Tag: BOOSAASO

Faahfaahin ku saabsan qarax ka dhacay magaalada Boosaaso

Saddex askari ayaa ku dhaawacmay qarax lagu aasay waddada dhinaceedda oo ka dhacay magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso, sida laga soo xigtay saraakiisha deegaanka.

Faahfaahin ka soo baxaysa mid kamid ah salaadiinta Puntland oo lagu diley Boosaaso

Alle ha u naxariisto Suldaan Bashiir Muuse Koonte oo ka mid ahaa isimadda Puntland ayaa nin hubaysan ku dhex dilay masjid ku yaal Magaaladda Bosaaso. 

Boosaaso: Booliska Puntland oo soo bandhigay rag loo sii xiray dilka nin ganacsade ah

Saraakiisha booliska Puntland ayaa magaalada Boosaaso ku soo bandhigay afar nin oo dhallinyaro ah oo ku eedeysan dilka nin ganacsade ah oo 11 bishan Febaraayo xilli habeen ah lagu dilay magaalada Boosaaso.

15 qof oo loo xiray is rasaaseyn ay dad ku dhaawacmeen oo ka dhacday magaalada Boosaaso

Ugu yaraan 4 ruux ayaa ku dhawaacmay is rasaaseyn la sheegay inay u dhaxeysay labo shirkadood oo korantada ka shaqeeya magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso,sida ay mas'uuliyiinta xaqiijiyeen.

Ganacsade lagu diley bartamaha suuqa magaalada Boosaaso

Wararka ka imanaya  magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay bartamaha Suuqa Boosaaso ay ku dileen ganacsade caan ah labo kalana ku dhaawaceen. 

Kooxo Hubeysan oo xalay Boosaaso ku dilay labo wiil dhalinyaro ah

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso Gobolka Bari ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay xalay ku dileen labo wiil dhalinyaro saaxibo ah. 

Banaan bax rabshado wata oo maanta ka dhacay magaalada Boosaaso

Banaan bax rabshado wata ayaa maanta ka dhacay magaalada Boosaaso, kaasoo looga soo horjeedo xirnaanshaha Dekeda Boosaaso iyo sicir bararka ka jira magaalada.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Bari oo lagu diley Boosaaso

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay toogasho ku dileen guddoomiyihii hore ee gobolka Bari Khadar Ismaaciil.

Qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Boosaaso

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in qarax weyn uu ka dhacay bartamaha magaalada, kaasoo ahaa baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Ninkii diley taliyihii booliska degmada Rako oo Boosaaso lagu qisaasay

Nin horay u diley taliyihii booliska degamda Rako ee gobolka Karkaar ayaa maanta lagu qisaasay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS