Tag: Amisom

Faah Faahin: Ciidamada AMISOM oo dad rayid ah ku laayay duleedka Muqdisho

Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa maanta barqadii dad rayid ahaa ku laayey duleedka magaalada Muqdisho, kaddib markii qarax miino lagula eegtay deegaanka Lafoole.

AMISOM oo war ka soo saartay mamnuucidii gaadiidkooda ee Wadada Maka Al-Mukarama

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Joe Kibet ayaa ka hadlay amar ka soo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed, kaasoo ahaa in gaadiidka AMISOM aanay isticmaali karin Wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan Isgoysyada Sayidka illaa Banaadir.

AMISOM oo beenisay war ka soo baxay Al-Shabaab oo ahaa in 5 askari Ugandes ay dileen

War ka soo baxay Taliska AMISOM ayaa lagu beeniyay sheegashada Al-Shabaab ee ahaa askar ka tirsan kuwa UGanda ku dileen qarax miino oo jimcihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Afgooye.

AMISOM oo sheegtay iney burburisay goob Al-shabaab qaraxyada ku diyaarin jireen

War saxaafadeed kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidamadooda burburiyeen goob Alshabaab qaraxyada ku diyaarin jireen oo ku taala duleedka magaalada Kismaayo.

Guddoomiyihii Al-Shabaab u qaabilsanaa Aw-dheegle oo la dilay

Taliska AMISOM ayaa sheegay in howl gal ay si wada jir u fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku dileen Guddoomiyihii Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Aw-dheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya oo gacanta ku dhigay 5 askari ka tirsan AMISOM

Ciidamada Ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Shan Askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM iyo 10-qof oo Soomaali ah, kuwaasoo iibinayay qalabka loo keeno ciidanka AMISOM.

Ciidamo dowlada iyo AMISOM oo weeraray deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose

 Wararka ka imanaya magaalada Afgoye ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in saaka waabarigii ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay weerareen deegaano ka mid ah degmada Afgoye oo ay ciidamo Alshabaab ah ku sugnaayeen.

AMISOM: Saraakiil Al-shabaab ah ayaan ku dilnay Hawl-gallo ka dhacay Gobolka Shabeellada Hoose

Taliska AMISOM, ayaa ku sheegay War-bixin ay soo saareen maanta inay lix sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab ku dileen hawl-galo ay dhawr-kii casho ee lasoo dhaafay ka fuliyeen gobolka Shabeellada Hoose.

Dowlada Kenya oo ciidamo xoojin ah soo gelisay gudaha dalka Soomaaliya

Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo lixaad leh oo ah ciidamada Milatariga Kenya ay gudaha u soo galeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo iyagoo ka soo gudbay xadka labada dal.

Maxkamad ku taal Uganda oo 18-sano xabsi ah ku riday Sarkaal ka tirsanaa AMISOM

Maxkamad ku taal dalka Uganda ayaa 18-sano xabsi ah ku riday Sarkaal ka tirsanaa howl galka AMISOM ee Soomaaliya, kaasoo lagu eedeeyay inuu shidaal xaday, isla markaana iibsaday.

Tirada ciidamada AMISOM ee lagu diley Soomaaiya tan iyo sanadkii 2009kii oo la shaaciyay

Ciidamada nabad ilaalinta AMISOM tan iyo sanadkii 2009kii ayay soo bandhigtay hay’ad cilmi baaris oo xarunteedu tahay dalka Sweden.

Ciidamada AMISOM oo ka baxay Kuntuwaarey iyo Ceel-Saliindi, Al-Shabaab oo qabsatay

 Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda ay saacadihii la soo dhaafay ka baxeen degmada Kuntu-waarey iyo deegaanka Ceel Saliindi oo ku dhow deegaanka Nambar lixdan.

AFHAYEENKA AMISOM: Ma jiraan Ciidan Nool ah oo ay Al-shabaab Gacanta nooga naga dhigeen

Iyadoo shalay ay Al-shabaab Weerartay saldhig ay AMISOM ku leedahay deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa la sheegay in AMISOM laga qabsaday ciidammo nool oo ka tirsan kuwii xeradaas ku sugnaa, balse waxaa beeniyay afhayeen u hadlay AMISOM oo lagu magacaabo, Paul Njuguna.

AMISOM “Waxaan dilnay 98 ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab”

Taliyaha qeybta afaraad ee Ciidamada AMISOM Col. C/raxmaan Dhimbis ayaa sheegay in howl galada ay ka wadeen Gobolka Hiiraan ay ku dileen illaa 98 ka tirsan dagaalyahanada Shabaab.

Dowladda Federaalka oo loogu baaqay inay wax ka qabato Tacadiyada AMISOM.

 Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa loogu baaqay inay si deg deg ah wax uga qabato tacadiyada ay Ciidamada AMISOM ka geysanayaan magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

AMISOM oo Raashin ah u Qaybisay Qoysas kala duwan oo ku nool Gobolka Banaadir (SAWIRRO)

AMISOM oo Kaashanaysa Hay'adaha Samafal ayaa gargaar cunto oo kala duwan ka Qaybisay Muqdisho, iyadoo sheegay inay ugu talo-galeen in shacabka Soomaaliyeed ay isticmaalaan inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Ciidamada AMISOM oo madaafiic ku garaacay deegaano ka tirsan degmada Mahadaay

Ciidamada AMISOM ayaa madaafiic ku garaacay deegaano bari ka xiga degmada Mahaaday ee gobolka Sh/dhexe, halkaasoo la sheegay inay saldhigyo ku leeyihiin Al-Shabaab.

AMISOM oo loogu baaqay inay fara geliso xiisada ka taagan Guriceel

War murtiyeed laga soo saaray shirka dib u heshiisiinta Beelaha Gobolada Dhexe ee ka socda Dhuusa Mareeb ayaa looga codsaday in Ciidamo ka socda AMISOM la geeyo Guriceel, si loo joojiyo dagaalka.  

AMISOM oo sheegtay inay Howlgal Qarsoodi ah ka Fulisay Gobolka Galguduud

Ku-simaha ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa AMISOM, Lydia Wanyoto ayaa ciidmada AMISOM ee ku sugan gobolka Galguduud ku ammaanay howlgal ay si qarsoodi ah uga furliyaan gobolkaas, kaasoo ay ku weerareen dagaalyahanno Al-shabaab ka tirsan oo jaray jidka isku xira degmooyinka Dhuuso-mareeb iyo Ceelbuur oo kawada tirsan gobolka Galguduud.

AMISOM oo sheegtay inay burburisay Xeryo ay Al-shabaab ku lahayd Jubbooyinka

AMISOM ayaa sheegtay inay weerartay saldhigyo ay Al-shabaab ku lahayd degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose iyo deegaanka Birta-dheer ee duleedka Kismaayo.

Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo la wareegay deegaankii laga go'doomiyay degmada Xudur

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa maanta la wareegay deegaanka Abad-Beedey oo qiyaastii 20-KM dhinaca bari kaga beegan degmada Xudur ee Gobolka Bakool, halkaasoo ay ku sugnaayeen Xoogaga Al-Shabaab.

Jan Eliasson oo Golaha Ammaanka ugu baaqay in tirada ciidanka AMISOM la kordhiyo, lana taageero Ciidamada Soomaaliya

Ku xigeenka xoghayaha guud ee QM, Jan Eliasson oo xalay ka hadlay kulan ay lahaayeen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay loogana hadlayay kordhinta ciidamada AMISOM iyo taageerada ciidamada Soomaaliya ayaa ku baaqay in tirada AMISOM si dhaqso ah loo kordhiyo.

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda, AMISOM iyo Al-Shabaab oo ka dhacay duleedka Ceelasha Biyaha

Dagaal la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay deegaanka Arbacow ee ku yaala duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha.

Dowadda iyo AMISOM oo ka arrinsaday wax ka badalka sharciyadda AMISOM

Dowladda Soomaaliya iyo howlgalka midowga Afrika ee AMISOM, ayaa ka dooday dib u eegis lagu sameynaayo howl galka ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ay Soomaaliya ka wadaan.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS