Tag: AMISOM

Ciidamadii ugu horreeyay ee dalka Burundi oo dib ugu laabtay dalkooda

Ugu yaraan 200 oo Askari oo katirsan Ciidamada Burundi ayaa khamiistii dib ugu laabtay magaalada Bujumbura ee Xarunta dalka Burunid. Ciidamadaan ayaa qeyb ka ahaa Howlgalka AMISOM ee Soomaaiya waxayna horu-dhac u yihiin Ciidamo kale oo ka socda Burundi kuwaas oo ka bixi doona Soomaaliya maalmaha soo socda.

Madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya oo Nairobi ku booqday dhaawacyada Askarta AMISOM

Madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Amb. Madeira ayaa booqday qaar ka mid ah askarta AMISOM ee ku dhaawacantay Soomaaliya, kuwaasoo xaaladooda lagula tacaalayo dalka Kenya. 

Qaar ka tirsan ciidamada AMISOM ee ka howlgalayay Sh/dhexe oo dalkooda dib ugu laabtay

Qaar ka tirsan ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Burundi kana howlgalayay gobolka Sh/dhexe ayaa dib dalkoodii kadib markii ay dhameysteen muddo sanad ah oo ay ka howlgalayeen dalka Soomaaliya. 

Paul Lokech “Soomaaliya uma diyaarsana xilligan in AMISOM kala wareegto Ammaanka”

Taliyaha Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howl galka AMISOM Gen. Paul Lokech ayaa sheegay in xilligan ay Soomaaliya diyaar u aheyn in AMISOM kala wareegto Ammaanka dalka, isagoo ka digay in arrintan ay saameyn xun ku yeelatayo dadaalada xasilinta Soomaaliya. 

Ciidamo fariisimo ka sameystay wadadau dhexeysa Jowhar iyo Balcad

Ciidamo isugu jira Soomaali iyo ciidamo AMISOM ah ayaa fariisimo ka sameystey wadada u dhexeysa magaalada Jowhar iyo degmada Balcad gaar ahaan goob hore loogu weeraray ciidamada AMISOM iyo kuwa Milatariga ah.

Is rasaaseyn Ciidamada Nabadsugida iyo AMISOM caawa ku dhex maray agagaarka KM4

Ciidamo ka tirsan Nabadsugida iyo AMISOM ayaa caawa fiidkii Iska hor imaad ku dhex maray agagaarka Isgoyska KM4, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo iska hor imaadka.

Qeybtii u horeysay Ciidamada AMISOM oo todobaadka soo socda ka baxaya Soomaaliya

Illaa Kun askari oo ka mid ah howl galka AMISOM ayaa bisha soo socota ka bixi doona Soomaaliya, iyadoo lagu wado in qeybtii u horeysay ka bixitaanka Ciidamada ay bilaaban doonaan horaanta Todobaadka soo socda.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay qorshaha lagu dhimayo tirada ciidamada midowga Africa AMISOM

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo la hadlay BBC ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay qorshaha dowladda ee la xiriira sugida amniga dalka, madaama uu socdo qorshe lagu dhimayo tirada ciidamada AMISOM.

AMISOM oo war saxaafadeed ka soo saartay weerarkii Xalane

Taliska AMISOM ayaa war saxaafadeed ka soo saaray weerarkii shalay lagu qaaday Xarunta Xalane, kaasoo ay mas’uuliyadiisa sheegatay Xarakada Al-Shabaab, waxaana xarunta muddo saacado badan ka socday dagaal toos ahaa.

Dad Shacab oo lagu dilay Degmada Marko ee Gobolka Shabeellada Hoose

Wararka laga helayo degmada Marka ee gobolka Sh. Hoose ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ee degmadaas ku sugan ay dad Shacab ah laayeen, waxaana dadkan ka mid ah nabaddoon si weyn looga yaqaanay degmada Marko.

Midowga Afrika oo Baarayaal ah u Xilsaaray Kufsiga loo Geysto Haweenka Somalia

Madaxa Guddiga Midowga Afrika (AU), Mudane Dr Dlamini-Zuma, ayaa sheegtay in la sameynayo koox baara xad gudgub HRW ay sheegtay in lagu  sameyay haweenka Somali ah kaas oo lagu eedeyay Ciidanka Midowga Africa ee somaliya.

Dhaqdhaqaaqyo Milateri oo ka socda deegaanno ka tirsan Shabeellada Dhexe

Dhaq dhaqaaqyo milateri ayaa xalay illaa maant ka socda deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, kuwaasoo ay wadaan ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM, iyadoo ciidanka ay gaareen deegaanno hor leh oo gobolkaas ka tirsan.

AMISOM oo sheegtay in uu socdo Qorshe hubka looga qaadayo Rag hubeesan oo kusugan Magaalada Muqdisho

Afhayeenka Ciidamaa Midowga Afrika AMISOM Col. Cali Aadan Xumad oo la hadlay Idaacada Goobjoog FM ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in howlgalkii hub uruurinta ay ka sameeyeen Ciidamada Dowlada iyo AMISOM ay kusoo qabteen hub badan oo sharci daro ahaa.

Ciidamada AMISOM oo Deegaanka Leego iskaga baxay

Wararka ka imaanaya Deegaanka Leego ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM islamarkaana halkaas ku sugnaa in mudo ah ay Faarujiyeen oo ay ka Guuree.

AMISOM oo Shaaciyay in Soomaaliya ay isaga baxayaan Sannadka 2016-ka

Madaxa AMISOM, Lydia Wanyoto Motende ayaa sheegtay in ciidamada AMISOM ay ka baxayaan Soomaaliya sannadka 2016-ka, iyadoo in howsha nabad-ilaalinta ah ee ay u joogaan Soomaaliya ay ku wareejin donaan ciidamada Somalia.

Daawo Sawiro:AMISOM oo soo bandhigtay hub & Malleeshiyo ay ku qabteen dagaalkii saaka

Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ayaa xilli dhow kusoo bandhigay xarunta Xalane ee Muqdisho hub ay kusoo qabteen howl-galkii saaka lagu weeraray guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir, Axmed Daaci iyo qaar ka mid ah ciidamadii u dagaalamayay.

Ciidamada AMISOM o bilaabay Dhaq dhaqaaq ay ku doonayaa in ay isgu fidiyaan Qeeba ka mid ah Sh/Hoose.

Ciidamo tiro badan oo katirsan Midowga Afrika AMISOM ayaa maalmihii lasoo dhaafayay waxa ay ka baxayeen xeryo ciidan oo ku lahaayeen Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Dayniile.

Turjubaan la sheegay inuu u shaqeynayay AMISOM oo Muqdisho lagu toogtay

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa ku dilay Muqdisho nin turjubaan u ahaa ciidamada AMISOM oo magaciisa lagu soo gaabiyay C/naasir.

AMISOM oo Kulan Amniga looga Hadlayay ku Qabatay Baydhabo (SAWIRRO)

AMISOM ayaa shir looga hadlayay ammaanka iyo la-dagaalanka Al-shabaab oo ay ka qaybgaleen waxgarad iyo xubno ka tirsan maamulka gobolka Bay ku qabatay magaalada Baydhabo, iyadoo uu shirkaas ka hadlay taliyaha ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM.

AMISOM oo sheegtay inay burburisay xarumo ciidan oo ay Al-shabaab lahayd

Howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada AMISOM ay kula dagaalamayaan Al-shabaab ayay shalay oo Khamiis ahayd ay ku qabsadeen saldhig ay Al-shabaab ciidamada ku tababaran jireen oo ku yaalla deegaanka Khadiijo Xaaji oo 65-km dhinaca Koonfur-galbeed kaga beegan degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo.

Afhayeenka AMISOM oo ka warbixiyay howlgallo ay ka sameeyeen Muqdisho

shir jaraa’id oo uu maanta Saxaafada ugu qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, Korneel Cali Aadan Xumud, ayaa waxu sheegay in AMISOM Muqdisho ay ka bilaawday howlgallo lagu xaqiijinayo amaanka Magaalada Muqdisho.

AMISOM:Kaalintii Shacabka ayaa ka maqan sugidda Amniga Muqdisho”

Afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud ayaa sheegay in sugidda amniga magaalada Muqdisho ay ka maqan tahay kaalintii shacabka Soomaaliyeed ay ku lahaayeen, isagoo xusay in haddii aysan shacabku ka qayb-qaadan sidii loo sugi lahaa ammaanka Muqdisho aysan AMISOM waxba ka qaban karin.

AMISOM oo Digniin Culus ka bixisay Dhibaatooyin ka dhasha aqoonsiga dowladu siisay maamulka Koonfur Galbeed

Afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay iney walaac badan ka qabaan falal amaan daro oo ka dhasha aqoonsiga dowladu siisay maamulka sadexda gobol iyo ismaan dhaafka siyaasadeed ee arintaas weli ka taagan.

AMISOM oo Hay’adaha Amniga Dowladda Somalia ku dhaliisay Wax-qab la’aan

Madaxa xafiiska siyaasadda AMISOM, Xaaji Ciise oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in hay’adaha amniga dowladda ay ku guul-darreysteen inay wax ka qabtaan ammaanka Muqdisho iyo dilalka ay ka geysanayaan kooxaha hubeysan.

AMISOM oo sheegtay inay Al-shabaab kasoo furteen ganacsato u Afduubnaa

Ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka Jubba ayaa ku guuleystay inay xoog kusoo furtaan 30-qof oo xoogag ka tirsan Al-shabaab ay ka afduubeen saakay duleedka magaalada Kismaayo, sida uu warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, danjire Maxamed Saalax Anaadiif.

Afhayeenka AMISOM: Baaritaanno ayaan ku wadnaa in AMISOM ay Tababar siiso Al shabaab

Afhayeenka Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM, ayaa sheegay in ay wadaan Baaritaanno ku saabsan Warar ay baahiyeen Saxaafadda oo ku saabsan in Dalka Uganda lagu Tababaro Al shabaab.

AMISOM oo sheegtay in Kenya iyo Sucuudiga kala hadleen Tarxiilka Somalida

Afhayeenka AMISOM Col. Cali Aadan Xumud ayaa ka hadlay markii ugu horreysay Soomaalida laga soo raafayo dlka Kenya iyo sidoo kale xariga lagu hayo Soomaalida ku nool magaalada Nairobi.

Dowlada Sierra Leone oo ciidamo hor leh u soo direysa dalka Soomaaliya

Dowlada Sierra Leone ayaa ku dhowaaqday in ay ciidamo dheeraad ah u soo direyso dalka Soomaaliya si ay ula dagaalamaan ururka Alshabaab.

Afhayeenka AMISOM oo ka Hadlay Waajibaadyada iyo Howl-gallada AMSIOM

Afhayeenka ciidamada AMSIOM, Cali Aadan Xumad ayaa ka dhawaajiiyay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay si wadajir ah uga howl-galayaan deegaannada Al-shabaab laga saaray, isagoo xusay in howlgalku uu sii socon doono.

AMISOM oo Sheegtay in ay lix Magaalo ka Qabsatay Al-shabaab

Taliska AMISOM ayaa sheegay inay lix magaalo oo muhiim ah ka qabsadeen ururka Al-shabaab tan iyo markii howl-galladu ka billowdeen deegaanno ku yaalla Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Askari AMISOM ah oo sheegay inaysan doonayn jabka Al-shabaab

Askari ka tirsan ciidanka AMISOM ee ka socda dalka Burundi oo dib ugu laabtay magaalada Bujumbura ee xarunta dalkaas ayaa sheegay inaysan doonayn in Al-shabaab la burburiyo, isagoo sabab uga dhigay inay taasi soo afjarayso howlgalka ay u joogaan Soomaaliya oo ay dhaqaale badan ku helaan.

AMISOM oo ka war bixisay wajiga 3aad ee hol-galka hada sheegay in uu bilaaban doono..

Taliska AMISOM ayaa ka warbixiyay howl galada ka socda gobolada dalka iyo deegaanadii u dambeeyay ee Al-Shabaab laga qabsaday, iyadoo la bixiyay amar ah in la qaado howl galka qeybta 3aad ee Gobolada dhexe ee Soomaaliya.

SAWIRRO: Dad careysan oo xiray wadada Taree-Biyaano, markii Ciidamada AMISOM ay jiireen nin taksiile

Dadweyne careysan ayaa goor dhoweyd xiray wadada hor marta Taree-Biyaao ee Jidka maka Al-Mukarama, halkaasoo abaarihii sagaalkii subaximo Kolonyo ay wateen Ciidamada AMISOM uu jiiray nin Taksiile ahaa oo aad looga yaqaanay degmada Waabari.

Taliska AMISOM Oo Sheegay in ay Bilaabayaan Howlagalka Lagu Baacasanayo Maleeshiyaadka Fara Ku Tiriska ah ee Al Shabaab

Afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa Cornel Cali Aadan Aumad ayaa shir jaraa’id oo uu manta ku qabtay taliska ciidamada AMISOM waxa uu kaga hadlay xaaladaha amniga ee goobaha ay Dalka kaga suganyihiin ciidanka AMISOM iyo waliba dhaq dhaqaaqyadi ugu dambeeyay oo ay ka sameeyeen caasimada iyo qaar ka mid ah gobolada dalka waxa uuna sheegay in xaalada amni ee dalku aad u soo hagaageyso marka laga reebo falal amniga lidi ku ah oo ay mararka qaar geystaan argagaxisadu,

Brundi oo si rasmi ula wareegtay hogaanka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya (Sawirro)

Dowladda Brundi ayaa la wareegtay hogaanka Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, kadib markii Taliye cusub u soo magacawday Taliska Guud ee AMISOM.

Turjubaan u shaqeynayay Ciidamada AMISOM oo lagu dilay Xaafadda Suuqa Xoolaha iyo Kooxihii dilka u geystay oo la dilay

 Turjubaan u shaqeynayay Ciidamada AMISOM ayay kooxo hubeysan ku dileen xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa iyadoo kooxihii hubeysnaa ee dilkaas geystay iyagana la toogtay.

AMISOM oo la cadeeyay in ay faragelin ku sameyneyso khilaafka madaxda dalka

Sida uu xaqiijiyay afhayeenka ciidanka Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya Cali Aadan Xumad waxaa maanta lagu wadaa in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka si gooni gooni ah ula kulmaan Mohamed Salah Anadif madaxa howlgalka Amisom ee Soomaaliya.

QM oo dadaal ugu jira sidii lagu kordhin lahaa ciidamada AMISOM loona dhisi lahaa kuwa Somalia

Ban Ki-Moon Xogyahaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa dadaal xooggan ugu jiray in la kordhiyo ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, kaddib markii Al-shabaab ay sheegatay weerarkii bishii hore lagu qaaday suuqa ganacsiga Westgate Mall ee Nairobi, taasoo ay ku dhinteen 67-qof.

AFHAYEENKA AMISOM: “Waxaa loo baahan yahay ciidammo dheeraad ah iyo in Ciidamada Soomaaliya dib loo dhiso

Afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in ciidamada Midowga Afrika ay u baahan yihiin taageero caalami ah iyo ciidammo ka yimaada dalalka Afrika ee aan ciidamada ku taageerin si howsha nabad raadinta Soomaaliya loo sii xoojiyo.

Ciidamada AMISOM oo weerar ismiidaamin ah Muqdisho lagula eegtay

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay ilaa toban kalana way ku dhaawacmeen qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagula eegtay magaalada Muqdisho kolonyo ay wateen ciidamada AMISOM oo marayay inta u dhaxeysa wadada KM4 iyo garoonka diyaaradaha Aden Cadde

AMISOM: Waxaanu taageereynaa siyaasadda dowladda ee Kismaayo

Taliska ciidamada AMISOM ayaa markii u horeysay ka hadlay mowqifkooda ku aadan maamulada iska soo horjeeda ee laga dhisayo magaalada Kismaayo, maalmo kadib markii ay soo baxeen Madaxweynayaal iskood is magacaabay iyo kuwo loo doortay.

QM :Kumannaan askari, ayaa AMISOM looga dilay Soomaaliya:

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 3,000 oo askari oo ka tirasn ciidamada AMISOM lagu dilay gudaha Soomaaliya tan iyo sannadkii 2007 oo uu howlgalkan billowday, iyadoo sheegtay in askarta ugu badan ee la dilay ay ka socdeen dalalka Uganda iyo Burundi.

AMISOM oo sheegtay inay fashiliyeen qorshayaal Shabaab ay ku weerari lahaayeen Kismaayo

AMISOM ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay fashilisay weerarro ay Al-shabaab doonaysay inay ka fuliso magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo sanadkii hore laga qabsaday Al-shabaab iyadoo aysan ka dhicin wax dagaallo ah.

Ciidamo AMISOM ah oo la wareegey Goof-gaduud oo ay Itoobiyaanku ka baxeen

Xaaladda deegaanka Goof-Gaduud oo 30 km dhinaca koonfur galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa deggan kaddib markii dhawaan ay halkaas ku kala wareegeen ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa Itoobiya.

AMISOM oo guul ka sheegatay dagaal ka dhacay shalay Hoosingow

War saxaafadeed ay AMISOM soo saareen maanta, ayaa waxay ku sheegeen shalay dagaal ka dhacay agagaarka deegaanka Hoosingow ee Jubbada Hoose, ay ku dileen maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab.

AMISOM oo qalab xafiiseed ugu deeqda wasaaradda adeegga bulshada

Wasaaradda horrumarinta adeegga Bulshada, ayaa maanta qabal xafiiseed ay ku shaqeyneyso wasaaradda ka guddoomey howl galka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM.

AMISOM oo ka feejigan weerarada Shabaab

Taliska ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa sheegay inay ka feejigan yihiin weerarro argagixiso oo Muqdisho ka dhaca.

Ciidamo ka tirsan AMISOM oo Baydhabo gaaray

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamo fara badan oo ka tirsan AMISOM ay saacadihii u dambeeyay ku qul qulayeen, kuwaasoo safar dhinac dhulka ah ku gaaray.

AMISOM oo sheegtay in ay buuxinayaan gobollada ay Itoobiyaanku banneynayaan

Taliyaha guud ee Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Jen. Andrew Gutti ayaa sheegay inay xaqiijin doonaan ammaanka deegaanada la filayo in ay Ciidamada Itoobiya  ka bixi doonaan, isagoo cadeeyay in aanay dhici doonin marnaansho xaga ammaanka.

AMISOM oo wada-tashi la sameeysay odayaasha Shabeellaha Hoose

War-saxaafadeed ka soo baxay ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ayaa lagu sheegay in AMISOM shirar iyo kulamo la yeelanayso waxgaradka iyo duqeytida goobihii dhawaan al-Shabaab laga saarey sida Janaale, Awdheegle iyo Bariire ee Shabeelada Hoose.

Soomaaliya oo dalbatay in AMISOM waqtiga loo kordhiyo

Dowladda Soomaaliya ayaa weydiisatay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in la kordhiyo xilliga howgalka ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, kaddib hadal ay wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ka jeedisay kulan uu goluhu yeeshay shalay oo Khamiis ahayd.

AMISOM oo soo dhaweysay guddigii dowladda u xil-saartay go'aan ka gaaridda dhuxusha Kismaayo

Afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM, ayaa sheegay inay AMISOM soo dhaweyneyso guddigii ay dowladda Soomaaliya u xil saartay dhawaan xal ka gaaridda arrintii dhuxusha Kismaayo ku xaniban.  

Ciidamada AMISOM oo dib ugu noqday fariisinkoodii Baladweyne muddo ka badan bil oo ay ka maqnaayeen

Ciidamada AMISOM ee Baladweyne joogay, ayaa dib ugu nqoday fariisimadooda magaalada Baladweyne, oo ay ka baxeen 25-kii bishii September ee sanadkan, ka dib daadad xooggan oo  magaalada qeybo badan oo ka mid ah ku dhuftay.

Golaha ammaanka QM oo hal toddobaad u kordhiyay ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya

Golaha amaanka ee QM, ayaa muddo kordhin hal toddobaad ah u sameeyay ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM.  
Valid XHTML 1.0 Valid CSS