Tag: Baaq

Baaq Nabadeed oo loo Jeediyay Beelihii ku Dagaalamay Deegaannka Deefoow

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa hoyga uu ka deggen yahay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kulan kula qaatay qaar ka mid odayaasha dhaqanka  gobolka, iyaga oo ka wada hadllay dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay deegaannka Deefoow ee dulleedka magaalada Beledweyne.

Wasiirka rimmaha gudaha oo ku baaqay in la taageero dadka uu fatahaadda saameeyay

Wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka, ayaa hay’adaha dowladda, kuwa QM iyo dadka Soomaaliyeed ee wax heysta ugu baaqay inay taageero u fidiyaan dadka ku waxyeelloobay fataahadda wabiga Shabelle uu ka sameeyay gobollada dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan "Afrikaay naga taageera ka gudbidda carqaladaha ammaanka dalkeenna"

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa weydiistay madaxda dalalka Afrika inay dalkiisa ka caawiyaan dagaalka uu kula jiro burcadbadeedda, argagaxisida iyo dhibaatooyin kale oo caqabad ku ah in Soomaaliya ay deggenaasha hesho.

Guddiga xaquuqul Insaanka ee Baarlamanka oo dalbaday in Wariye Koronto la sii daayay

Gudiga xuquuqul Insaanka Baarlamaanka ayaa ka hor yimid xukunkii xabsiga ee Maxkamada Gobolka Banaadir ay ku riday Wariye C/casiis Koronto iyo haweeneydii dhibanaha aheyd ee la kufsaday.

HRW iyo CPJ oo dalbaday in la sii daayo wariye Koronto iyo dadka lala soo xirey

Hay’adda xaquuqul insaaka ee Human Rights Watch iyo guddiga difaaca wariyayaasha ee CPJ, ayaa si wada jir ah maanta uga dalbaday dowladda Soomaaliya inay sii deyso wariye C/casiis Cabdi Nuur Koronto iyo dadka la xiran ee la xiriirta baahinta war kufsi ku saabsan.

Tarsan oo ugu baaqay in dadka laga heysto hanti ay la yimaaddaan caddeymo si loogu soo celiyo waxa ka maqan

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Md. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), ayaa sheegay haddii ay jiraan dad guryo ay leeyihiin xoog looga heysto  magaalada Muqdisho ay la yimaaddaan caddeymo iyo dukumiintiyo muujinaya lahaanshiyaha guryahaasi, ay markaasi dowladda Soomaaliya u soo dhicin doonto xaqa ka maqan muwaaddinka.

Dowladda oo ka dalbatay Uganda inaysan ciidankeeda hadda kala bixin Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay inay ka wal wal san tahay hadalkii ka soo baxay dowladda Uganda, oo sheegayay inay ciidamadeeda kala baxeyso dalka Soomaaliya.

Galmudug oo ku baaqday in laga taageero qaadidda Jidgooyooyin iyo howl galinta dekadda Hobyo

Maamulka Galmudug, ayaa ka dalbaday ganacstada deegaannada maamulkaasi iyo qeybaha bulshada inay ka taageeraan sidii uu maamulku u qaadi lahaa jidgooyooyin fara badan oo yaalla inta u dhaxeysa deegaannaada Galinsoor iyo Gaalkacyo, kuwaas oo lacago looga qaada gaadiidka dadweynaha.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS