Tag: Cusub

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo u ambabaxay Sacuudiga

Illaa Lix Wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa goor dhow u ambabaxay dalka Sacuudiga, saacad kaddib markii dowladda Federaalka ay mowqif ka qaadatay khilaafka diblomaasiyadeed ee dalalka Khaliijka.

Golaha Wasiirada oo maanta yeelanaya kulankooda u horeeyay, labo qodob oo looga hadlayo

Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankooda u horeeyay, kaddib markii shalay uu ansixiyay Baarlamaanka, lana dhaariyay.

Akhriso: 10-Caqabad Oo Farmaajo Ka Hortaagan In Uu Noqdo Madaxweynahii Loo Baahnaa

Lix iyo Toban(16)-kii sano ee la soo dhaafay waxaa madaxtooyada(Villa Somalia) soo maray madaxweynayaal badan, marka laga reebo Protocol  iyo magac u baxay, ma jirin madaxweyne ku guuleystay soo celinta dowladnimada Soomaaliya, ma jirin madaxweyne ka shaqeysiiyay dhammaan hey’adaha dowladda, arrintaasi in laga gudbo waxaa loo baahan yahay madaxweyne leh aragti iyo awood sare iyo xukuumad ka daran!!

Nuxurka Khudbadihii ay jeediyeen musharixiinta guddoonka iyo ku xigeenada Baarlamaanka

Waxaa maanta xarunta golaha shacabka ka bilaabatay dhageysiga waxqabadka ay la imaan doonaan xildhibaanada u sharaxan xilalka guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa. 

Baarlamaanka oo fadhiyada ugu soo horeeya ka doodi doona sharuucda doorashada

Baarlamaanka cusub ee 10aad oo kalfadhigiisii yeeshay maalintii shalay, ayaa lagu wada in maalmaha soo socda ka doodaan waqtiga la qabanayo doorashada hogaanka sare ee dalka.

Xildhibaannada cusub ee labada Aqal oo maanta lagu dhaarinayo Muqdisho

Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah lagu wadaa inay ka dhacdo magaalada Muqdisho, iyadoo fadhigii u horeeyay ee Baarlamaanka 10aad uu maanta bilaabanayo.

Waa kuma ninka ugu da’da weyn Baarlamaanka Federaalka ee noqon doona Guddoonka KMG

Xildhibaanada cusub ee labada Aqal Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in la dhaariyo, iyagoo yeelan doona kalfadhigii 1aad ee Baarlamaanka 10-aad.

Ra’iisul Wasaaraha oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Golihiisa Wasiirada (Akhriso Liiska oo dhameystiran)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arka ayaa ku dhawaaqay xubnaha Golihiisa Wasiirada, kadib saacado badan oo la sugayay inuu si rasmi ah u shaaciyo, iyadoo Xukuumadan mar kale la magacaabay xilli saq dhexe, si la mid ah Xukuumadii ka horeysay.

Dowladda Kenya oo Fanaaniinta Waayaha Cusub u diiday in ay Nairobi ku laabtaan

Kooxda Fanaaniinta Waayaha Cusub oo ah Koox Dhalin yaro ah isla markana Fadhigoodu yahay Wadanka Kenya Magaalada xarunta u ah Ee Nairobi  ayaa Hadda waxaa lagu soo waramayaa in Dowladda Kenya ay u diiday in Wadankaas ay ku laabtaan Markii ay dhawaan u duuleen Dalka Holland Iyadoo laga qaatay Waraaqihii ay dalka Kenya ku joogeen ka Hor inta aysan ka Dhoofin garoonka Diyaaradaha Kenya Ee Chama Kenyatta.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS