Tag: BARAAWE

Wasiirka Duulista Hawada oo booqasho ku tegey magaalada Baraawe

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Gaadiidka Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Maxamed Xuseen (Eelaay), Safiirkii Kenya u fadhiyey Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Xubno kale.

Sawirro: Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre Oo Lagu Soo Dhoweeyay Baraawe

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow waxay gaareen magaalada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose.

Masuuiyiin iyo Saraakiil katirsan Dowlada oo Goob Fagaare ah kula hadlay Shacabka ku dhaqan Magaalada Baraawe

Masuuliyiin iyo saaraakiil Ciidan oo katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa maanta gaaray Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxa ayna goob fagaare ah kula hadleen dadweyne badan oo ku dhaqan Magaaladaasi.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS