Tag: BARLAMANKA

Xildhibaanada Baarlamaanka oo ansixiyay wax ka bedelka Xeerka Bangiga Dhexe

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa goor dhow ansixiyay xeerka wax ka bedelka Bangiga Dhexe, kaddib dood kulul oo ay ka yeesheen xeerkaas oo ay soo gudbisay Golaha Wasiirada oo horay u soo ogolaaday. 

Dabeysha Baarlamaanka: Ma Ra’iisul Wasaaraha ku bixi doono, mise Wasiirkiisa Amniga ayuu ku furan doonnaa ?

Tan iyo markii uu soo baxay khilaaf ka dhex bilowday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad goboleedyada ee dalka ka jira waxaa abuurmay xasillooni daro siyaasadeed, iyadoo Khilaafkan uu sii xoogeystay kaddib markii shir muddo afar cisho socday ay ku yeesheen madaxweynayaasha maamul goboleedyada Magaalada Kismaayo, kaasoo ay ka soo saareen war murtiyeed ay ku hakiyeen wada shaqeyntii dowladda Federaalka kala dhaxeysay. 

Xildhibaanada Baarlamaanka oo su’aal ka keenay halkii ay ku dambeysay lacag dhan $440,000

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa su’aal ka keenay halkii ay ku dambeysay lacag gaareysa $440,000 oo doollar, kaasoo 16 bilood ee la soo dhaafay laga jarayay Xildhibaanada mushaarkooda min boqol doolar bil kasta. 

Baarlamaanka Reer Yurub oo bilaabay in uu ka hadlo xadgudubyada iyo dhibaateynta lagu hayo suxufiyiinta Soomaaliyeed

Baarlamaanka reer Yurub ayaa shalay waxaa ay dhageysteen warbixin iyo marag fur ku aadan xadgudubyada ka dhan ah xuquuqul insaanka ee ka dhaca Soomaaliya, gaar ahaan kuwa loo geysto suxufiyiinta Soomaaliyeed, xoriyatul qowlka, iyo xoriyada in muwaadiniinta sameystan ururo madax-banaan isla markaana ay u shiri karaan si xor ah oo aan laga hor istaagin.

Akhriso: Miisaaniyadda sanadka 2017 iyo qaraashaadka ku baxaya Hey’addaha dowladda

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa maanta ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee sanadkan 2017, kaddib markii Wasaaradda Maaliyadda ay bishii hore ay horgeysay Baarlamaanka Miisaaniyadda lixda bilood ee sanadkan ka harsan.

Muxuu noqon doonaa Go’aanka Baarlamaanka ay ka qaadanayaan Wasiir Xoosh ?

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta soo afjari doono go’aan ka gaarista dooda la xiriirta xil heynta Wasiir Xoosh, kaddib markii todobaadkii hore uu ka baaqsaday u yeeristii Baarlamaanka ee ka dambeysay xiisadii ka dhalatay ka hor imaanshihii qaraarkii Baarlamaanka uga soo hor-jeestay go’aankii Maxkamadda sare.

Guddoonka Baarlamaanka oo go’aan ka soo saaray mooshinka laga soo gudbiyay Madaxweynaha (Akhriso)

Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow go’aan ka soo saaray mooshinka laga soo gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo Guddoonku uu si rasmi u caddeeyay in mooshinka uu qabtay 12-kii bishan, kaasoo ay ku saxiixnaayeen illaa 93 Xildhibaan.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS