Tag: Ammaan

Ammaanka degmada Luuq oo laga shirey

Maamulka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee degmada Luuq ayaa kulan looga hadlayo sidii la isaga kaashan karo ammaanka waxa ay la yeesheen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada.

Waddooyinkii Muqdisho oo dib loo furey

Waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho ayaa dib loo furay saakay oo Sabti ah kaddib afar maalmood oo ay u xirnaayeen arrimo la sheegay inay ammaanka la xiriiraan, waxaana jidadkaas dib uga howl-billlaabay gaadiidka dadweynaha.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka hadlay qorshayaal cusub oo amniga lagu sugayo

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Md. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa sheegay inay dadku ku baraarujinayaan hadda inay amnigooda ilaashadaan, ayna la shaqeeyaan waaxyaha ammaanka caasimadda.

Somaliland oo sheegtay in amnigu uu heersarreeyo

Maamulka Somalliland, ayaa sheegay in wax laga wal walaa oo xagga amniga ah aanay ka jirin deegaannadooda, iyadoo maamulkana uu ugu baaqay ajaaniibta ku dhaqan deegaannadaasi inay is dajiyaan.

Madaxweynaha oo sheegay in ciidamo gaar ah loo sameeyay amniga caasimadda

Madaxweynaha Jamhuurriyadda Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ciidamo gaar ah oo amniga caasimadda sugaya ay dowladdu diyaarisay, kuwaas oo kharashaadka ku baxaya howshoodana ay dowladdu bixin doonto.

Raysal wasaare Saacid oo kulan la qaatay saraakiisha ciidamada amniga

Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa xalay kulan casho sharaf ah oo looga hadlayay sidii loo adkeyn lahaa ammaanka dalka isugu yeeray saraakiisha ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Kullan amniga looga hadlaayay oo Baladweyne lagu qabtay

Kullan looga hadlaayay nabad galyada Baladweyne, ayaa maanta waxay AMISOM iyo odayaasha dhaqanka Baladweyne ku yeesheen duleedka magaalada Baladweyne.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS