka hadlay halka uu marayo dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya

 Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Dahir ayaa faah faahin ka bixiyay halka ay mareyso dacwada Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ee taala Maxkamadda Caalamiga ee Cadaalladda ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland.

Kaddib qarixii Muqdisho, Qatar oo sheegtay in Soomaaliya laga aargoosanayo

 Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka aargoosanayaan waxa uu ugu yeerray dowladdaha xiriirka u jaray Qatar.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS