Tag: Ababa

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo la kulmay Siyaasiyiinta Soomaalida Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Maanta Caasimadda Itoobiya ee Adis Ababa kula kulmay hoggaanka Siyaasada,waxgaradka iyo Mas’uuliyiin ka socotay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. 

Madaxweynaha Eritrea oo booqasho taariikhi ah ku tagay magaalada Addis Ababa (Sawirro)

Madaxweynaha Eritrea Isias Afwerki ayaa goor dhow ka degay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya, halkaasoo uga bilaabatay booqasho taariikhi ah oo qaadan doonta 3 cisho. 

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Moussa Faki Mahamat+Sawirro

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Magaalada Addis Ababa kula kulmay Gudoomiyaha Guddiga Midawga Afrika, Moussa Faki Mahamat.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kula kulmay Addis Ababa Desalegn iyo Cumar Al-Bashir(Sawiro)

Ra’iisul wasaaraha dowlada federalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kula kulmay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ra’iisal Wasaaraha wadanka Ethiopia Hailemariam Desalegn Boshe iyo Madaxweynaha  dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashir.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya “Madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya ma faragelineyno”

Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Hailemariam Desaleng ayaa carabka ku adkeeyay in Itoobiya ay aqoonsan tahay madaxbannaanida iyo wadajirka dalka Soomaaliya.

Maxay ka wada hadleen Gaas iyo Tedros Adhanom ?

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo maalinimadii shalay gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedros Adhanom iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda Itoobiya.

Hogaamiyeyaasha Midowga Afrika oo ka arrinsanaya in ciidamo Nabad Ilaalin loo diro Burundi

Hogaamiyeyaasha Midowga Afrika ee shirka uga socda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa maanta kulan gaar ah ka yeelanaya xaalada dalka Burundi oo 10-kii bilood ee u dambeysay qalalaase siyaasadeed uu ka jiray, kaasoo dad badan ku dhinteen.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galaya Shir Madaxeedka 26aad ee Midowga Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalinimadii shalay ka degay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uu kaga qeybgeli doono Shir MadaxeedkII 26-aad ee Midowga Afrika.

Obama oo gaaray Addis Ababa, kuna jira lugtii labaad ee safarkiisa Bariga Afrika (Sawirro)

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ku guda jira lugtii labaad safar uu ku marayo Bariga Afrika, isagoo shalay gelinkii dambe gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha iyo Wasiirka A. Dibadda ee Norway oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Addis Ababa kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Boqortooyada Norway Børge Brende.

Ra’iisul Wasaare Sharma’arke oo kula kulmay Addis Ababa ra’iisul wasaaraha Ethiopia Desalegn (Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo booqasho rasmi ah maanta ku yimid dalka Ethiopia isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Mudane Hailemariam Desalegn  iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia, Mudane Tedros Adhanom. Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada Siyaasadda, Amniga iyo Dhaqaalaha dalalka ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ethiopia.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Addis-Ababa kula saxiixday heshiis Bangiga Horumarinta Africa iyo IGAD(Sawiro)

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Adan Ibraahim ayaa heshiis sadex geesood ah kula saxiixday magaalada Addis Ababa Bangiga Horumarinta Africa iyo Urur Goboleedka IGAD, kaas oo qayb ka ah  dadaalada lagu doonayo in lagula tacaalao abaaraha ku soo noq noqda gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeybgaley Shir Madaxeedka IGAD (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley shir madaxeedka waddamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD oo ka dhacay magaalada Addis Ababa. 

Daawo sawiradda.C/weli Sheekh oo la kulmay Dessalegn kalana Hadlay Qalabeynta Ciidamada

 Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Hailemariam Dessalegn. Iyadoo labada mas’uul ay kawada hadleen dadaallada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto xasilinta dalka, iskaashiga labada dal, qalabeynta ciidamada Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa dagaalka ay labada xukuumadood kula jiraan Al-shabaab.

Kudhawaad 10 qof oo ku dhintay weerar ka dhacay dalka Itoobiya

Dad lagu dilay dalka Ethiopia Illaa 9 ruux ayaa ku naf waayay 6 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii koox hubeysan ay rasaas ku fureen gaari nooca rakaabka qaada ah oo marayay magaalo la yiraahdo Assosa, oo ku taala xadka ay wadaagaan dalalka Ethiopia iyo Sudan.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS