Tag: Baladweyne

Dagaal goor dhaw ka qarxay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne

Rasaas xoog leh ayaa goor dhaw laga maqlay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweye, kaddib markii ciidamada dowladda weerar ku qaadeen saldhig xaafadda ay ku lahaayeen maleeshiyaad ka tirsan maamul la baxay Westland.

Faah Faahin: Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Qarax Lagula Eegtay B/weyne

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax gelinkii hore ee maanta ciidamo ka tirsan Itoobiya lagula eegtay duleedka magaalada Baladweyne.

Askar ka tirsan ciidammada dowladda oo goor dhaw lagu dillay Beledweyne

Rag hubeysan ayaa caawa magaalada Beledweyne ku toogtay labo askari oo ka tirsanaa ciidammada dowladda federaalka.

Yuusuf Dabageed “Xil ka qaadista la igu sameeyay waxaa is leeyahay armey deg deg ku jirtay”

Yuusuf Axmed Xagar (Dabageed) ayaa ka hadlay xil ka qaadistii uu shalay ku sameeyay Madaxweynaha Hirshabeelle, isagoo sheegay in aan lagu soo wargelin, isla markaana uu ka maqlay warbaahinta.

Baaritaano Ciidamada dowlada ka sameeyeen Beledweyne, kadib qarixii shalay

Ciidamada dowlada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM iyo ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa saaka baaritaano ka wada xaafadaha magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Magaalada Beledweyn oo ka socda dhismaha Maamul la magac baxay Hiiraan State

Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inuu meel wanaagsan marayo qorshe lagu dhisayo maamul la magac baxay Hiiraan State, kaasoo ka madax banaan maamulka uu dhismihiisa ka socdo magaalada Jowhar.

Madaafiic lagu weeraray Saldhig Ciidamada Jabuuti ku leeyihiin duleedka Beledweyn

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyn ayaa sheegaya in xalay laga maqlay madaafiic hoobiyeyaal ah oo ku soo dhacay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada.

Ugaas Xasan “Meel aan Hiiraan aheyn Xildhibaanada lagama qori karo”

Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa ka soo hor-jeestay soo jeedintii ka timid qaar ka mid ah duubabka dhaqanka ee ka soo jeeda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee ku saabsanaa in Xildhibaanada labada gobol laga soo xulo magaalada Muqdisho.

SAFIIRKA JABUUTI: Shacabka ku nool degmada Beledweyne Marxalad Adag ayay ku sugan yihiin

Danjiraha Jabuuti u jooga Somalia Dayib Dubad Rooble oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Jabuuti si dhaw ula socto xaalada adag oo ay wajahayaan shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne.

Xabad joojin la kala dhex dhigay maleeshiyadii ku dagaalamay Beledweyn

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyn ayaa sheegaya in xabad joojin la kala dhex dhigay maleeshiyo beeleedyadii maalmahan ku dagaalamayay galbeedka magaalada.

Xaalada magaalada Beledweyn oo saaka degan

Xaalad degenaansho ayaa saaka ka jirta magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan, kadib dagaalo culus oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada, kaasoo dad badan ku dhinteen.

Xukuumadda Soomaaliya oo wafdi u direysa dagaalka Beledweyn

Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in wafdi ballaaran u dirto magaalada Beledweyn, si ay uga qeyb qaataan dadaalada lagu xalinayo colaada faraha ka sii baxeysa ee u dhaxeya labo beelood oo wada dega galbeedka magaalada.

Yuusuf Dabageed “Odayaasha reer Hiiraan intooda badan waxay isku raaceen in Jowhar la tago”

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa sheegay in inta badan odayaasha gobolka Hiiraan ay isku raaceen in la tago magaalada Jowhar, halkaasoo ay taallo gogosha maamul u sameynta labada gobol.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka baaqday safar uu maanta ku tagi lahaa Beledweyn

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta lagu waday inuu safar ku tago magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan ayaa safarkiisa baaqday, sababo aan wali la shaacin, iyadoo labadii maalmood ee u dambeysay la hadal hayay inuu tagi doono Beledweyn, si uu u xoojiyo dadaalada la doonayo in dib loogu ambaqaado shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo hakad ku jira.

Maydka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif oo loo qaaday Deegaanka Halgan (SAWIRRO)

Maydka ALLAHA u Naxariisteen Ugaas C/raxmaan Ugaas Kaliif Ugaas Rooble ayaa subaxnimadii hore ee saakay loo qaaday Daaro-Ugaas oo aan wax badan ka fogeyn deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, halkaa oo ay ku aasan yihiin 17 Ugaas oo uu ugu danbeeyay alle ha u naxariisteen Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

Meydka Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo lagu wado in lagu aaso deegaan ku dhow Halgan

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyn ayaa sheegaya inay ka socoto qaban qaabada aaska Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo shalay u geeriyooday xanuun wadnaha ah, iyadoo Guddi loo saaray qaban qaabada aaskiisa ay ka arinsanayaan qaabka uu u dhacayo aaska.

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo ku Geeriyooday Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan

Allaha u naxariistee waxaa goor-dhow si lama filaan ah ugu geeriyooday magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, Ugasa C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ahaa ugaaska beesha Xawaadle.

Maxkamadda Ciidamada oo baareysa in ciidamada dowladda ku lug lahaayeen dagaalkii Beledweyn

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa baaritaan ku sameyneysa eedeymo ku saabsan in ciidamada dowladda ay lug lahaayeen dagaaladii dhowaan ka dhacay magaalada Beledweyn, kaasoo u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed.

Madaxweynaha oo kulamo la-tashiyo ah ka wada magaaladda Beledweyn (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa habeenkii labaad ku hoyanaya magaaladda Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiran ayaa kulamo la-tashiyo ah la qaadanaya odayaasha dhaqanka beelaha dega Gobolka, Siyasiyiinta iyo ururada bulshadda rayidka ah.

Xaaladda Baledweyne oo Maanta degan iyo Ciidamo AMISOM ah oo la geeyay Xaafadda Howlwadaag

Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Magaalada Baledweyne ayaa maanta waxaa la kala dhex dhigay Maleeshiyaadka Saddexdii Maalin ee la soo dhaafay ku Dagaalamayay Xaafadda Hwolwadaa ee Galbeedka Magaalada.

Dagaal mar kale maanta ka dhacay magaalada Beledweyn

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyn ayaa sheegaya in dagaalo mar kale ka dhaceen xaafada Howl-wadaag ee galbeedka magaalada, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Saddex askari oo lagu diley magaalada Beledweyne

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in rag bastoolado ku hubeysan ay ku dileen saddex askari xaafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Xiisad ka jirta magaalada Beledweyne maalintii labaad iyo wafdi ka socda dowlada oo goor dhow gaaraya

Waxaa maalintii labaad xiran inta badan ganacsiga iyo isu socodka gaadiidka magaalada Beledweyne kadib markii maleeshiyo beeleed ka careysan dilka sarkaal u shaqeynayay Qaramada Midoobay ay xirteen wadooyinka magaalada.

Xiisad ka jirta magaalada Beledweyne kadib markii lagu diley sarkaal ka tirsan hay’ada Mine Action

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in xiisad colaadeed ay ka taagan tahay magaalada Beledweyne kadib markii shalay ciidamada amniga magaalada Beledweyne ay dileen sarkaal u shaqeynayay hay’ada Mine Action ee gobolka Hiiraan.

Ugu yaraan 8-ruux oo ku geeriyootay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Beledweyn

illaa sideed ruux ayaa ku geeriyootay, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib dagaal maanta duhurkii ka dhacay xaafada howl-wadaag ee galbeedka magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan.

Al-Shabaab oo xalay weerar ku qaaday Xabsiga magaalada Beledweyn

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyn ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab xalay weerar ku qaadeen xabsiga magaalada Beledweyn.

Kooxo Hubeysan oo xalay ku dilay Beledweyn nin Nabadoon ahaa iyo wiil uu adeer u ahaa

Kooxo hubeysan ayaa xalay xaafada Howl-wadaag ee magaalada Beledweyn ku dilay Nabadoon caan ka ahaa magaalada, kaasoo lagu magacaabi jiray Axmed Siyaar Aadan, iyadoo sidoo kale dhaawacay wiil uu dhalay iyo xaaskiisa.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo goor dhow gaaray magaalada Beledweyn

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goor dhow gaaray magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan.

Rag hubeysan oo gacansade iyo ruux ilaalo u ahaa ku dillay magaalada Beledweyne

Subaxnimadii hore ee saakay ayeey rag hubeysan ku toogteen xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne Xaaji Cumar Max'ud Nuur (Xaaji Quuroow) oo ka mid ahaa ganacsatada ugu waaweyn gobolka Hiiraan iyo qof ilaalidiisa ka mid ahaa.

Wararkii ugu danbeeyay Banaan Bax Loga Soo Horjedo Ciidamada Amisom oo Ka Dhacay Baladweyne

Dad farabadan oo dagan Magaalada Baladweyne ayaa isku soo baxay Wadooyinka waaweyn ee magaalada waxaa ayna dibad baxaan kaga soo horjeedeyn ciidamada Amisom ee nabad ilaalinta u jooga somaliya

Mu’addin Masaajid oo lagu Toogtay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa habeenimadii xalay ku toogtay xafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne Alle ha u naxariisteen Sheekh Wardi Saalax oo mu’adin ka ahaa mid ka mid ah masaajida magaalada.

Beledweyne oo laga xusay 37-sano guuradii aas-aaska ciidanka dalka Jabuuti

Munaasabad lagu qabtay xarunta taliska ciidamada Jabuuti ee deegaannka Ceel-Jaalle duleedka Beledweyne, islamarkaana lagu maamuusayay 37-sano guuradii ka soo wareegtay aas-aaskii ciidamada militariga dalka Jabuuti,  ayaa waxaa ka qeyb-gallay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidanka dowladda, kuwa midowgga Africa AMISOM iyo marti-sharaf kale.

Beledweyne: Is-rasaaseyn dhex martay ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab

Is-rasaaseyn u dhaxeysay ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab ayaa habeenkii Isniinta ka dhacday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Booliska Baladweyne oo sheegay inay isku soo dhiibeen rag Shabaab ka soo goostay

Ciidamada booliska degmada Baladweyne, ayaa maanta saldhigga degmada ku soo bandhigay 7 ruux oo dhalin yaro ah, kuwaas oo ay sheegeen ciidamada boolisku iney ka tirsanaayeen al-Shabaab, islamarkaasina ay si iskooda ah isugu soo dhiibeen ciidanka dowladda.

Duqii Balad-weyne oo la xirey, markii uu gacan qaad ku xigeenkiisa ilig uga tuuray

Waxa maalintii seddexaad xabsi ku jira duqii degmada Baladweyne Maxmaed Xasan Nuuriye, oo lagu eedeeyay in uu si ulakac ah ugu gacan qaaday ku xigeenkiisa maalmo ka hor.

AMISOM oo cambaareysay weerar madaafiic ah oo Balad-weyne dhawaan lagu qaaday

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM loo soo gaabiyo, ayaa cambaareeyay weerar madaafiic ah oo arroortii Jimcaha ay kooxda Shabaabku ku qaadeen degmada Baladweyne ee xarrunta gobolka Hiiraan.

Wasiirka gaashaandhigga Jabuuti oo Balad-weyne booqday

Wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka gaashaandhigga dalka Jabuuti, ayaa maanta gaaray magaalada Balad-weyne ee xarrunta gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ka howl galaan ciidamo ka socda dalka Jabuuti oo ku shaqeeyaa magaca ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM.

Rayid Baladweyne lagu dilay maanta

Kooxo baastoolado ku hubeysan, ayaa barqadii maanta ku diley magaalada Baladweyne ee xarrunta gobolka Hiiraan qof rayid ah oo ka adeeganayay suuqa Heliwaa ee xaafadda Howl-wadaag.

AMISOM oo buuxisay meelo ay Itoobiyaan banneeyeen

Ciidamada AMISOM ee Hiiraan jooga, ayaa maanta la wareegay fariisimo ay banneeyeen ciidamadii Itoobiya ee Baladweyne joogay tan iyo markii ay halkaasi ka saareen kooxdii al-Shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Hiiraan oo la xiray

Ciidamada AMISOM ee jooga Baladweyne, ayaa xalay xabsiga ugu hoyday guddoomiye ku xigeenka nabad galyada gobolka Hiiraan Axmed Cabdalle Cismaan (Axmed Inji), kadib markii lagu eedeeyay in uu dharbaaxay oo uu gacan qaaday guddoomiye ku xigeenka gobolka Hiiraan ee dhinaca bulshada Md. Caddaawe.

Hiiraan oo si diirran looga soo dhaweeyay xukuumadda cusub

Bannaanbax weyn oo lagu taageeraayo xukuumadda cusub ee kooban, ayaa maanta waxa uu ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarrunta gobolka Hiiraan.  

Cuuryaamiin ku dhaqan Baladweyne oo lacag loo qeybiyay

Lacag ay iska soo aruuriyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka soo jeedda gobolka Hiiraanm kuna dhaqan dalka dibbaddiisa, ayaa maanta waxa loo qeybiyay illaa iyo shan boqol oo ruux, kuwaas oo ka mid ah cuuryaamiinta ku dhaqan gobolka Hiiraan.  
Valid XHTML 1.0 Valid CSS