Tag: Barlamanka

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo noqon doonta mid go’aamisa cida Madaxweyne noqoneyso (Warbixin)

Iyadoo 11-ka bishan oo ku beegan Maalinta Arbacada lagu wado inay dhacdo doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa loolan adag loo geli doona cida ku guuleysan doonta xilkaas, waxaana doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo ah mid xiiso leh lala meel dhigayaa mida Madaxweynaha.

Akhriso: Magacyada 22 xildhibaan oo isu soo sharaxday Doorashada Guddoonka Baarlamaanka

Guddiga qabanqaabada doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay magacyada musharaxiinta doorashada guddoonka Baarlamaanka oo ay ansixiyeen araajidooda.

Sawirro: Qaban qaabada Furitaanka Kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka cusub iyo dhaarinta Xildhibaanada

Waxaa ka socota magaalada Muqdisho qaban qaabadii u dambeysay ee ku aadan furitaanka kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka Federaalka ah ee  Soomaaliya iyo dhaarinta Xildhibaanada cusub, iyadoo shalay ay baaqatay dhaarintii Xildhibaanada.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta mar kale ka doodaya hanaanka doorashada 2016

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah mar kale ka doodi doona sharciga lagu fulinayo doorashada dadban ee qorshuhu yahay in bisha Agosto ee sanadkan uu ka dhaco dalka.

Kulankii Baarlamaanka ee su’aalaha lagu weydiin lahaa Ra’iisul Wasaaraha oo baaqday

 Waxaa maanta dib u dhac ku yimid kulan Baarlamaanka su’aalo ku weydiin lahaa Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, kadib markii Sabtidii la soo dhaafay uu Baarlamaanka hor-geeyay hanaanka doorashooyinka Soomaaliya.

Guddoonka Baarlamaanka oo war murtiyeed ka soo saaraya natiijadii kulamadii Amniga

Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalinta berri oo Sabti ah lagu wadaa inuu War murtiyeed ka soo saaro kulamadii Amniga looga hadlayay, kaasoo labadii maalmood ee la soo dhaafay su’aalo lagu weydiinayay Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabadsugida.

Kulankii Baarlamaanka oo lagu kala dareeray, markii Wasiirka Amniga iyo Taliyeyaashiisa ay baaqdeen

Kulankii Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka maanta isugu yimid Xarunta Golaha Shacabka ayaa lagu kala dareeray, kadib markii Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabadsugida oo lagu waday inay hor-yimaadaan Baarlamaanka ay baaqdeen.

Baarlamaanka oo Warbixin ka dhageysanaya maanta Guddigi loo diray Xadka Soomaaliya iyo kenya

Maanta oo isniin ah 23-ka Bisha Koow iyo Tobnaad ayaa Baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu yeelan doonaa Kulan,waxaana Ajandahu yahay Labo Ajande oo kala ah U codeynta Hindise Sharciyeedka Maalgashiga iyo Warbixin laga dhageysanayo Guddigii Xaqiiqo raadinta ee loo diray muranka ka taagan Xadka Soomaaliya iyo Kenya.

DEG DEG: Wasiirka Arrimaha Gudaha Odawaa oo loo dhaariyay Xubinimada Baarlamaanka

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa goor dhow loo dhaariyay Xubinimada Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo bedelay Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon oo 1-dii bishan ku geeriyooday weerarkii Hotel Saxafi.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta guda galaya akhrinta labaad ee sharciga Saxaafadda

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta guda galaya akhrinta labaad ee sharciga Saxaafada, kaasoo ay horay ugu soo gudbisay Golaha Wasiirada, markii ay soo meel mariyeen.

Sawirro: Guddiga Difaaca Baarlamaanka oo su’aallo ka weydiiyay Taliska AMISOM tacadiyadii ay geysteen

Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan su’aallo lagu weydiinayay Taliska AMISOM kula yeeshay Xarunta Villa Hargeysa, iyadoo Guddigu u yeeray Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maman Sidikou, Kuxigeenkiisa iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM Jeneraal Jonathan Ronu, kuxigeenkiisa iyo saraakiil kale.

Fowziyo Yuusuf “Si aan dalka dhowr sano dib ugu dhicin waa in Baarlamaanka muddo yar la siiyaa oo waqtiga loo kordhiyaa”

Xildhibaanad Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqday in muddo kordhin loo sameeyo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.  Xildhibaanad Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqday in muddo kordhin loo sameeyo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka. 

Xildhibaanada Baarlamaanka oo cod qarsoodi u qaadaya meel marinta Guddiyada Xuduudaha iyo doorashooyinka

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa xilligan waxay cod qarsoodi ah ugu codeynayaan Guddiyada xuduudaha iyo doorashooyinka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, kaasoo horay loogu gudbiyay Baarlamaanka.

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta cod u qaadaya Mooshinka ka dhanka ah Baarlamaanka

 Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inuu cod u qaado mooshinka ka dhanka ah dhismaha Baarlamaanka Jubbaland, kadib markii Xildhibaanada Baarlamaanka ay todobaadkii hore soo gaba gabeeyeen dooda ku saabsan mooshinkaas.

Kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta furmaya iyo Amniga oo la adkeeyay

Kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u furmi doona, iyadoo qeybo badan oo ka mid ah magaalada amnigeeda si aad ah loo adkeeyay, gaar ahaan wadooyinka oo ciidamo kala duwan la dhigay.

Gudoonka Baarlamaanka oo sheegay in Maalinta sabtida la horkeenayo Xukuumada cusub

Gudoonka Baarlamaanka ayaa shaaca ka qaaday in horaanta todobaadka soo socda la horkeeni doono Xukuumada cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, si codka kalsoonida loogu qaado.

Daawo Sawirada Kulankii Baarlamaanka oo lasoo xiray iyo Xildhibaanada oo loo qeybiyay Mooshinka

Waxaa Goordhaw lasoo xiray Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya ku lahaayeen Magaalada Muqdisho kaa oo ajandaha ugu muhiimsan ee kulanka uu ahaa in Xildhibaanada Baarlamaanka loogu qeybiyo Mooshinka ka dhanka ah Xukuumada Soomaaliya iyo Miisaaniyada Dowlada ee sanada 2015-ka.

DaawoSariradda:Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya oo ka furmi waaya Xildhibaanno Heesaya

Kulankii baarlamaanka Somalia ee maanta ayaa mar kale furmi waayay, kaddib markii xildhibaannada mooshinka kasoo horjeeda ay billaabeen inay heesaan markii la doonayay in kulanka la furo.

Taliyihii Ciidanka Nabad Sugida oo Maanta kamid noqonaya Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia

Warar lagu kalsoonaan karo ay heleyso Shabakada Allbanaadir.com ayaa sheegaya in maanta lagu wado in Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho lagu dhaariyo Taliyihii hore ee Ciidanka Nabad Sugida Jen Bashiir Maxamed Jaamac(Bashiir Goobe).
Valid XHTML 1.0 Valid CSS