Tag: DHUUSA

Sheekh Axmed Shaakir: “Deegaanada Galmudug dadkii xoreeyay in laga xoreeyo uma baahna.”

Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa beeniyay in degmooyin ka mid ah deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle in lagala wareegay ururka Ahlu Sunna. 

C/raxmaan C/shakuur oo ka hor-yimid baaqii dowladda Qatar, kuna eedeyay maalgelinta….

Hoggaamiyaha Mucaaradka ee Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa si weyn uga hor-yimid baaqii ka soo yeeray dowladda Qatar ee ay dhowaan u jeedisay dhinacyada isku haaya siyaasadda Soomaaliya.

Musharaxa Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo gaaray Dhuusamareeb (Sawiro)

Musharaxa Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamul Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb. 

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kormeeray xarumaha ciidamada magaalada Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray xarumaha ciidamada Booliiska, kumaandoosta Danab iyo nabad sugidda kuwaasoo ka qayb qaadanaya adkeynta amniga magaalada Dhuusamareeb inta ay socdaan shirarka dib u heshiisiinta Gallmudug iyo dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug loo dhanyahay.

Wararkii ugu dambeeyey ee magaalada Dhuusamareeb

Wararka laga helayo Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in goordhow garoonka diyaaradaha magaaladaas ay ka degatay diyaarad siday Ciidamo Boolis ah. 

Ahlu Sunna oo sheegtay in dowladda federaalka ku soo duushay una diyaar-garoobeen dagaal

Qoraal goor dhaw ka soo baxay hoggaanka sare ee Ururka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka ku soo duushay deegaannada maamulka Ahlu Sunna Waljameeca.

Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo dheeraad ah iyo saanad hub ka dejisay Dhuusamareeb

Ciidamo dheeraad ah ayaa saaka ka degay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, kuwaasoo diyaarado looga qaaday magaalada Muqdisho. 

Ciidamada laga dejiyay Dhuusamareeb oo la wareegay Xarumo muhiim ah iyo RW Kheyre oo ku sii jeeda

Ciidamo cusub oo dowladda Federaalka ka dejisay magaalada Dhuusamareeb ayaa la wareegay xarumo muhiim ah, iyadoo ciidamadan ay yihiin Booliska gaarka u tababaran ee loo yaqaano Haramacad, kuwaasoo saakay diyaarado looga qaaday magaalada Muqdisho. 

C/raxmaan C/shakuur “Ma rabno Galmudug loo dhisayo doorashada 2020, waxaa rabnaa Galmudug deegaanka…”

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hadlay dadaalada la doonayo dhismaha dowlad goboleedka Galmudug oo ay hormuud ka tahay Xukuumadda Federaalka, isagoo ka digay in la dhiso maamul maqaar saar ah oo olole siyaasadeed lagu gaaro doorashada 2020/21. 

Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal caawa ka dhacay Dhuusamareeb

Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan iskahorimaad hubeysan oo caawa ku dhex maray magaalada Dhuusamareeb ciidamada nabadsugida iyo ciidamada Booliska magaalada Dhuusamareeb. 

Wasiir Sabriye iyo Sheikh Shaakir oo maanta la kulmay Guddiga qaban-qaabada shirka Dhuusamareeb.

Xubnaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ku jira diyaar garowgii ugu dambeeyay gogosha nabadeed ee la dhigay  magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, ayaa maanta kulan la qaatay wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay Wakiilo ka socda Beesha Caalamka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmay safiirrada dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya ee saldhiggoodu yahay magaalada Muqdisho iyo wakiilladaha hey’adaha caalamiga ah oo maanta magaalada soo gaaray. 

RW Kheyre “La iskuma heysto in Dhuusamareeb ay tahay Magaalo madaxda Galmudug, waxaa la isku heystaa…

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka codsaday bulshada reer Dhuusamareeb inay soo dhoweeyaan dadka ka qeyb galaya shirweynaha dib u heshiisiinta, maadaama ay gogosha taal magaala madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb. 

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kula kulmay Dhuusamareeb Francisco Madeira

Wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midawga Afrika u qaabishan Soomaaliya, Francisco Madeira, iyo Ergeyga gaarka ah ee IGAD, Mohamed Ali Guyo, ayaa Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Gobaleedka Galmudug. 

Heshiiska dowladda Federaalka iyo Ahlusuna oo maanta lagu saxiixayo Dhuusamareeb

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug lagu saxiixo Heshiiska Ahlusuna iyo dowladda Federaalka, kaddib markii xalay si rasmi ah Ra’iisul Wasaare Kheyre u shaaciyay qodobo ka mid ah heshiiska labada dhinac. 

Ra’iisul Wasaare Kheyre “Mowqifka dowladda waa in la dhamaystiraa Hey’adaha dowladeed ee Galmudug”

Ra’iisul Wasaaraha Soonaaliya Xasan Cali Kheyre oo galabta meel fagaara ah kula hadlay bulshada magaalada Cadaado ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay in la dhammeystiro hay’adaha dowladeed ee maamulka Galmudug. 

Galmudug oo si kulul uga hadashay hadal ka soo yeeray Madaxweyne Farmaajo (Akhriso)

Maamulka Galmudug ayaa si kulul uga hadashay hadal shalay ka soo yeeray Madaxweyne Farmaajo, kaasoo in doorashada Galmudug ay dhaceyso sanadkan dhexdiisa. 

Wariyihii Maxkamadda ciidan ay xukuntay oo xoriyaddiisa dib u helay

Waxaa xalay la sii daayay Wariye Maxamed C/weli Tooxow oo shalay Maxkamad ciidan ay ku xukuntay lix bilood oo xabsi ah, kaddib markii lagu eedeeyay inuu baahiyay warar ka dhan ah Maamulka Galmudug. 

Wararkii ugu dambeeyay kulamo iska soo horjeeda oo ka socda Cadaado iyo Dhuusamareeb

Iyadoo shalay magaalada Cadaado ay gaareen wafdi ay hoggaaminayaan Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Guddoomiyihii Baarlamaanka Galmudug ee xilka laga qaaday ayaa waxaa magaalada ay gashay xaalado siyaasadeed.

Qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud oo saaka maalinta koowaad laga ciidayo

Qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud ayaa maanta oo Arbaco ah laga ciidayaa maalintii koowaad ee Ciidul Adxa, xilli maalintii shalay Gobolada dalka Soomaaliya iyo dalalka Muslimiinta laga ciiday maalintii koowaad. 

Madaxweyne Xaaf oo uga digay dowladda Federaalka inay farageliso arrimaha Galmudug

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa uga digay dowladda Federaalka inay farageliso arrimaha Galmudug. 

Madaxweyne Farmaajo oo ugu baaqay bulshada Galmudug in ay kaalintooda ka qaataan dhammeystirka dib u heshiisiinta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMaxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay bulshada deegannada Galmudug in ay kaalintooda ka qaataan dhaqan gelinta heshiiska mideynta Galmudug. 

Ciidamadii Ilaalada Madaxweynaha oo loo ogolaaday inay galaan Dhuusamareeb

Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Ciidamo Ilaalada Madaxweyne Farmaajo oo saaka lagu hor-istaagay agagaarka deegaanka Mareergur oo bar koontarool ay ku leeyihiin Ahlusuna ayaa loo ogolaaday inay galaan Dhuusa Mareeb.

Madaxda dowlad goboleedyada oo ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb

Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, iyagoo ka qeyb galaya shirka lagu mideynayo Maamulka Ahlusuna iyo Galmudug, kuwaasoo dhamaadkii sanadkii hore heshiis awood qeybsi ku gaaray dalka Jabuuti.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS