Tag: Baraawe

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Baraawe ee G/Shabeelaha Hoose.

Shariif Xassan Shiikh Aadan iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa Goordhaw Gaaray Magaalada Baraawe ee G/Sh/Hoose.

Guddoomiyaha Baraawe oo ku dhaawacmay qarax lala eegtay, xilli uu xafiiskiisa ku sugnaa

Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Guddoomiyihii degmadaas Xuseen Barre Jeex uu dhaawac fudud ka soo gaaray qarax lala eegtay, isagoo ku sugnaa xafiiskiisa.

Ciidamada Nabadsugida oo Baraawe ka baadigoobaya Sarkaal la socday ninkii Mareykanka ahaa

 Ciidamada Nabadsugida ayaa la sheegay inay ka wadaan degmada Baraawe iyo deegaanada ku dhow dhow howl gal ballaaran oo lagu baadigoobay Sarkaal la sheegay inuu la socday Ninkii Mareykanka ahaa ee dhowaan isu soo dhiibay dowladda Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baraawe iyo Taliyaasha Booliska & Milatariga oo Xabsiga dhexe loo gudbiyay

Warar ayaa  sheegaya in Xabsiga dhexe ee Xamar loo gudbiyay Gudoomiyaha Degmada Baraawe Ee Gobolka Shabellaha Hoose  iyo Taliyaasha Booliska iyo Milatariga Degmadaasi.

Mas’uuliyiin iyo saraakiil lagu eedeeyay inay dhuxul ka dhoofiyeen Baraawe oo xabsiga la dhigay

Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga u taxaabtay mas’uuliyiin, saraakiil ciidan iyo Ganacsato la sheegay inay si sharci daro ah Dekeda Baraawe ugaga dhoofiyeen dhuxul, iyadoo Xeer ilaalinta ay sheegtay inay socdaan baaritaan.

Nin Oday ahaa oo xalay lagu gowracay degmada Baraawe

Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ayaa sheegaya in nin oday ahaa oo ka mid ahaa duqeyda magaalada xalay la gowracay, iyadoo meydkiisa saaka lagu arkay meel ku dhow hoygiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Baraawe iyo Al-Shabaab oo sheegatay inay weerartay diyaaradii siday

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow gaaray magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay, iyadoo socdaalka Madaxweynaha ay qeyb ka tahay kormeero uu ku tagayo deegaanadii u dambeeyay ee laga saaray Shabaab.

Daawo Sawirro laga soo qaaday howl galkii lagu qabtay Baraawe

Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa labo maalmood ka hor la wareegay degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo saldhig muhiim u aheyd Al-Shabaab.

Qaramada Midoobay iyo Mareykanka oo soo dhaweeyay Qabsashadii Baraawe

Qaramada Midoobay iyo Mareykanka ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay qabsashadii degmada Baraawe oo ay muddo lix sannadood ah ka talinaysay Al-shabaab, una ahayd xaruntooda ugu weyn ee gobolka Shabeellada Hoose.

Xaalada Dagmada Baraawe oo dagan ka dib Dagaal saakay ka dhacay

Wararka ka imaanaya Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saakay dagala culus uu ka dhacay Duleedka Magaalada iyo xaafado katirsan gudaha Magaladaasi oo ay shalay la wareegeen Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM.

Fafaahin ku adan Xaalada Dagmada Baraawe

Wararka ka imanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay gudaha u galeen saaka degmada Baraawe oo ka mid ah degmooyinkii ay ku xooganaayeen ururka Alshabaab.

War Deg Deg ah:Ciidanka Dowlada Soomaaliya oo Gudaha u galay Dagmada Baraawe.

Wararka ka imanaayoMagaalada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay ku waramayaan in ay Gudaha u Galeen Ciidamada Dagmadaasi.

Faa,faahin ku aadan Qabsashada Dagmada Baraawe ee G/Shabellaha Hoose.

Wararka ka imaanayo Magaalada Maraawe ee Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheeGAYAAN IN AY GAREEN Ciidamada ka mid ah kuwa dowlada Soomaaliya iyo Amisom oo qeeb ka ah Dagalka ka dhanka ah Shabaab

Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo u dhaqaaqay Qabsashada Magalaada Muhiimka ah ee Baraawe

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Gobolkaasi uu ka jiro dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan , waxaana lasoo warinayaa in Cutubyo katirsan Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ay u dhaqaaqeen Dhinaca Degmada Baraawe.

Dhallinyaro lagu eedeeyay inay Jaajuusiin ahaayeen oo lagu Toogtay Baraawe

Al-shabaab ayaa degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada dhexe ku toogtay afar dhallinyaro ah gellinkii dambe ee shalay oo Isniin ahayd, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ahaayeen jawaasiis la shaqeeya dowladda Soomaaliya.

C/Qaadir Siidii oo sheegay in Saacadaha soo aadan uu Shir Jaraa’id ku qaban doono Magaalada Baraawe

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ugu Magacaaban Dowlada Federaalka Soomaaliya C/Qaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa sheegay in saacadaha soo aadan ay ku wajahan yihiin Magaalada Baraawe oo hada ah xarunta ugu weyn ee Al-Shabaab gacanta ku hayaan.

Daawo Sawirada Banaan bixii degmada Baraawe oo lagu gubay Calamada Mareykanka iyo Israa'iil

Banaan bax ballaara oo shalay ka dhacay degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa looga soo horjeeday ku biiritaankii Ciidamada Itoobiya ee howl galka AMISOM, iyadoo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ay khudbado ka jeediyeen.

Ciidamo ajnebi ah oo weeraray saakay Dagmada Baraawe iyo shabaab oo ka hadashay

Warar kala duwan ayaa waxa ay ka soo baxayaan Weerar ay geysteen ciidamo ajnebi ah oo aan ilaa iyo hadda haybtooda la aqoonsan, ayaa goor hore oo saaka ah ka dhacay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS