Tag: Baydhabo

Shariif Xasan “Dad ayaa ku fikiraya in la baabi’iyo Federaalismka iyo in maamulada….”

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in Soomaaliya ay qaadatay Federaal, isagoo ka digay in inay jiraan shaqsiyaad ku howlan in la baabi’iyo maamulada Federaalka.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo gaaray magaalada Baydhabo

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo booqday Baydhabo

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa booqday magaalada Baydhabo xarunta gobolka Bay isagoo booqday xerooyin barakacayaal iyo isbitaalka magaalada Baydhabo.

Dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab oo ka socda duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab uu ka socdo deegaanka Goof-gaduud.

Jawaari oo ku guuleystay Kursiga Xildhibaanimada Aqalka hoose

Guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa ku guuleystay doorashadii aqalka hoose, isagoo helay codod dhan 45 cod, halka Musharaxii kale ee la tartmayay uu helay C/raxmaan Sheekh Ibraahim uu helay 5 cod.

Xiisad colaadeed oo ka taagan duleedka magaalada Baydhabo

uluf  colaadeed  oo ay wadaan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa midowga Africa ee AMISOM ayaa ka taagan duleedka magaalada Baydhabo ee goboka Baay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo soo xiray kulankii wada tashiga ee ka socday Baydhabo

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa maanta soo xiray shirkii Wada tashiga ee dajinta sharciga geeddi socodka, dib u heshiisiinta iyo dhisida dowladaha Hoose, kaasoo maalmahan ka socday magaalada Baydhabo.

Hoobiyaal xalay lagu garaacay xaafado kamid ah magaalada Baydhabo (Sawiro)

Ugu yaraan 14 ruux ayaa ku geeriyotay labaatan kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib marki weerar hoobiyaal ah lagu qaaday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Shirkii ugu dambeeyay ee Madasha Wada-tashiga Qaran oo maanta ka furmaya Baydhabo

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Baydhabo uu ka furmo shirka Madasha Wada-tashiga qaran ee Hoggaamiyeyaasha dowladda, iyadoo shirkan uu noqonayo kii ugu dambeeyay ee looga arrinsanayo hanaanka doorashooyinka Soomaaliya ee sanadkan 2016 dhici doona.

Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay iyo diyaar garow loogu jiro Shirka Madasha

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo magaalada laga dareemayo qaban qaabada shirka Madasha Wada-tashiga qaran oo lagu wado in maalinta arbacada ah uu furmo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, halkaasoo 20-ka bishan uu ka furmi doono shirka Madasha Wada-tashiga qaran.

Howl gallo laga sameeyay Baydhabo oo rag lala xiriirinayo Al-Shabaab lagu qabtay

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in howl gallo xalay ciidamada ammaanka ee Koofur Galbeed ka sameeyeen xaafadaha magaaladaas lagu qab qabtay dad fara badan oo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Xoogag cusub oo tababar loogu soo xiray Baydhabo

Ugu yaraan laba boqol oo askari, ayaa waxaa tababar loogu soo xiray Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay, waxayna ka qayb qaadan doonaan nabadgelyada Deegaanada Koonfur Galbeed.

Ergeyga Midowga Afrika ee Somalia oo booqashadii ugu horeysay ku tagay Baydhabo (Sawirro)

Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Francisco Madiera ayaa shalay booqashadiisa ugu horeysay ku tagay magaalada Baydhabo, tan iyo markii xilka loo magacaabay.

SAWIRRO: Ugu yaraan 30 Ruux oo ku Dhintay Qaraxyadii shalay ka dhacay Degmada Baydhabo

Ugu yaraan 30 qof ayaa lagu dilay  labo bambaano waxaana sheegtay Alshabaab gaar ahaan hoteel aad u mashquul badan oo laga cunteeyo degmada Baydhabo, sida uu wakaalada wararka ee AFP u sheegay barasaabka gobolka Baay maanta.

Tirada Dhimashada ee Qaraxyadii Baydhabo oo Korortay

Tirada dhimshada ee qaraxyadii ka dhacay Baydhabo ayaa korortay oo waxay sare u dhaafeysaa iminka 30 kadib markii dad dhaawacyo halis ah ay soo gaareen ay mar dambe u dhinteen.

Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed oo maanta ka dhaceysa Baydhabo

Baarlamaanka Koofur Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta dooranaya Guddoomiye iyo labadiisa kuxigeen, iyadoo qaban qaabada ku aadan doorashada si weyn looga dareemayo magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo kula yeeshay Baydhabo mas’uuliyiinta Maamulka Koofur Galbeed (Sawiro)

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah oo ay wehliyaan xubno katirsan golayaasha dowlada ayaa maanta siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay halkasoo uu booqasho ku tagey 

Qarax iyo Is rasaaseyn ka dhacday Baydhabo oo geystey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in qarax bambaano iyo rasaas ay ku geeriyoodeen 5 ruux halka ay dad ku dhow tobax ruuxna ku dhaawacmeen.

Howl gallo ballaaran oo saaka ka bilowday magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay

Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay inuu howl gallo amniga lagu xaqiijinayo uu ka bilowday magaalada Baydhabo, ayna qaadi doonaan duulaan ka dhan ah deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab ee gobolada Bay iyo Bakool.

Kooxo hubeysan oo xalay ku dilay magaalada Baydhabo Wariye iyo Xaaskiisa

Kooxo Hubeysan ayaa xalay ku dilay magaalada Baydhabo Wariye iyo xaaskiisa, kadib markii ay u dhaceen Guri ay ka degenaayeen xaafada Bardaale.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan oo u magacaabay Madoobe Nuunow Wasiirka Xanaanada Xoolaha

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhameystiray xubnaha Wasiirada ee Maamulkiisa, kaasoo ka koobnaan doono ilaa 64 Wasiir, isagoo xusay in maamulkiisa uu la fariisanayo cid kasta oo wax ka tabaneysa.

Wadaad caan ahaa oo xalay lagu dilay magaalada Baydhabo

Kooxo hubeysan ayaa xalay magaalada Baydhabo ku dilay wadaad caan ahaa oo lagu magacaabayay Shariif Siidkey, kaasoo Gudoomiye u ahaa Dallad ay ku mideysnaayeen Culimada magaalada Baydhabo.

Shariif Xasan oo magacaabay xubnaha Golaha wasiirada Maamulkiisa

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta ku dhawaaqay 20 Wasiir, kuwaasoo ay ku jiraan Shakhsiyaad caan ah.

Xil. Shariif Xasan oo loo Doortay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed

Xildhibaan Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa maanta loo doortay madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed ee saddexda gobol, kaddib markii ay u tanaasuleen afar murashax oo xilkan kula tarmayay, taasoo keentay in Shariif Xasan uu codadka inta badan xubnihii kulanka kasoo qaybgalay helo.

Banaan bax looga soo horjeedo doorashada Maamulka Koofur Galbeed oo ka socda Baydhabo

Banaan bax ballaaran oo looga soo horjeedo shirka maanta lagu dooranayo Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ayaa ka socda qeybo ka mid ah magaalada Baydhabo, iyadoo dadweyne fara badan isugu soo baxeen wadooyinka.

Doorashada Madaxweynaha ee Maamulka Koofur Galbeed oo saakay Baydhabo ka dhaceysa

Doorashada Madaxtinimada Maamulka Koofur galbeed ayaa saaka lagu wadaa inay ka dhacdo magaalada Baydhabo, iyadoo ilaa shan musharax oo uu ugu cad cad yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan ay ku tartamayaan doorashada.

Ergada shirka Maamul u sameynta Koofur Galbeed oo maanta ansixinaya Dastuurka

Ergada u fadhisa shirka Maamul u sameynta Koofur galbeed ee saddexda Gobol ayaa maanta lagu wadaa inay u fariistaan ansixinta dastuurka lagu dhaqi doono maamulkaas, iyadoo Gudiga farsamada uu ku adkeysanayo inuu shirka soo soconayo.

Shirka lagu dhisayo Maamulka Koofur Galbeed oo khilaaf hareeyay, Beelo Shirka ka baxay, & Qaabka loo qeybsaday Ergooyinka?

Shirka Maamulka loogu dhisayo 3-da Gobol ee Koofur Galbeed oo maalmahaan ka soconayey Magaalada Baydhabo ayaa qarka u saran inuu gebi ahaan burburo kadib markuu hareeyay khilaaf ba’an oo ka yimid qeybsiga ergooyinka iyo guud ahaan qaabka shirka u soconayo, hogaamintii shirka waxaa la wareegay guddi wasiiro ah oo DF u magacawday shirka , Guddigaas oo kala ah Wasiirka Isboortiga Khaalid oo kasoo jeeda beesha Digil/Bagadi, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Cabdalla oo kasoo jeeda Biimaal iyo Wasiir ku xigeenka Amniga Ibrahin Yarow oo kasoo jeeda Beelaha Mirifle.

M/weynaha Soomaaliya oo Furay Shirka Baydhabo

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta Baydhabo ka furay Shir soconaya mudo Asbuuc ah  islamarkaana lagu soo dooranayo Hogaanka Maamulka Saddexda Gobol ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Maamulka Lixda Gobol oo sheegay inuu fashil ku dhamaaday wada xaajoodyadii uu waday Jawaari

Maamulka Lixda Gobol ee Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay inuu fashil ku dhamaaday wada xaajoodyadii uu ka waday magaalada Baydhabo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Wafdi ka socda Britain oo Baydhabo kula kulmay Maamullada Iska soo horjeeda

Wafdiga ka socda dowladda Ingriiska ayaa maanta si kala gooni-gooni ah ula kulmay Baydhabo maamullada iska soo horjeeda ee saddexd iyo lixda, waxayna u soo jeediyeen in la dhameeyo Khilaafka u dhexeeya.

Taliyaha Qaybta Gobolka Bay oo diiday xil ay Odayaasha dhaqanku u magacaabeen

Taliyaha booliiska gobolka Bay, Col. Mahad C/raxmaan Jaamac ayaa diiday magacaabiddii golahii guurtada ee Bay ay u magacaabeen inuu noqdo sii-hayaha xilka maamulka gobalka Bay, kaddib markii xilkii laga qaaday gudoomiyihii gobolka, Cabdi Aadan Hoosoow iyo kii degmada Baydhabo Xasan Macallin Biikole.

Qaar ka mid ah Dhaawacyadii Qaraxii Baydhabo oo shalay la keenay Muqdisho (Sawirro)

Qaar ka mid ah dhaawacyadii qaraxii ismiidaaminta ee Daraad ka dhacay magaalada Baydhbao ayaa maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan cadde, kadib markii lagu soo qaaday diyaarad Helicopter ah.

Daawo sawiradda:Madaxweyne Xasan Sheekh “Maanta fursad ayeynu heysanaa waa inaad isku dulqaadataan oo aad meel wada fariisataan si mar walba midnimadda loo ilaaliyo “

Muqdisho,01,Abriil,2014-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtay maanta Muqdisho ka dib booqsho labo habeen qaadatay ee uu ku joogay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

Hogaamiyaha maamulka 3-da gobol oo lagu doortay magaalada Baydhabo

Doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay bilaabatana xalay ilaa saakana soo gaartay ayaa waxa lagu doortay Hogaamiyaha Maamulka Seddexda gobol ee Bay,Bakool iyo Shabellaha Hoose waxaana ku guuleystay doorashadaasi Maxamed Nuur Xaaji Cabdi Nuur.

Dibad baxayaasha Baydhabo oo isku dayaya inay go'doomiyaan hoyga uu degan yahay Shariif Xasan

Waxaa maalintii afaraad ka socda magaalada Baydhabo dibad baxyo k dhan ah Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku howlan dhisida maamulka saddexda gobol, kaasoo la filayo in dhowaan lagu dhawaaqo.

Xiisadaha siyaasadeed ee ka jira Baydhabo oo xoogeystay, Goobaha ganacsiga iyo iskuulada oo saakay xiran

Iyadoo xiisado siyaasadeed ka jiraan magaalada Baydhabo ayaa waxaa maalintii 3aad xiran goobihii ganacsiga iyo waxbarashada, gaar ahaan iskuulada oo aanay ardayda u kalihin, waxaana jirta cabsi laga qabo isku dhacyo ka dhaca magaalada.

Madoobe Nuuunow oo loo doortay madaxweynaha maamulka koofur galbeed ee Soomaaliya.

Madoobe Nuunow Maxamed ayaa wuxuu maanta ku guuleystay tartanka madaxtinimada ee maamulka koonfur galbeed, oo maanta ka qabsoomay magaalada Baydhabo.

Wafdi Dowlada Soomaaliya ka socda oo gaaray Baydhabo

Wafdi Wasiiro ah oo ka socda Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, iyadoo wasiiradan ay ka soo jeedaa Gobolada uu qorshuhu yahay in maamulo loo sameeyo.

Ciidamada Itoobiya ee ka mid noqday AMISOM oo maanta la wareegay ammaanka magaalada Baydhabo

Ciidamada Itoobiya ee ka mid noqday howl galka AMISOM ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay ammaanka magaalada Baydhabo oo ay kol hore ku wareejiyeen Ciidamada AMISOM ee ka kala socday Uganda iyo Brundi.

Shariif Xasan "Dadka ku nool Baay iyo Bakool waa inay ka tashadaan inay Maamul sameystaan"

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa ugu baaqay dadka ku nool Bay iyo Bakool inay sameystaan maamul goboleed.

Adan Madoobe “Maamulka Jubba in la dhiso dawlada waa lagu qasbay”+DHAGEYSO

Iyadoo dhawaan xubno cusub lagu soo kordhiyey maamulka KMG JUBBA ayaa waxa hadana soo baxaya dad dhaliilsan qaabkii loo soo dhisay maamulkaasi.
Halkaan ka dhageyso

Ra'iisul Wasaare Saacid iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Baydhabo

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, iyadoo socdaalkiisa ay qeyb ka tahay booqasho uu horay ugu tagay qaar ka mid ah gobolada dalka.

Ciidamo ammaanka la suga Booliska oo Baydhabo loo sameeyay

Ciidammo madaniga oo la shaqeeya kuwa booliiska ayaa loo sameeyay xaafadaha magaalada Baydhabo, kuwaasoo la wareegay sugidda ammaanka degmada Baydhabo oo bilihii ugu dambeeyay ahayd mid kacsan.

Guddoomiyihii maxkamadda Baydhabo oo la dilay

Rag baastoolado ku hubeysan, ayaa duhurkii maanta ku dilay gudaha magaalada Baydhabo ALLAHA u raxmadee guddoomiyihii maxkamadda magaalada Baydhabo Sakariya Aaadan, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Baay.

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo safarkiisii ugu horeeyay ku tagay Baydhabo

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta safarkiisii ugu horeeyay ee uu Muqdisho uga baxo ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay, tan iyo markii la doortey bishii hore 10-keeda.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS