Tag: Ahlu

Ciidamada Somaliland iyo Dhalinyaro Careeysan oo ku Dagaalamay Laascaanood

Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya inuu ka socdo Dagaal u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo Dhalinyaro Careysan oo ah kuwa Magaalada Laascaanood.

Ahlusunna iyo warbaahinta Galguddud oo khilaaf hor leh soo kala dhex galay

Wararka ka imanaya gobolka Galguduud ayaa sheegaya in mar kale deegaanada uu maamulo Ahlu Sunna uu warbaahinta ka howlgasha ku soo rogay amaro iyadoo warbaahintuna ay diiday in ay aqbasho amaradaas.

Ahlusuna oo ku goodisay inay dib u qabsan doonto degmada Caabudwaaq

Maamulka Culumaa’udiinka Ahlusuna ayaa sheegay inay isu diyaarinayaan, sidii weerar rogaal celin ah ugu qaadi lahaayeen degmada Caabudwaaq oo todobaadkii hore laga saaray.

Xoogagga Ahlusuna oo gaaray deegaano cusub oo ka tirsan Gobolka Galgaduud

Xoogagga Ahlusuna Wal-jameeca oo maalin ka hor la wareegay degmada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud, ayaa bilaabay inay isku fidiyaan deegaano ka tirsan gobolkaas.

Ahlusuna oo ka digtay inuu bur buro heshiiskii lagu gaaray degmada Guriceel

Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa bayaan ay soo saareen waxay kaga digeen inuu bur bur ku yimaado heshiiskii 6-dii bishan Maarso lagu gaaray degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kaasoo dhigayay in la joojiyo dagaalada.

Ahlusuna oo sheegay in heshiiskii la gaaray aanay qeyb ka aheyn in ciidankooda laga saaro Guriceel

Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ayaa sheegaya in Mas’uuliyiinta Ahlusuna ay diideen in ciidankooda ka saaraan degmadaas, iyadoo cadeeyay in heshiiskii dhowaan la gaaray aanu qeyb ka aheyn in ciidankooda ka baxaan Guriceel.

Ahlusunna oo Dagaal ku Hanjabtay

Sargaal ka tirsan Ciidamada Ahlusunna ee Magaalada Dhuusomareeb kula dagaalanay Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo lagu Magacaabo Maxamed Axmed ayaa sheegay in ay Duulaan ku qaadayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gacanta ku haya Xarunta Gobolka Galgaduud ee Dhuusomareeb.

Mas’uuliyiinta Ahlusunna Waljamaaca oo ku Qayb-samay Heshiiskii Muqdisho

Mas’uuliyiinta maamulka Ahlusunna ayaa ku qaybsamay heshiiskii dhawaan lagu saxiixay Muqdisho ee lagu doonayo in lagu dhiso maamul KMG ah oo ay yeeshaan gobollada Mudug iyo Galguduud.

Ahlu Sunna oo ka hadashay sababta ay Ciidamadeeda uga harayn Ciidanka ku dhaqaaqay Degmada Ceelbuur

Maamulka Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, ayaa ka hadlay ujeedadii ka dambeysay in ay Ciidamadooda ka haraan, hawlgalka ay Ciidamada Dowladda iyo Amisom ugu dhaqaaqeen Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Ahlusuna oo beenisay in askarteeda lagu biiriyey ciidanka xoogga dalka

Iyadoo shalay wasiirka Arimaha gudaha iyo Federaalka Somaliya Mudane C/llaahi Goodax Barre uu sheegay inaysan jirin ciidan Ahlusuna katirsan oo ka howlgala gobollada dalka Somaliya ayaa waxa arintaas ka hadlay Ahlusunada gobollada dhexe. 

Ahlu Suna oo soo dhaweeysay magacaabista R.wasaaraha cusub ee soomaaliya

Golaha Sare Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa soo dhoweeyay magacaabista uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu Ra'iisul Wasaare u magacaabay Cabdiweli Sheekh Axmed Sheekh Maxamed, waxaana ay ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan.

Ahlu Sunnah oo soo xirtey laba ruux oo dhac iyo dhaawac lagu eedeynaayo

Ciidamada maamulka Ahlu Sunnah ee degmada Dhuusa-mareeb, ayaa maanta soo xirey laba ruux oo lagu eedeynaayo inay xalay dhac iyo dhaawac u geysteen dad rakaab ahaa oo ka yimid magaalada Muqdisho kuna jeeday Dhuusa-mareeb.  
Valid XHTML 1.0 Valid CSS