Tag: Cabdirashiid

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo ka hadlay muranka Kenya gelisay Badda Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo maanta gaaray magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland ayaa markii u horeysay ka hadlay arrinta Badda Soomaaliya ee eeda ugu badan isaga loogu jeedinayo kaddib is fahamkii dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya kala saxiixdeen sanadkii 2009-kii, xilligaasoo Xukuumaddii uu hoggaaminayay heshiiskaas saxiixday.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo cambaareeyay Toogashadii Orlando

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aad uga xuntahay toogashadii dadka faraha badan ku dhinteen ee ka dhacday goob lagu caweeyo ee ku taal magaalada Orlando  ee Gobolka Florida.

Ra’iisul Wasaare Sharma’arke oo rajo ka muujiyay in dib loo furo shirkadaha xawaaladaha dalka Kenya

Ra’iisul Wasaaraha dowlada Federalka Soomaaliya Cumar Cabdrashid Cali ayaa kala hadlay madaxda dowlada Kenya sidii dib loogu furi lahaa shirkadaha xawaaladaha ay ka xirtey dalkeeda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay Muqdisho, kana hadlay weerarkii Hotel Central

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke, ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay, isagoona ka hadlay weerarkii Argagixiso ee shalay kooxaha Nabad diidku ay ku qaadeen hotelka Central, wuxuna tacsi u diray ehelkii, Qaraabadii iyo Qoysaskii ay ka baxeen dadkii shalay ku dhintay weererka, isagoo alle uga baryay kuwii ku dhaawacmay inuu caafimaad deg-deg ah siiyo.

Ra’iisul Wasaaraha oo si xushmad leh uga codsaday Xildhibaanada inay ansixiyaan Golaha Wasiirada cusub

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo xalay fiidkii soo magacaabay Gole Wasiiro ka kooban 20-Wasiir ayaa si xushmad leh ga codsaday Xildhibaanada Baarlamaanka inay soo dhoweeyaan Golaha cusub.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo go’aan ku qaadan doona inuu ka tago Wasiiradii muranka dhaliyay

Iyadoo 24-saac ay ka soo wareegatay markii Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid la laabtay Xukuumadii uu soo dhisay 12-kii bishan, isla markaana Baarlamaanka uu u ogolaaday waqtiga cusub ee uu qabsaday inuu ku soo dhisi doono Gole Wasiiro tayo leh ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in Ra’iisul Wasaaruhu damacsan yahay in qaar ka mid ah saaxiibada Madaxweynaha ee u badan Xukuumaddii la diiday ee muranka badan ka dhashay inuusan dib u soo celin doonin.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo sheegay inuu la fariisan doono Xildhibaanada diidan Xukuumaddiisa

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa difaacay go’aanka uu ku soo magacaabay Xukuumaddiisa, isagoo sheegay inuu soo dhisay Xukuumad dheelitiran oo ay ku jiraan xubno kala matalayay dhinacyadii siyaasadda isku hayay.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo la filayo in horaanta sanadka cusub uu soo dhiso Xukuumadiisa

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ku guda jira wada tashiyadii u dambeeyay ee uu ku soo magacaabayo xubnaha Golihiisa Wasiirada cusub, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu dadaal ugu jiro sidii barnaamijka xukuumadiisa u hor-geyn lahaa Baarlamaanka horaanta sanadka cusub.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS