Tag: Axmed

Axmed Madoobe oo u yeeray xubnaha Jubbaland ugu jira Aqalka sare

 Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa u yeeray Xubnaha Aqalka Sare ee laga soo doortay Jubbaland, si ay uga qeyb galaan shirka maamul goboleedyada ku yeelanayaan magaalada Kismaayo.

Axmed Daaci “Hub ka dhigista in hal gobol kaliya la bartilmaameedsado, sax ma ahan”

Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa ka hor-yimid qaabka uu u socdo howlgalada hub ka dhigista ee ka socda magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in hal gobol kaliya la bartilmaameedsanayo.

Safiirka UK ee Somalia oo bilaabay in kulamo uu la yeelanayo Madaxda maamul goboleedyada

 Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya Danjire David Concar ayaa bilaabay kulamo uu la qaadanayo Madaxda Maamul goboleedyada dalka, kuwaasoo shalay qaarkood soo gaaray magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe Oo Ugu Baaqey Madaxweyne Farmaajo Wax Ka Qabashada Amniga Iyo Abaaraha Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha la doortey ee Soomaaliya Maxamed Cabadullaahi Maxamed Farmaajo.

Axmed Madoobe oo C/Welli Gaas iyo Guuleed ka dalbaday inay nabadda Gaalkacyo ka shaqeeyaan

Iyadoo dagaalada magaalada Gaalkacyo ka dhacaya maalmo badan qaateen, ayaa waxaa kordhaya baaqyada nabadeed ee loo jeedinayo madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug.

Axmed Fiqi “Wasaaradda A. Gudaha waxay ku mashquulsan tahay kaarar bixinta odayaal faalso ah”

 Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Madaxda Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay wado qorshayaal ay ku afduubeyso doorashada soo socda ee dalka ka dhaceysa.

Axmed Madoobe “Waa in arrinta Hiiraan si deg deg wax looga qabtaa, dagaalka socdana la joojiyaa”

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaada ka aloosan magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalamayeen labo maleeshiyo beeleed.

Axmed Fiqi “Al-Shabaab wax culeys ah lama saarin labadii sano, waana fursad ay heleen”

Agaasimihii hore ee Hey’adda Nabadsugida Qaranka Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay weeraradii u dambeeyay ee Al-Shabaab ka fuliyeen magaalada Muqdisho, isagoo faah faahin ka bixiyay waxyaabaha sababta u ah inay kordhiyaan weerarada.

Axmed Madoobe “Waxaan qaadi doonaa dagaal ka dhan ah Al-Shabaab” (Sawirro)

 Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shalay kormeeray xerooyin ciidan oo ku yaal magaalada Kismaayo, halkaasoo ay ku jiraan Ciidamada isku dhafka ah ee dhowaanahan tababarka u socday iyo Ciidamo ka tirsna Maamulkiisa.

Axmed Madoobe “Shirka ugu dambeeya ee go’aanka lagu gaarayo Kismaayo ayuu ka dhacayaa”

 Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in Kismaayo lagu gaari doono go’aanka ugu dambeeya ee shirka Madasha wada tashiga qaran ee looga hadlayo hanaanka doorasho ee Soomaaliya.

Axmed Madoobe “Safarkeyga Cadaado waxay qeyb ka tahay dhameystirka heshiiskii Gaalkacyo”

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ayaa sheegay in ujeedada socdaalkiisa Cadaado ay qeyb ka tahay dhameystirka heshiiskii Gaalkacyo ee lagu soo afjaray colaadii u dhaxeysay Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Axmed Madoobe “Fikirka ay Kenya Soomaaliya u soo gashay, ma ahan inay dhul qaataan, Amnigooda qatar ku jira”

 Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa mar kale difaacay qorshaha ay Ciidamada Kenya u soo galeen Soomaaliya, isagoo ka hadlay muranka ka taagan Darbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduuda.

Axmed Madoobe “Aan ka tagno Beesha Caalamka, anaga oo Soomaali kaligeen ah aan talo gaarno”

 Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in loo baahan yahay in lala xisaabtamo Beesha Caalamka, isla markaana shaqada la qabanayo ay noqoto mid Soomaali kaligeed ay qabsato, Caalamkana uu gadaal ka joogo.

Axmed Madoobe oo Xil culus u magacaabay mid kamid ah Saraakiishii maamulkiisa Mucaaradka ku ahaa

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Mdaxaweynaha Maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lagu magacaabay Taliyaha Ciidanka Jubbaland ee Gobolka Gedo, waxaana xilkaasi loo magacaabay Korneel Cabaas Ibraahim Gurey.

Axmed Madoobe “Anaga Soomaali midnimadeeda ka shaqeyneynaa ee ma noqoneyno kuwo…”.

 Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay khilaafka maamulkiisa iyo dowladda Federaalka u dhaxeeya, isagoo xusay in arrinta la isku hayay ay aheyd tan guddiyada ay magacawday dowladda Federaalka.

Musharax Axmed Cabdisalaan “Waa in Ahlusuna laga qeyb geliyaa shirka maamul u sameynta”

Musharaxa Madaxweyne ee Dowlad Gobolleedka Galmudug Axmed Cabdisalaan ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay sida ugu dhaqsaha badan shirka uga soo qeyb-geliso Ahlu Sunna Wal-jameeca.

Axmed Cabdisalaan oo si rasmi u soo bandhigay Musharaxnimadiisa iyo Siyaasiyiin taageeray.

Waxaa Hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabad balaaran oo lagu soo dhaweynayay siyaasiga caanka ah Danjire Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan oo dhowaan shaaciyay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka Gobollada Mudug iyo Galgaduud. 

Axmed Madoobe “Baarlamaanka waxay kala garan la’yihiin cida ay Mas’uulka ka yihiin iyo shaqadooda”

 Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku eedeeyay Baarlamaanka Federaalka inay shaqadooda ku soo koobantay mooshin iyo iska daba wareeg, isagoo ka digay meel marinta mooshinka ka dhanka ah dhismaha Baarlamaanka Jubba.

Axmed Macalin Fiqi ” Waa Nasiib darro sagaal bilood oo dib u dhac ah, iyadoo wax badan la qabsan karay”

Musharax Axmed Macalin Fiqi ayaa nasiib darro ku tilmaamay dib u dhaca badan ee ka jira dhismaha Maamul u sameynta Gobolada Dhexe, isagoo tilmaamay inay jirto sagaal bilood oo aan waxba la qaban, iska daba wareeg iyo cadeyn la’aanta barnaamijka sida uu u socdo.

Axmed Madoobe oo taageeray Maamulka saddexda Gobol ee lagu dhisayo Baydhabo

Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe ayaa taageeray Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ee qorshihiisa yahay in saddex gobol lagu dhiso, iyadoo shir kale oo lagu dhisayo lix gobol uu ka socdo magaalada Baydhabo.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS