Tag: Ciidamo

Maamulka gobolka Gedo oo kahadlay ciidamo halkaa ka tagay oo Kismaayo gaaray

Guddoomiyaha gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil ayaa ka hadlay boqollaal ciidammo oo dhawaan gaaray degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kuwaasoo cabsi badan ka dhaliyay degmadaas.

Nayjeeriya oo Boolis ku biirineysa howl-galka AMISOM

Dowladda Nayjeeriya, ayaa sheegtay inay tiro boolis ah ku biirin doonto howl galka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM, oo ay Afrikaantu ku taageeraan dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiya oo Soomaaliya sii joogaya

Rayal wasaaraha Itoobiya Hailemariam  Desalegn, ayaa sheegay in ciidamadiisa Soomaaliya jooga ay sii joogayaan dalka, oo aanay ka bixi doonin tan iyo inta laga helaayo ciidamo midowga Afrika ka socda oo baddala kuwiisa.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo Warshiikh la wareegay

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM, ayaa saaka la wareegay degmada Warshiikh ee gobalka Shabellaha Dhexe.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS