Tag: Amniga

Muqdisho oo laga mamnuucay Shirar aysan ka warqabin Dowladda.

Maxamed Abuukar Isloow Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo shirar aysan ka warqabin Dowladda Soomaaliya in lagu qabto magaalada Muqdisho.

Shirkii Golaha Amniga Qaranka oo la soo gaba gabeeyay iyo war murtiyeed laga soo saarayo

Shirka Golaha Amniga Qaranka ee maalmahan ka socday xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa goor dhow la soo gaba gabeeyay, iyadoo lagu wado in la soo saaro saacadaha soo socda war murtiyeed. 

Wasiirka Amniga oo faray Mas’uuliyiinta dowladda in 14 maalmood gudahood ku soo diiwaan geliyaan Ilaaladooda

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay awaamiir cusub oo la xiriira sugida amniga iyo xakameynta Hubka.

Guddiga Amniga Doorashooyinka oo Muqdisho ku kulmay

Guddiga Amiga doorashooyinka qaran ayaa shalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo kulankan uu goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal.

Wasaaradda Amniga oo amar ku bixisay in shirar siyaasadeed aan lagu qaban karin Hotelada

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa soo saartay amar ku aadan in kulamo siyaasadeed aan lagu qaban karin Hotelada Muqdisho, iyadoo digniin u jeedisay Milkiilayaasha Hotelada.

Shir looga hadlayay qaab dhismeedka Booliska oo lagu soo gaba gabeeyay Nairobi

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii shirka ka qeyb gashay ayaa ka warbixiyay waxyaabaha looga xaajoonayay shirkaas, iyadoo kulankan uu u dhaxeeyay hey’addaha ammaanka dowladda Dhexe, kuwa maamul goboleedyada iyo saraakiil ka socotay Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey.

Wasiirka Amniga iyo Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida oo Baarlamaanka hor-tagaya

Wasiirka Amniga Gudaha iyo Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida ayaa lagu wadaa inay maanta hor-tagaan Baarlamaanka, si su’aalo looga weydiiyo arrimaha amniga dalka oo beryihii u dambeeyay faraha ka sii baxayay.

Wasiirka Amniga oo ka hadlay Xajmiga Qaraxyadii Xalay lagu Weeraray Hotel SYL ee Muqdisho

Wasiirka Ammaanka Xukumadda Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Qaraxyadii xalay ka dhacay Muqdisho ay ka awood bad-naayeen Qaraxii lagu weeraray Hoteelka Jaziira sannadkii aynu kasoo gudubnay ee 2015-ka.

Wasiirka Amniga “Ma jirto amar naga soo baxay oo lagu baarayo Xildhibaanada”

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in aysan jirin wax amar ah oo wasaaraddiisa ka soo baxay, kaasoo lagu farayo ciidamada ammaanka inay baaritaan ku sameeyaan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Wasaaradda Amniga oo sheegtay inay Guddi u saartay baaritaanka wiil ay dileen AMISOM

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay inay Guddi soo baara dilkii Ciidamada AMISOM u geysteen wiil yar oo 14 jir kubad ku ciyaarayay agagaarka Garoonka Muqdisho Stadium.

Wasiirka Amniga oo wada shaqeyn ka dalbaday hay’adaha Amniga dalka.

Wasiirka Aminga Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Max’ed ayaa ugu baaqay hay’adaha Garsoorka ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Amniga oo fariin u diray Ciidamada, kana hadlay qorshayaal amniga lagu sugayo

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in ciidamada dowladda Federaalka ay wadaan qorshayaal ballaaran oo lagu adkeynayo amniga.

Madaxweynaha oo shir guddoomiyay shirka Guddiga Amniga Qaranka

Madaxweynaha Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shir guddoomiyay shirka Guddiga Amniga Qaranka oo lagu qabtey xarunta madaxtooyada, kaasoo todobaadkiiba mar la qabto.  

Wasaaradda Amniga oo sheegtay in la fashiliyay weerarkii saaka ka dhacay Cadaado

Wasaaradda Amniga gudaha ayaa sheegtay in la fashiliyay weerar saaka ka dhacay meel ku dhow Xarunta ay degan yihiin ergooyinka shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe ee ka socda degmada Cadaado.

Wasiirka Amniga “Darbiga ay Kenya ka dhiseyso Xuduuda, waxba kama tari karo sugida Amniga”

 Wasiirka Amniga Gudaha ee dowladda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ka hadlay darbiga ay Kenya wado inay ka dhisto xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya, si ay uga hortagto weerarada ay Al-Shabaab.

Wasiirka Amniga iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb galay kulan is dhex galka bulshada ah

Wasiirka Amniga gudaha iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qayb galay munaasabad ku saabsan is dhex galka bulshada, kaalinta bulshada uga aadan ka qeyb qaadashada horumarka dalka, baraarujin ku saabsan sidii shacabku u bixin lahaayeen canshuuraha iyo soo bandhigidda waxyaabihii u qabsoomay maamulka Dagmada kaaraan ee gobalka Banaadir.

Wasaaradda Amniga oo ugu baaqday Mas’uuliyiinta iyo dadka kale inay ka taxadaraan gaadiidkooda

Wasaaradda Amniga ayaa soo saartay digniin ku wajahan gaadiidka gaarka loo leeyahay ee mudooyinkan soo kordhay in lagu xiro waxyaabaha qarxa ee nooca Magnada leh, iyadoo u dambeeyay qarax shalay loogu xiray gaari uu lahaa nin Engineer ah.

WASIIRKA AMNIGA: Cidii Al-shabaab xiriir la leh tallaabo ayaa laga qaadayaa

Wasiirka Amniga Qaranka xukuumadda Somalia, Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan cid walba oo xiriir la leedahay Al-shabaab ama la shaqeysa.

Dowladda oo sheegtay inay Muqdisho ku Qabtay Xubno ka Tirsan Al-shabaab

Xukumadda Somalia ayaa sheegtay inay wixii ka dambeeyay markii la dhigay ciidammada amniga koontaroolada laga soo galo iyo kuwa laga baxo ee Muqdisho ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigto xubno ka tirsan Al-shabaab.

Wasiirka Amniga Qaranka oo soo saaray Qorshe Amaanka Muqdisho lagu xakameenayo

Wareegto ka soo baxaday Xafiiska Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya Genaraal Khaliif Axmed Erag ayaa waxaa lagu sheegay in Wasaarada Amniga Qaranka ay dajisay qorshe cad oo Amaanka Caasimada Muqdisho lagu Xaqiijinayo.

Dowladda Somalia oo sheegtay inay qabatay Saraakiil Al-shabaab ka tirsan

Wasaarada Amniga Qaranka ee xukuumadda Somalia ayaa shaacisay in howlgallo ay wadajir ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM uga sameeyeen degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose iyo Muqdisho  ku dhow ay kusoo qabqabteen saraakiil ka tirsan Al-shabaab.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS