Tag: BARLAMAANKA

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo mooshin ka keenay Heshiisyada uu galay Madaxweyne Farmaajo

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa mooshin ka keenay heshiisyada iyo is afgaradyada lala galay dalal shisheeye. 

Baarlamaanka oo ansixiyay xeerka xuquuqda Siyaasiyiinta dowladda

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa goor dhow ansixiyay Hindise sharciyeedka xuquuqda Siyaasiyiinta dowladda oo muddooyinkii u dambeeyay ay ka doodayeen Xildhibaanada. 

Xildhibaan Beene Beene “Ra’iisul Wasaaraha halkaan ayaa ka sugeynaa, anaga u baahan inuu nala hadlo, ha yimaado”

Xildhibaan Maxamuud C/raxmaan Beene Beene ugu baaqay Xildhibaanada Golaha Shacabka inay hurdada ka kacaan, isla markaana la soo laabtaan doorkooda la xisaabtanka Xukuumadda, isagoo caddeeyay in Ra’iisul Wasaaraha uu qaatay doorkoodii la xisaabtanka. 

Kulankii Baarlamaanka ee qorshihiisa ahaa hadal jeedinta Jawaari oo baaqday iyo muran ka taagan….

Kulankii maanta oo Arbaco loo balansanaa in Guddoomiyihii is casilay Maamed Sheekh Cismaan Jawaari uu ka jeediyo Fadhiga Baarlamaanka ayaa baaqday, iyadoo uu soo baxayo muran iyo is qab qabsi ka dhashay habka kulankaas loo qabanayo.

C/wali Muudey oo iclaamiyay xilliga Baarlamaanka la horkeenayo Mooshinka Guddoomiye Jawaari

Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa qoraal uu soo saaray goor dhow waxa uu ku sheegay in kalfadhiga ugu horeeya baarlamaanka la qaban doono 31ka bishan oo ku beegan sabtida soo socota.

Sidee buu noqon doonaa Mustaqbalka Baarlamaan iyo Guddoonkiisa qeybsan yahay ?

Tan iyo markii uu soo if baxay Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa Golaha shacabka hareeyay khilaaf iyo kala qeybsanaan, taasoo saameyn ku yeelatay howlihii caadiga ahaa ee Baarlamaanka.

Xildhibaan Fiqi “Xildhibaanada Golaha shacabka waxay isku dhaarsadeen in la badbaadiyo Baarlamaanka”

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay isku dhaarsadeen sidii loo badbaadin lahaa Baarlamaanka, oo uu ugala jeeday Guddoomiye Jawaari.

Daawo: Xildhibaanadii Mooshinka ka keenay Jawaari oo sharci darro ku tilmaamay go’aankii Guddiga Joogtada

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ee mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aankii Guddiga Joogtada ay ku laaleen Mooshinkooda, iyagoo xusay in laga been abuurtay Xildhibaanada qaar ee la sheegay inay ka laabteen Mooshinka. 

Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay xeer dalka looga mamnuucay Shirkadda DP World

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa isku raacay xeer dalka looga mamnuucayo Shirkadda DP World, kaddib markii ay si bareer ah uga soo xadgudubtay madax banaanida iyo Midnimada Soomaaliya.

Guddiga Joogtada oo ku gacan seyray soo jeedintii Xeer Ilaaliyaha ee xasaanad ka qaadida Xildhibaanada

Guddiyada Joogtada ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulan uu maanta ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ka soo saaray Qaraar ku aadan xasaanad ka qaadista Xildhibaano uu dhowaan soo eedeeyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir.

Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka oo maanta ka shiraya darbiga ay Kenya ka dhisayso Xadduuda gobalka Gedo.

Guddiga difaaca ee Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta kulan deg deg ah ka yeelanaya wararka sheegaya in Dowladda Kenya ay darbi ka dhisayso Xadduudda ay Soomaaliya iyo Kenya ka wadagaan Degmada Belad-xaawo ee gobalka Gedo.

Baarlamaanka oo ogolaaday codsiga Ra’iisul Wasaaraha ee 10-ka cisho uu ku soo dhameystirayo Xukuumadda

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow ogolaaday codsiga Ra’iisul Wasaaraha ee 10-ka cisho, kaasoo ahaa inuu ku soo dhameystirayo Golihiisa Wasiirada, iyadoo codsigaas uu dhaliyay buuq badan oo ay kala hor-yimaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS