Tag: Ciidan

Dowladda Jarmalka oo 650 askari u direysa dalka Mali

Dowladda Jarmalka ayaa ku dhawaaqday in 650 askari u diri doonto dalka Mali, si ay u taageeraan Faransiiska oo dagaal kula jira Islaamiyiin mayal adag oo xiriir la leh Ururka Al-Qaacida.

Mareykanka oo ciidamo milateri u diraya dalka Cameroon

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in dalka Cameroon u dirayo ciidamo milateri, kuwaasoo ka qeyb qaadanaya ka hortagida kooxda Boko Haram oo dhaq dhaqaaqeeda ku xoojisay dalalka galbeedka Afrika.

Qeybtii ugu horeesay Ciidamo Wata Astaanta UN-KA oo Maanta ka soo dagay Magaalada Muqdisho

Waxaa Maanta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kasoo dagay qeybtii ugu horeesay Ciidamo kasocda Dowlada Uganda oo wata astaanta Qaramada Midoobay.

Xuska maalinta aas'aaska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa hambalyo ku aadan 53 guuradii ka soo wareegtay aas’aaska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed u diray guud ahaan ciidanka Xoogga dalka meel kaasta oo ay ku sugan yihiin,  iyadoo dhinaca kalana madaxdii hore ee ciidamada ay ka warbixiyeen aas’aaska Ciidanka Malitiriga.

Cutub ciidamo si gaar ah u tababaran oo madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu tababar u soo xirey

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Seylici), ayaa maanta dugsiga tababarka ciidamada Mandheera ee maamulka Somaliland tababar ugu soo xiray dufcaddii labaad ee ciidamada la dagaallanka argagixisada maamulka Somalilan ee RRU loo soo gaabiyo.

Ciidamada dowladda oo deegaanno ka mid ah Shabellaha Hoose la wareegay

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya, kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM, ayaa maanta la wareegay deegaanno dhowr ah oo Shabaabku hore u joogi jireen gudaha gobalka Shabellaha Hoose.

Wasiirka gaashaandhigga "Xoogga ayaan saari doonnaa xaquuqda iyo gunnooyinka ciidamada"

Wasiirka gaashaandhigga dalka Soomaaliya Md. Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa sheegay inay qorsheynayaan sidii loo habeyn lahaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, si ay awood ugu yeeshaan inay nabad galyada iyo ammaanka dalka Soomaaliya ku filnaadaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ammaanay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu ammaanay guulihii isdaba joogga ahaa ee ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka gaareen dagaalka ka dhanka ah ee al-Shabaab.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS