Tag: Adiss

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kula kulmay Addis Ababa Desalegn iyo Cumar Al-Bashir(Sawiro)

Ra’iisul wasaaraha dowlada federalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kula kulmay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ra’iisal Wasaaraha wadanka Ethiopia Hailemariam Desalegn Boshe iyo Madaxweynaha  dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashir.

Hogaamiyeyaasha Midowga Afrika oo ka arrinsanaya in ciidamo Nabad Ilaalin loo diro Burundi

Hogaamiyeyaasha Midowga Afrika ee shirka uga socda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa maanta kulan gaar ah ka yeelanaya xaalada dalka Burundi oo 10-kii bilood ee u dambeysay qalalaase siyaasadeed uu ka jiray, kaasoo dad badan ku dhinteen.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galaya Shir Madaxeedka 26aad ee Midowga Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalinimadii shalay ka degay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uu kaga qeybgeli doono Shir MadaxeedkII 26-aad ee Midowga Afrika.

Obama oo gaaray Addis Ababa, kuna jira lugtii labaad ee safarkiisa Bariga Afrika (Sawirro)

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ku guda jira lugtii labaad safar uu ku marayo Bariga Afrika, isagoo shalay gelinkii dambe gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS