8840 entries

Category: Local News

Dhageyso Warka Axadnimo ee Sagal Radio

Warka Radio Sagal, toddobaadkan waxa uu idin kaga imaanaya Studiyaha Radio Sagal ee magaalada Nairobi, dalka Kenya.
Warka

SOMALIA: Dangers for journalists grow as new government takes hold

The situation of journalists in Somalia is becoming increasingly precarious as the country struggles to put behind it years of lawlessness following the recent successful election of a new president. 

Wasaaradda difaaca Soomaaliya oo ka hadashay qabsashada Kismayo

Raysal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhiga Md. Xuseen Carab Ciise, ayaa hambalyo iyo bogaadin u direy ciidamada qaranka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM, guushii ay ka gaareen dagaalkii Kismaayo.  

Dhageyso Warka Sagal Radio Iyo Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadkii Tagay Ee Soomaaliya

Dhageystayaal warka iyo barnaamijkii dhacdooyina toddobaadkii tagay ee Soomaaliya, waxaa uu idin kaga imaanaya Studia-ha Sagal Radio ee Nairobi Kenya. Qodobo xiiso badan ayaad ku dhageysan doontaan.
WAR

Warkii ugu dambeeyay ee Kismayo

Wararkii ugu dambeeyay ee caawa Kismaayo laga helaayo, ayaa sheegaya in dhinacyadii ku dagaallamay deegaanno u dhow dhow magaalada ay wali isku hor fadhiyaan, halkii ay ku dagaallameen, iyadoo ciidamadii Kenyanka iyo kuwii dowladda Soomaaliya ahaana ay heystaan oo qabsadeen deegaanka Ceel-dhiig oo ay saaka aroortii soo gaareen.

Wariye lagu gowracay Muqdisho

Kooxda al-Shabaab, ayaa maanta degmada Heliwaa ku gowracday wariye ka tirsanaa wariyayaasha fadhigooda uu yahay magaalada Muqdisho, xilli wariyahaasi la sheegay in uu booqasho degmadaasi ugu tagay qaar ka mid ah eheladiisa oo halkaasi deganaa.

Dhismaha xarrunta agoomaha gobalka Togdheer oo lacag loogu deeqay

Lacag ay iska soo aruriyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa la guddoonsiiyay madaxda maamulka  gobalka Togdheer, si loogu taageero dhisme xarun agoonta lagu xanaaneyn doono oo Burco laga her-galinaayo.

Madaxweynaha Masar oo ku baaqay in dowladda Soomaaliya la taageero

Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Mursi, ayaa ugu baaqay dowladaha ku jira golaha guud ee QM inay taageeraan dowladda cusub ee dalka Soomaaliya, si looga guuleysto kooxaha doonaya inay fashiliyaan dadaalka miro dhalay ee Soomaaliya.

Nabad sugidda oo soo bandhigtay caruur miino dhigeysay (Daawo sawirada)

Hay’adda nadad sugida qaranka Soomaaliyeed  ayaa maanta soo bandhigtay sedex ruux iyo miinoyin xili ay doonayeen in ay ku aasaan xaafad katirsan degmada  Yaaqshiid kadib howlgal ay ka sameeyeen halkaasi.

Itoobiyaan rayid ku dilay Baladweyne

Ciidamada Itoobiya ee magaalada Baladweyne jooga, ayaa saaka laba ruux oo rayid ah ku dilay gudaha magaalada Baladweyne, ka dib markii lagu weeraray wax loo maleynaayay inay bam gacmed ahaayeen ciidamadaasi.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS