Tag: Addis

Madaxweynaha Eritrea oo booqasho taariikhi ah ku tagay magaalada Addis Ababa (Sawirro)

Madaxweynaha Eritrea Isias Afwerki ayaa goor dhow ka degay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya, halkaasoo uga bilaabatay booqasho taariikhi ah oo qaadan doonta 3 cisho. 

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Moussa Faki Mahamat+Sawirro

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Magaalada Addis Ababa kula kulmay Gudoomiyaha Guddiga Midawga Afrika, Moussa Faki Mahamat.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya “Madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya ma faragelineyno”

Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Hailemariam Desaleng ayaa carabka ku adkeeyay in Itoobiya ay aqoonsan tahay madaxbannaanida iyo wadajirka dalka Soomaaliya.

Maxay ka wada hadleen Gaas iyo Tedros Adhanom ?

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo maalinimadii shalay gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedros Adhanom iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda Itoobiya.

Madaxweynaha iyo Wasiirka A. Dibadda ee Norway oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Addis Ababa kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Boqortooyada Norway Børge Brende.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Addis-Ababa kula saxiixday heshiis Bangiga Horumarinta Africa iyo IGAD(Sawiro)

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Adan Ibraahim ayaa heshiis sadex geesood ah kula saxiixday magaalada Addis Ababa Bangiga Horumarinta Africa iyo Urur Goboleedka IGAD, kaas oo qayb ka ah  dadaalada lagu doonayo in lagula tacaalao abaaraha ku soo noq noqda gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeybgaley Shir Madaxeedka IGAD (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley shir madaxeedka waddamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD oo ka dhacay magaalada Addis Ababa. 

Kudhawaad 10 qof oo ku dhintay weerar ka dhacay dalka Itoobiya

Dad lagu dilay dalka Ethiopia Illaa 9 ruux ayaa ku naf waayay 6 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii koox hubeysan ay rasaas ku fureen gaari nooca rakaabka qaada ah oo marayay magaalo la yiraahdo Assosa, oo ku taala xadka ay wadaagaan dalalka Ethiopia iyo Sudan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo soo dhaweeyay Warmurtiyeedka kasoo baxay shirweyanaha aan caadiga ahayn ee Madaxweynayaasha Urur Goboleedka IGAD:-War-Saxaafadeed

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed oo ka qaybgalay Shirweynaha 25aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxweynayaasha Urur Goboleedka IGAD ee maanta ka dhacay magaalada Addis Ababa ayaa soo dhaweeyay taageerada loo fidiyay dalka Soomaaliya iyo heshiiska Koonfurta Suudaan, waxaana uu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaadda , looguna gurmado dalkaasi oo cunno-yari ay soo wajahday.

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya oo saakay u anba bay Addis Ababa

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saakay u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uu uga qeyb geli doono shirka 25aad ee Madaxda Urur Goboleedka IGAD.

Daawo sawiradda:Midowga Afrika Oo Qorsheynaya Horumarinta Dhaqaalaha Iyo Nabadgelyada Qaaradda

Ururka Midowga Africa ayaa sheegay in ay dejiyeen Qorshe Fog oo loogu talagalay hormarinta arrimaha Nabad geliyada Qaaradda Africa,  iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay wadamada ugu horreya ee qorshahaas  laga hirgelinayo.

Shirkii Midowga Afrika oo lasoo gabagabeeyay iyo Maxkamada ICC oo loogu baaqay inaysan u yeerin Mas'uul xil haya

Shirkii madaxda ururka Midowga Afrika ayaa lasoo gaba-gabeeyey iyadoo go'aanadii kasoo baxay ay ka mid yihiin in madaxweyne ama ku xigeen Afirkaan ah aan looga yeeri karin maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC, lana xushmeeyo mudada ay xilka hayaan.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS