Tag: Barlamaanka

Doodii Xildhibaanada ee Kiiska Qalbi Dhagax oo soo dhamaatay iyo Guddi loo saaray

Doodii Xildhibaanada Golaha shacabka ay ka lahaayeen qaraarkii Xukuumadda ka qaadatay dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax ayaa goor dhow soo dhamaatay, iyadoo Guddoonka Baarlamaanka uu ku dhawaaqay in arrintan loo saaray Guddi.

Baarlamaanka oo diiday go’aankii Maxkamadda sare ee dib ugu laabashada 8-da Kursi

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta diiday go’aankii ka soo baxay Maxkamadda sare ee dalka ee ahaa in dib loogu noqdo doorashada 8-dii kursi ee muranka ka taagnaa.

Dood ka taagan Miisaaniyadda iyo Lacago aan isla ekeyn oo u qoran maamul goboleedyada (Akhriso)

Muran iyo dood ayaa ka dhashay miisaaniyadda dowladda ee sanadkan 2017, iyadoo arbacadii la soo dhaafay la hor-geeyay Baarlamaanka miisaaniyada lixda bilood ee soo socota, kaddib markii ay dhamaatay miisaaniyad KMG aheyd ee dowladda Soomaaliya ku shaqeyneysay lixdii bil ee la soo dhaafay.

Guddoonka Baarlamaanka oo casho sharaf u sameeyay Xildhibaanada labada Aqal

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay casho sharaf u sameeyay Xildhibaanada labada Aqal, waxaana munaasabada casha sharafta goob joog ka ahaa Guddoomiye Jawaari iyo Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Muudey. 

Guddiga dib u eegista hanaanka doorasho oo sheegay in wax laga bedelay qodobada qaar

Guddiga Baarlamaanka u saaray dib u eegista iyo turxaan bixinta heshiiskii Madasha Wadatashiga qaran ee doorashooyinka sanakdna ayaa sheegay in wixii khaladaad ee ku jiray heshiisaas laga saaray.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu xiray Somaliland

Maamulka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabtay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo dhowaan si qarsoodi ah ku galay magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ansixiyay Miisaaniyad sanadeedka 2015 oo ka badan sanadkii hore

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay miisaaniyad sanadkeedka 2015, kaasoo labadii maalmood ee u dambeeyay ay ka doodayeen, iyadoo wax ka bedel lagu sameeyay Miisaaniyada sanadka 2015.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, kadib markii uu maanta hortagay Baarlamaanka.

Gudoonka Baarlamaanka oo shaaciyay xilliga uu dib u furmayo kulamadii Baarlamaanka iyo dooda mooshinka

Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo goor dhow go’aan ka soo baxay ayaa lagu faah faahiyay wada hadalo iyo wada tashiyo ku saabsanaa sidii xal looga gaari lahaa nidaamo daro iyo xasilooni daro soo wajahday Kulamadii Baarlamaanka.

Kulanka Baarlamaanka oo maalinta berri lagu wado inuu dib u furmo iyo mooshinka oo mar kale la keenayo

Iyadoo uu socday kulamo xal loogu raadinayay kala aragti duwanaanshaha Xildhibaanada Baarlamaanka iyo nidaam darada soo wajahday kulamadii baarlamaanka, kadib markii saddexdii kulan ee u dambeeyay uu hareeyay buuq iyo fowdo ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta berri mar kale uu dib u furmo kulankii Baarlamaanka.

Xildhibaanno ka digay in baarlamanka la keeno Mooshinka ka dhanka ah RW

Xildhibaannada kasoo horjeeda mooshinka laga RW Somalia, C/weli Sheekh Axmed laga keenay ayaa ka digay in baarlamaanka la horkeeno mooshinka ka dhanka ah RW Somalia, kaasoo ay ku tilmaameen mid aan xalaal ahayn.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta loo qeybinayo mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul Wasaaraha

Xildhibaanada Baarlamaaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku leh Xarunta Golaha Shacabka, kadib markii Talaadadii la soo dhaafay uu kulanka u hakaday buuq iyo sawaxan dhex maray Mudanayaasha.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si rasmi ah u furay kalfadhiga shanaad ee baarlamaanka “SAWIRRO”

Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka oo ka dhacday xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Guddoonka Baarlamaanka, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Ku-simaha Ra’isulwasaaraha, Wasiirro, Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo marti sharaf kale, waxaana munaasabadda bilowgeeda suugaan wadani ah kusoo bandhigay fanaaniinta Hobollada Qaranka ee Waaberi.

Baarlamaanka oo Puntland iyo dowladda Somalia ugu baaqay inay heshiiyaan

Guddoonka baarlamaanka ayaa soo dhaweeyay doorka xildhibaannada golaha baarlamaanka Soomaaliya ee Puntland kasoo jeeda ay ku dhex-dhexaadinayaan dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Xildhibaano ka walaacsan amnigooda eedeynna u jeediyay dowladda Somalia

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaarkood waxay walaac xooggan ka muujinaya ammaankooda, iyagoo dowladda ku eedeeyay inay dayacday ammaankood.

Baarlamaanka Oo Loo Qaybiyay Barnaamijka Xukuumadda Cusub”SAWIRRO”

Kulanka baarlamaanka maanta oo ahaa kalfadhigiisa saddexaad fadhigiisa 57aad oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Somaaliya ayuu furitaankii kulanka guddoomiyuhu isagoo ku hadlaya magaca baarlamaanka uu ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Xasan Sheekh Ibraahim oo ka mid ahaa qareennada Soomaaliya oo ku geeriyooday dalka Maraykanka, iyadoo isla kulanka lagu dhaariyay xildhibaan cusub oo lagu magacaabo Dr Maxamed Aadan Waaberi.

Baarlamaanka Soomaaliya dib u celiyay hindise sharciyeed ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dib u celiyay maanta hidise sharciyeed ku saabsan horumarinta bangiga dhexe ee Soomaaliya oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS