Tag: BAYDHABO

Xildhibaan lagu doortay Baydhabo, iyadoo Musharaxii la tartamayay uu goobta ka maqnaa

Guddiga Doorashada Madax banaan ayaa goor dhow magaalada Baydhabo kaga dhawaaqay in Cali Sheekh C/llaahi (Cali Afgooye) uu ku guuleystay doorashada Kursiga Xildhibaannimo ee deegaan doorashadiisa tahay Koofur Galbeed. 

Baarlamaanka Koofur Galbeed oo ansixiyay Golaha Wasiirada maamulkaas

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegaya in maanta la ansixiyay Wasiirada uu soo magacaabay Madaxweynaha Koofur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen). 

Magaalada Baydhabo oo lagu qabtay rag iyo gaari lagu diyaarinayay waxyaalaha qarxa

Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee gobolka  Bay ayaa sheegaya  in ciidamada ammaanka magaalada Baydhabo ay qabteen saddex ruux iyo gaari lagu diyaarinayay waxyaalaha qarxa. 

Guddoomiye Mursal, Jawaari iyo Aadan Madoobe oo go’aano ka soo saaray doorashada Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal ayaa maanta kulan qado u sameeyay Xildhibaanada iyo Wasiirada ee ka soo jeeda Koofur Galbeed. 

Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo markii 3aad dib loo dhigay (Akhriso)

Waxaa markii saddexaad dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed, iyadoo 5-ta bishan oo ku beegneyd Arbacada soo socota lagu waday inay dhacdo. 

Diiwaan gelinta Murashaxiinta K/Galbeed oo maanta Baydhabo ka bilaabatay.

Guddiga doorashada Madaxweynaha maamulka koofur Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay diiwaan-gelinta Murashaxiinta u tartamaya madaxweynaha maamulkaasi oo doorashadooda ku beegan tahay bilawga bisha 12aad ee sanadkaan.

Akhriso: Jadwalka doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo la soo saaray

Guddiga doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa soo saaray jadwalka doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo maalmo kooban ay ka harsan yihiin doorashada. 

Guddiga cusub ee doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo maanta la magacaabayo

Waxaa maanta lagu wadaa in la shaaciyo Guddi cusub oo qaabilsan doorashada Madaxweynaha Koofur galbeed, kaddib markii Guddigii hore ay is casileen. 

Guddiga doorashada Koofur Galbeed oo soo saaray shuruudaha Musharaxiinta (Akhriso)

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa soo saaray shuruudaha laga rabo Musharaxiinta u taagan doorashada Madaxweynaha ee dhici doonta 17-ka bisha November. 

Diyaarad sida gawaari aan xabadaha karin iyo Ilaalada Taliyihii hore ee NISA oo ka degtay Baydhabo

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in diyaaradii labaad oo sida gawaari aan xabadaha karin iyo Ciidamo ay ka degtay garoonka diyaaradaha Shaatigaduud. 

Baarlamaanka Koofur Galbeed oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Guddiga doorashada Madaxweynaha

Guddoomiyaha Baarlamaanka Baarlamaanka Koofur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa maanta ku dhawaaqay Guddiga doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed. 

Tirada dadkii ku dhintay qaraxii Baydhabo oo sii korortay iyo Mukhtaar Roobow oo booqday…

Waxaa sii kordhay khasaaraha ka dhashay labo qarax oo mataano ahaa, kaasoo gelinkii dambe ee shalay Al-Shabaab ka geysteen goobo dadka isugu yimaadaan oo ku taal magaalada Baydhabo. 

Al-Shabaab oo la wareegtay deegaan u dhow magaalada Baydhabo

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa hseegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay xalay la wareegeen deegaanka Goofgaduud Buureey oo dhacda dhanka wadada aada degmada Waajid, una jirta Baydhabo illaa 30KM. 

Guddiga doorashooyinka oo faahfaahiyay xiliga la qabanayo Doorasho ka dhaceyso Baydhabo

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa ka hadlay doorasho dhawaan la filayo inay ka dhacdo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Warmurtiyeedka Shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagu soo dhaweeyey Barnaamijka Dariseynta iyo Sugidda Amniga Caasimadda

Shirka Golaha Amniga Qaran oo afartii maalin ee u danbeeyey ka socday magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa la soo gabagabeeyey, waxana ka soo baxay qodobo dhowr ah oo lagu wajahayo amniga guud ee dalka, iyadoo lagu boggaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir howlgallada lagu sugayo amniga iyo Barnaamijka Dariseynta oo si habsami leh uga socda Caasimadda. 

C/raxmaan C/shakuur “Bayaanka ka soo baxay dowlad goboleedyada wuxuu xambaarsan yahay dhiilo culus”

Hoggaamiyaha Mucaaradka C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hadlay shirkii dowlad goboleedyada ugu soo gabagaboobay magaalada Baydhabo, isagoo shan qodob ku cabiray bayaankii ka soo baxay shirkaas. 

Shirka labaad ee Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo ka furmay Baydhabo (Sawirro)

Waxaa goor dhow magaalada Baydhabo ka furmay shirkii labaad ee Madaxda dowlad goboleedyada ee la baxay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, iyadoo shirkan uu ku soo aaday xilli xasaasi ah. 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

Baydhabo: 14 qof oo ku dhimatay qarax

Inta la ogyahay, 14 qof ayaa ku dhimatay, in kabadan 30 kalena wey ku dhaawacmeen laba qarax oo ismiidaamin ahaa oo fiidnimadii Xalay lala eegtay goob ay dadku isugu yimaadaan oo ku taalla magaalada Baydhab ee xarunta gobolka Baay.

Baydhabo:Musharaxiin gudbiyay Arjiyadooda

Qabashada Araajida Musharaxiinta u tartamaya  Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ee Saddexda Gobol ayaa ka bilaabatay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Ergooyinka shirka Baydhabo oo ku dhawaaqay in maalinta Khamiista ay dooranayaan Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed

Ergooyinka ka qeyb galaya shirweynaha maamul u sameynta Koofur Galbeed ayaa ka soo hor-jeestay go’aankii Madaxda dowladda ay ku hakiyeen shirkaas, iyagoo ku dhawaaqay in maalinta Khamiista ay dooranayaan Madaxweyne.

Shirka dhismaha Maamulka Koofur-galbeed oo Maanta ka furmaya Baydhabo

Shir lagu dhisayo maamulka koonfur-galbeed Somalai ayaa maanta ka furmaya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, iyadoo furitaanka shika uu u tagay halkaas guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS