Tag: Bardheere

Qaraxyo is xig-xigay oo goor dhow ka dhacay degmada Baardheere

Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in qaraxyo is xig xigay ay goor dhoweyd ka dhaceen magaalada, kaasoo ahaa miinada dhulka hoostiisa lagu aaso.

Al-Shabaab oo shalay gelinkii dambe ku toogtay Baardheere nin ay ku eedeeyeen inuu basaasayay

Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe fagaare ku yaal degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ku toogtay nin ay ku eedeeyeen inuu u basaasayay Ciidamada dowladda Soomaaliya, kadib markii Maxkamad ay ku xukuntay dil.

Al-shabaab oo Howlgal ay dad ku Qabatay ka Sameysay Baardheere

Xarakada Al-shabaab ayaa howlgallo ay ka sameysay degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayay ku qabqabatay in ka badan 100-qof oo qaar ka mid ah lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dab la qabadsiiyay guryo ku yaalla degmadaas.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS