Tag: Buula

Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo la wareegay deegaano ku dhow dhow Buulo Burde

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay inay la wareegeen deegaano ku dhow dhow degmada Buulo Burde oo la filayo in dhowaan xarun u noqoto Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

WAR DEG DEG AH.Ciidanka Maamulka Jubba iyo AMISOM oo la wareegay deegaanka Buulo-Guduud

Ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM oo saaka howlgalladii ugu horreeyay oo qayb ka ah howlgallada ka socda gobollada dalka ka billlaabay gobollada Jubbooyinka ayaa kula wareegay Buulo-guduud oo 30-km Waqooyi kaga beegan degmada Kismayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Daawo Sawiro:Dadka ku dhaqan Buula Burde oo dhigay Bannaanbax looga horjeedo Al-shabaab .

Degmada Buulo Burte ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dhacay bannaanbixii ugu horreeyay loo looga soo horjeedo Al-shabaab, kasoo ay ka qaybgaleen dadweynaha degmadaas ku nool, saraakiisha ciidamada iyo ardayda wax ka barata dugsiyada.

Al-shabaab oo sheegtay inay go’doomisay Deegaanka Buulo-Mareer

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay inay go’doomiyeen deegaannadii shalay ay kala wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika, iyadoo afhayeen u hadlay uu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa caawinaya ay ku fashilmeen qorshahoodii ahaa inay goobo badan ka qabsadaan Al-shabaab.

War Deg Deg Ah Ciidamada Huwanta oo Daqiiqado yar kahor galay Buula Mareer iyo Dagaal Culus oo Wali socda

Wararka ka imaanaya Deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xiligan uu dagaal culus kasocdo qeybo kamid ah Deegaankaasi gaar ahaan Koontaroolka laga galo Deegaanka Buulo Mareer.

Dibad bax ay dhigayeen Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya iyo dad Shacab ah oo maanta ka dhacay Degmada Buulo Burte

Waxaa maanta Degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan ka dhacay Dibad bax aad u balaaran ay dhigayeen shacabka ku dhaqan Degmadaasi iyo Ciidamo katirsan Milatariga Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Dagaal Culus oo ka dhacay Degmada Buulo Burde iyo Meydad badan oo saakay lagu arkay Degmadaasi

Wararka ka imaanaya Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Xalay Saqdii Dhaxe dagaal culus oo u dhaxeeyay Dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM uu halkaasi ka dhacay.

Saraakiisha AMISOM iyo maamulka Buula Barde oo wada qaatay kulan uu albaabada u xiran yahay

Warka naga soo gaarayo Degmada Buula Barde ee gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in kulan aan caadi aheyn ay wada qaateen Saraakiisha sar sare ee AMISOM iyo Maamulka Buula Barde ee G/Hiiraan.

Faah faahino kaasoo baxaya Weerar Al-Shabaab saakay ku qaadeen Hotel ay ku sugnaayeen Saraakiil AMISOM ah

Faah Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar rag hubeesan oo katirsan Dagaalyahanada Al-Shabaab saakay ku qaadeen Hotel ay dagnaayeen Saraakiil katirsan AMISOM oo kuyaala Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.

Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo tagay degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan

Wafdi ka socda Hey'adaha Qaramada Midoobey ayaa shalay tagay degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo dhowaan lagala wareegay Al-Shabaab, iyadoo degmada ay ka jirto qiimo koror ku yimid maciishada.

Al-Shabaab oo maleeshiyaad looga dilay xalay Duleedka Dagmada Buulo-burte

Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay iska caabbiyeen weerar ay maleeshiyada Al-Shabaab xalay ku soo qaadday saldhig ay ciidamada ku leeyihiin galbeedka degmadaas.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS