Tag: Cumar

Kulan soo dhaweyn ah oo magaalada Muqdisho loogu qabtay Ilhaan Cumar

Kulan isugu jiray soo dhaweynta xildhibaanka ka tirsan gollaha wakiilada Minissota ee xisbiga Dimuquraadiga Ilhaan Cumar  iyo halka ay mareyso qoondada haweenka ayaa maanta lagu qabtay  magaalada Muqdisho.

Ilhaan Cumar oo sheegtay in ay lagu handaday magaalada Washington

 lhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed oo dhawaan loo doortey aqalka wakiilada ee gobolka Minnesota noqoteyna haweeneydi ugu horeysay oo Soomaali iyo Muslim-ba ah ee sharci dajinta Mareykanka ka mid noqota ayaa waxaa handadey wadihi taksi ay ka raacdey magaaladan Washington.

Ilhaan Cumar oo hadalo Islaam nacayb ah uu darawal tagsi ku yiri

Darawal tagsi ayaa Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali ah oo dhawaan senetka Mareykanka loo doortay ku yiri hadalo Islaam nacayb ah. 

Guddiga doorashada dadban oo war ka soo saaray waqtiga la qabanayo doorashada madaxweynaha

Guddiga doorashada dadban ee heer federaal ayaa war ka soo saaray waqtiga la qabanayo doorashada madaxweynaha, kaddib shir jaraa'id oo ay galabta ku qabteen magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo ka hadlay muranka Kenya gelisay Badda Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo maanta gaaray magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland ayaa markii u horeysay ka hadlay arrinta Badda Soomaaliya ee eeda ugu badan isaga loogu jeedinayo kaddib is fahamkii dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya kala saxiixdeen sanadkii 2009-kii, xilligaasoo Xukuumaddii uu hoggaaminayay heshiiskaas saxiixday.

Abuukar Cumar Caddaan “Al-Shabaab dadka ay dilayaan iyo kuwa ay qarxinayaan kuma taageersani”

Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo ka mid ahaa taageerayaashii Maxkamadihii Islaamiga ee dalka soo maray ayaa markii u horeysay muddo 10-sano kadib kadib xaalada siyaasadeed ee dalka iyo marxalada uu dalka ku jiro.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo cambaareeyay Toogashadii Orlando

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aad uga xuntahay toogashadii dadka faraha badan ku dhinteen ee ka dhacday goob lagu caweeyo ee ku taal magaalada Orlando  ee Gobolka Florida.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Moscow kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa booqasho ku tagay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, halkaasoo uu kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sergie Lavrov.

Madaxweynaha Sudan oo ka qeyb galaya shirka Qaramada Midoobey ee New York

Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa lagu wadaa in dhamaadka bisha September uu khudbad ka jeediyo shirka sanadlaha ah Qaramada Midoobey ee ka dhici doona magaalada New York.

Ra’iisul Wasaare Sharma’arke oo rajo ka muujiyay in dib loo furo shirkadaha xawaaladaha dalka Kenya

Ra’iisul Wasaaraha dowlada Federalka Soomaaliya Cumar Cabdrashid Cali ayaa kala hadlay madaxda dowlada Kenya sidii dib loogu furi lahaa shirkadaha xawaaladaha ay ka xirtey dalkeeda.

Ra’iisul Wasaaraha oo Muqdisho ku soo laabtay, kadib safar uu Imaaraadka Carabta ku tagay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke iyo wadi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiirka Dastuurka, Wasiirka Gadiidka, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, La taliyayaal iyo Xubno ka tirsan xafiiskiisa ayaa saaka dalka dib uga soo noqday.

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta la filayo inuu tago degmooyinka Dhuusa Mareeb iyo Guriceel

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta oo Sabti ah la filayaa inuu booqasho ku tago Gobolka Galgaduud, taasoo noqoneysa booqashadiisa u horeysay oo uu meel ka baxsan Muqdisho ku tago tan iyo markii la magacaabay.

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta booqday dadkii ku dhaawacmay Qarixii jimcihii ee Hotel Central (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa saaka booqday Isbitaal Digfeer oo ay ku jiraan qaar kamid ah dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii maalintii jimcihii Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Central ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay Muqdisho, kana hadlay weerarkii Hotel Central

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke, ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay, isagoona ka hadlay weerarkii Argagixiso ee shalay kooxaha Nabad diidku ay ku qaadeen hotelka Central, wuxuna tacsi u diray ehelkii, Qaraabadii iyo Qoysaskii ay ka baxeen dadkii shalay ku dhintay weererka, isagoo alle uga baryay kuwii ku dhaawacmay inuu caafimaad deg-deg ah siiyo.

Ra’iisul Wasaaraha oo si xushmad leh uga codsaday Xildhibaanada inay ansixiyaan Golaha Wasiirada cusub

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo xalay fiidkii soo magacaabay Gole Wasiiro ka kooban 20-Wasiir ayaa si xushmad leh ga codsaday Xildhibaanada Baarlamaanka inay soo dhoweeyaan Golaha cusub.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo go’aan ku qaadan doona inuu ka tago Wasiiradii muranka dhaliyay

Iyadoo 24-saac ay ka soo wareegatay markii Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid la laabtay Xukuumadii uu soo dhisay 12-kii bishan, isla markaana Baarlamaanka uu u ogolaaday waqtiga cusub ee uu qabsaday inuu ku soo dhisi doono Gole Wasiiro tayo leh ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in Ra’iisul Wasaaruhu damacsan yahay in qaar ka mid ah saaxiibada Madaxweynaha ee u badan Xukuumaddii la diiday ee muranka badan ka dhashay inuusan dib u soo celin doonin.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo sheegay inuu la fariisan doono Xildhibaanada diidan Xukuumaddiisa

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa difaacay go’aanka uu ku soo magacaabay Xukuumaddiisa, isagoo sheegay inuu soo dhisay Xukuumad dheelitiran oo ay ku jiraan xubno kala matalayay dhinacyadii siyaasadda isku hayay.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo la filayo in horaanta sanadka cusub uu soo dhiso Xukuumadiisa

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ku guda jira wada tashiyadii u dambeeyay ee uu ku soo magacaabayo xubnaha Golihiisa Wasiirada cusub, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu dadaal ugu jiro sidii barnaamijka xukuumadiisa u hor-geyn lahaa Baarlamaanka horaanta sanadka cusub.

Mid ka mid ah Xildhibaannadii Baarlamaankii KMG ahaa oo Muqdisho lagu dilay

Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaankii hore ee KGM ahaa ee Soomaaliya ayaa saakay kooxo hubeysani waxay ku dileen xaafad ku dhow aargada degmada Wadajir, kuwaasoo dilka kaddib goobta ka baxsaday.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS