Tag: Cadaado

Xildhibaanada labada Aqal ee ka soo jeeda Galmudug oo wadahadalo ka bilaabay Cadaado

Qaar ka mid ah xildhibaanada labada Aqal ee ka soo jeeda dowlad goboleedka Galmudug oo maanta gaaray magaalada Cadaado ayaa bilaabay wadahadalo ay ku xalinayaan xiisada siyaasadeed ee ka jirta Cadaado.

Wasiirkii A/gudaha Galmudug oo kasoo horjeestay xil ka qaadista lagu sameeyay

Jaamac Xasan Salaad, wasiirkii arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Galmudug ayaa kasoo horjeestay xil ka qaadistii uu ku sameeyay madaxweynaha maamulka Galmudug.

Jawaahir Axmed Cilmi oo noqotay haweeneydii labaad oo ku guuleysatay Aqalka sare

 Jawaahir Axmed Cilmi ayaa ku guuleystay doorashada kursiga Aqalka sare ee Galmudug, kaddib markii ay ka adkaatay Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud oo xilkan aad loogu saadaalinayay.

C/waaxid Cilmi Goonjeex oo ku guuleystay kursigii 7aad ee xubnaha Aqalka sare ee Galmudug

Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore ee Soomaaliya C/waaxid Cilmi Goonjeex ayaa ku guuleystay Kursiga 7aad ee xubnaha Aqalka sare u matalaya maamulka Galmudug.

Cabdi Axmed Dhuxulow Abshir Bukhaari iyo Cabdi Qeebdiid oo ka mid noqday Aqalka sare

Xarunta Baarlamaanka Maamulka Galmudug ee magaalada Cadaado ayaa waxaa ka socota doorashada xubnaha u taagan qabashada xilka  Aqalka Sare ee dalka, waxaana la filayaa in xildhibaanada ay doortaan 8-ruux oo Aqalka sare u matali doonto Maamulka Galmudug.

Iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Cadaado

Wararka ka imaanaya degmada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug ayaa sheegaya saddex ruux ay ku geeriyootay, shan kalena ku dhaawacmeen dagaal u dhaxeeyay labo ciidan.

Baarlamaanka Galmudug oo wax ka bedelay qodob dastuuri oo u ogolaanaya xil ka qaadista Madaxweynaha

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo shalay shir ku yeeshay degmada Cadaado oo ah xaruntooda KMG ayaa wax ka bedel ku sameeyay qodob ka mid ah dastuurka maamulkaas, kaasoo ku saabsan xil ka qaadista Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed iyo Guddoonka Baarlamaanka.

Deg Deg:- Axmed Madoobe oo Galmudug lagu soo dhaweeyay

Madaxweynaha Maamulm Goboleedka Soomaaliyeed Ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa goor dhaw tagay Magaalada Cadaado oo Xarun KMG ah u ah Maamulka Galmudug.

Dibadbax ka dhan ah Al-shabaab oo ka dhacay magaalada Cadaado (Sawirro)

Dibad baxani oo ahaa mid aad u balaaran ayaa lagu taageerayay Horumarka iyo Guulaha Ciidamada Dowlad Gobaleedka Galmudug ka gaareen dagaalkii dhawaan Al-shabaab uga saareen Deegaanka Camaara.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo gaaray magaalada Cadaado(Sawiro)

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sareeyo gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ay wehliyaan saraakiil kale oo saaka safar dhulka ah uga soo ambabaxay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa magaalada Cadaado ku soo dhaweeyay saraakiisha ciidamada iyo madaxda dawlad goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug oo maanta lagu caleema saarayo Cadaado

Munaasabad lagu caleema saarayo Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa goor dhow lagu wadaa inay ka bilaabato degmada Cadaado oo xarun KMG ah u ah Maamul goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug oo ku dhawaaqay qorshe maamulkiisa uu isugu dhafayo ciidamada

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in maamulkiisa uu wado qorshe la isugu dhafayo Ciidamada ku sugan Gobollada Dhexe, si amniga deegaanada loo xoojiyo.

Wararkii ugu dambeeyay Cadaado iyo 6 Musharax oo isugu soo haray Tartanka Madaxweynaha Galmudug

 Waxaa la soo gaba gabeeyay khudbadaha Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug ay ka hor-jeedinayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, iyadoo lix musharax kaliya ay isugu soo hartay Tartanka Doorashada kadib markii Guddiga doorashada uu shaaciyay inay buuxiyeen shuruudihii loogaga baahnaa.

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug oo maanta Khudbado jeedinaya

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa maanta lagu wadaa inay khudbad ku saabsan waxqabadkooda ka hor-jeediyaan Baarlamaanka Maamulka Galmudug, iyadoo 4-ta bisha lagu wado inay dhacdo doorashada Madaxweynaha.

Halkan ka aqriso liiska mudanayaasha baarlamaanka maamulka Galmudug oo la dhamaystirey

Doorashada madaxweynaha maamulka cusub ee Galmudug oo lagu wado in toddobaadka soo socdo ay ka dhacdo magaalada Cadaado lana doortay guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug ayaa haatan la soo dhamaystirey xubnaha xildhiaannada Baarlamaanka maamulkaas.

Wararkii ugu dambeeyey ee ololaha Musharaxiinta madaxweynaha Galmudug

Magaaladda Cadaado oo uu ka soconayo dhismaha maamulka gobolladda dhexe ayaa waxaa ka socda olole xoog leh oo ay wadaan musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynimo ee dowlad gobolleedka Galmudug.

Cali Gacal Casir oo ku guuleystay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

Cali Gacal Casir ayaa ku guuleystay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, kadib markii wareegii labaad uu ka guuleystay musharaxii kale ee la tartamayay C/llaahi Maalin Gaafow Aasparo.  

DEG DEG: Cali Gacal Casir oo ku guuleystay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

Cali Gacal Casir ayaa ku guuleystay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, kadib markii wareegii labaad uu ka guuleystay musharaxii kale ee la tartamayay C/llaahi Aasparo.  

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo saaka ku sii jeeda degmada Cadaado

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa saaka ku sii jeeda degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo ay ka socoto howlaha maamul u sameynta Gobollada Dhexe ee Soomaaliya.

Liiska Qaar ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Cusub ee Galmudug oo la Shaaciyay (AKHRISO)

Gudigga Farsamadda Maamul u sameynta gobollada dhexe ee Somalia ayaa goor-dhow Shaaciyay 60-xildhibaan oo ka mid ah Golaha Xildhibaannada ee uu maamulkan yeelanayo.

Warar dheeraad ah oo ku saabsan weerar Ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay Magaalada Cadaado

 Warar dheeri ayaa kasoo baxaya weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsady gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo Subaxnimadii hore ee Saakay lagu qaaday xarunta ay degan yihiin ergada ka qeyb-qaadaneysa shirweynaha Cadaado.

Ergooyinka shirka Cadaado oo eedeeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Guddiga farsamada

Qaar ka mid ah Ergooyinka shirka ka socda degmada Cadaado ayaa ku eedeeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Farsamada inay marin habaabin ku hayaan shirka Maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud.

Odayaal ku shiray magaalada Cadaado oo eedeeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Xubno ka tirsan odayaasha dhaqanka ee ku xareysan xarunta Kafaalo ee degmada Cadaado, kana mid ah odayaasha beelaha gobollada Mudug iyo Galguduud ayaa waxa ay ku eedeeyeen wasaaardda arrimaha gudaha iyo federaalka inay fara gelin qaawan ku heyso habka wax qeybsiga beelaha gaar ahaan iyadoo wasaaraddu si aan sharci aheyn u bedeshay xubno odayaal ah oo horay u xareysnaa.

Maxuu Salka ku hayaa Khilaafka Shirka Maamul u sameynta Gobolada Dhexe?”Warbixin”

Maalmahaan Magaalada Cadaado oo laga furay shirka Maamul u samaynta Gobolada dhexe waxay marti gelineysey shirar kala Gooni gooni ah oo Khilaaf wata kuwaas oo qaar lagu taageerayo qaabka wax u socdaan kuwana looga soo horjeedo waxaana muuqata in talaabadii koowaad ee shirka lagu kala boodey inkastoo Khilaafka iyo wax kala jiidashu Caado ka noqotey Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka warbixiyay go’aano ka soo baxay shir wadatashi ka socday Cadaado

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo hogaaminayay Wafdi Wasiiro ahaa oo muddooyinkan ku sugnaa magaalada Cadaado ayaa ka warbixiyay go’aano ka soo baxay shirka maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Shirkii Maamul u sameynta Gobollada Dhexe oo goor dhow ka furmay Cadaado

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in shirkii Maamul u sameynta Gobollada Dhexe uu goor dhow ka furmay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Is mari waa ka taagan Furitaanka Shirka Maamul u sameynta G/Dhaxe iyo Reer Cadaado oo Waji cusub lasoo baxay

Waxaa Maanta la filayay in Magaalada Cadaado uu si rasmi ah uga furmo shirka maamulka loogu sameenayo Gobolada Dhaxe ee Dalka Soomaaliya , waxaana Magaaladaasi kasocda kulamo gaar gaar ah uu Madaxweynaha la leeyahay waxgarad iyo Siyaasiyiin.

Madaxweynaha oo la filayo in maanta uu booqasho ku tago degmada Cadaado

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta lagu wadaa inay booqasho ku tagaan degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo ah goobta lagu qaban doono shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe.

Diyaar garowga shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe oo Cadaado ka socota

Wararka ka imaanaya degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in diyaar garowga shirka maamul u sameynta Gobolada Dhexe ay ka socoto degmadaas, iyadoo wafdi ka socda dowladda oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ay ku sugan yihiin.

Dib u dhac ku yimid Shirka Maamul u sameynta Gobolada Dhexe

Iyadoo lagu waday in Maanta oo sabti ah Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb uu ka furmo Shirka Maamul u sameynta Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu dib u dhac ku yimid Qabsoomida Shirkaasi.

Maamulka Ximan iyo Xeeb oo ka soo horjeestay go’aanka Madaxweynaha

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa ka soo horjeestay go’aanka Madaxweynaha uu ku magacaabay in Caasimada Maamulka Gobolada Dhexe ay noqoto Dhuusa Mareeb, iyadoo Maamulku sheegay inuu war cad ka soo saari doonaan.

Maamulka Ximan iyo Xeeb oo ku dhawaaqay in maalinta berri uu Cadaado ka furmayo shirka maamul u sameynta

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa ku dhawaaqay in maalinta berri oo taariikhdu tahay 1-da April uu ka furmayo magaalada Cadaado shirka maamul u sameynta ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Cabdi Qeybdiid “Maalmaha soo socda shirkii maamul u sameynta Cadaado ayuu ka furmayaa”

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ahna musharax Madaxweyne Maamulka Mudug iyo Galgaduud Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa gaaray magaalada Cadaado, isagoo ka dhawaajiyay inuu dhowaan ka furmi doono shirka maamul u sameynta Gobolada Dhexe.

Shirka Maamul u sameynta Gobolada Dhexe oo la sheegay in 25-ka bishan uu ka furmi doono Cadaado

Guddiga Farsamada ee maamul u sameynta Gobolada Dhexe ayaa ku dhawaaqay in 25-ka bishan Maarso uu si rasmi ah shirka u furmi doono, kadib markii uu dib u dhac ku yimid shirka oo lagu waday inuu furmo 1-dii bishan.

Maamulka Ximan iyo Xeeb oo sheegay inay diyaariyeen gogosha shirka Maamulka Gobolada Dhexe

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay inay diyaariyeen gogoshii shirka Maamulka Gobolada Dhexe, kaasoo lagu wado in dhamaadka bishan Janaayo uu si rasmi ah uga furmo magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Daawo Sawiradda:Sida loo soo dhaweeeyay Madaxweynaha Galmudug oo Gaaray Cadaado

Madxweynaha Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud, iyadoo ay la socdaan xubno maamulkiisa ka tirsan.

Amniga dadka reer miyiga ah ee ku dhaqan Ximan iyo Xeeb & Galmudug oo laga dooday

Kullan looga hadlaayay sidii nabad loo dhex dhigi lahaa beelaha maamullada Ximan iyo Xeeb iyo maamulka Galmudug, ayaa lagu qabtay magaalada Cadaado ee xarrunta maamulka Ximan iyo Xeeb.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS