Tag: CARABTA

Imaaraadka Carabta oo dowladda Soomaaliya ka sugeysa inay raalli gelin ka bixiso dhacdadii Garoonka Muqdisho

Imaaraadka Carabta ayaa shuruud ku xirtay dhex dhexaadin laga dhex wado iyaga iyo dowladda Soomaaliya, iyagoo dalbaday in marka hore raalli gelin laga bixiyo dhacdadii bishii April ee sanadkan, xilligaasoo garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu xanibay diyaarad laga lahaa Imaaraadka. 

Imaaraadka Carabta oo alaabtiisa ka raranaya Muqdisho (Markab taagan Dekeda oo lagu daabulayo)

Imaaraadka Carabta ayaa alaabtiisa ka raranaya magaalada Muqdisho, iyadoo Markab taagan Dekeda Muqdisho lagu daabulayo agabyo u badan kunteenaro, gaadiidka caadiga iyo kuwa qafilan ee ciidamada. 

Imaaraadka Carabta oo ka hadlay xiisada siyaasadeed ee kala dhaxeeya Soomaaliya

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta Anwar Maxamed Qarqaash ayaa ka hadlay xiisada siyaasadeed ee kala dhaxeeya Soomaaliya, isagoo soo hadal qaaday in heshiiskii Dekeda Berbera uu ku yimid is faham dhex maray dowladdii hore ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shir looga hadlayay go'aankii Trump ee Quddus

Wasiiru- Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Cabduqaadir Axmed Kheyre  ayaa ka qeybgalay shir Wasiirada arrimaha Dibadda Carbeed ay kaga tashanayeen waxaa ka dhashay go’aankii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku aqoonsaday magaalada Qudus “Jerusalem” in ay tahay caasimadda Israel, kaa oo ka dhacay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Saldhigyadda ay Dowlada Imaaraadka Carabta ku leedahay soomaaliya oo la dalbaday in la xiro

Hay’ad arimaha xaquuqda aadamaha u dooda oo magaceda loosoo gaabiyo Ifrid fadhigeeduna yahay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga ayaa dalbatay in la xiro dhaman saldhigyada dowladda Isku taga Imaaradka Carabta ay ku leedahay Somalia waxaana hay’adu ay tilmaamtay in ay handadayaan amniga iyo xasiloonida gobolka.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS